Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo dib usoo laabashada falalka burcad-badeednimo ee ka dhacaya xeebaha Soomaaliya, xilli dowladda Soomaaliya ay la daalaa-dhaceyso ilaalinta xeebta dheer ee dalka oo ka badan 3,300-km, taasoo fursad siisay kooxo hubeysan iyo kalluumeysato quus ka taagan nolol maalmeedkooda.
Warbixin ay baahisay Al Jazeera ayaa muujinaysa in xeebaha Soomaaliya ay mar kale kasoo baxayaan dhaq-dhaqaaqyo la xiriira burcad-badeednimo, iyadoo warbixintu ay sheegtay in kalluumeysatada Soomaaliyeed ee wajahaya dhaqaale xumo iyo hoos u dhac ku yimid kalluunka ay qaarkood ka faa’iideysanayaan firaaqada amni si ay ugaarsadaan maraakiibta ka gudbaysa biyaha Soomaaliya.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in awood la’aanta dowladda ee ilaalinta xeebaha waaweyn, iyo yaraanta ilaalada badda, ay abuurtay jawi u saamaxaya kooxaha hubeysan inay dib isu abaabulaan, gaar ahaan deegaannada xeebaha ee waqooyi-bari Soomaaliya.
Sida ay warbixinnada amnigu muujinayaan toddobaadyadii lasoo dhaafay la diiwaangeliyay dhowr markab oo lagu weeraray ama lagu afduubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, taasoo sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka uu markale noqdo meel halis ku ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.
Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo indhaha caalamka ay markale kusoo jeesteen xeebaha Soomaaliya, halkaas oo mar hore ahayd xudunta ugu weyn ee burcad-badeednimada caalamka.
falalka burcad-badeednimada oo ku soo badanaya xeebaha Soomaaliya
Maajo 2, 2026