U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse muxuu ka yiri Wax ka badelka Dastuurka iyo mudada xil-haynta?

Abriil 21, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si adag uga hadlay doodaha ku saabsan wax ka beddelka dastuurka dalka iyo baaqyada mucaaradka ee ah in dib loogu noqdo dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee sanadkii 2012.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in doodda ku saabsan ku noqoshada dastuurkii 2012 ay tahay mid u baahan in si qoto dheer loo fahmo, isagoo xusay in dastuurkaasi si cad u qeexayay in muddada xil haynta hay’adaha dowladda ay tahay shan sano.

Wuxuu su’aal geliyay is-waafajinta doodaha qaar, isagoo yiri: “Haddii dastuurkii 2012-kii lagu noqanayo, maxaa keenay in la yiraahdo 15-ka May bay bahashu ku egtahay?”.

Xamse Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyay in dastuurka hadda la dhammaystiray uusan ahayn mid cusub oo gebi ahaanba la sameeyay, balse uu yahay kii hore ee la hagaajiyay lana buuxiyay meelihii ka dhimanaa.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan walaacyada mucaaradka iyo falanqeeyayaasha siyaasadda, kuwaas oo qaar ka mid ah ay u arkaan in isbeddellada dastuuriga ah ay horseedi karaan muddo kororsi siyaasadeed.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si cad u sheegay in dastuurkii 2012 iyo midda haddaa jiraahiba ay qabaan in muddada xil hayntu ay tagay 5 sano, isagoo ku adkeystay in muddadu aysan ka bixi karin shan sano xaalad kasta.

“Haddii dastuurkii hore la aado, muddadu waa shan sano; haddii kan hadda la dhammeystiray la aado, muddadu sidoo kale waa shan sano. Meel shan sano looga baxayo ma jirto,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa iftiimiyay in Baarlamaankii 9-aad ee Federaalka uu hore uga saaray dastuurka laba qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ahaa muddada xil haynta oo shan sano ah iyo awoodda madaxweynaha ee kala dirista baarlamaanka.

Wuxuu xusay in Baarlamaanka 11-aad uu dib u soo celiyay qodobka muddada xil haynta, taasoo uu ku tilmaamay mid soo celinaysa nidaamkii dastuuriga ahaa ee saxda ahaa.

Doodda ku saabsan dastuurka Soomaaliya ayaa weli ah mid siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo dhinacyada kala duwan ay si kala aragti duwan uga falcelinayaan mustaqbalka nidaamka dowladeed ee dalka, xukuumadda haatan jirta ayaa diiddan in laga gorgortamo doorashada qof iyo codka ah iyo ka noqoshada wax ka badelka dastuurka oo mucaaradku ay ku dhegganyihiin.