Dunida fanka Carabta ayaa maanta waysay mid kamid ah fannaaniintii ugu caansanaa, kaas oo ahaa Hany Shaker, oo loo yiqiin “Amiirka Heesaha Carabta”.
Ninkan oo u dhashay dalka Masar ayaa geeriyooday isagoo jira 73 sano kadib xanuun muddo la tacaalayay, sida uu shaaciyay wiilkiisa Sherif oo qoraal ku baahiyay barta Instagram-ka.
Hany Shaker, magaciisa oo dhammeystirani ahaa Hany Abdel Aziz Shaker, waxa uu ku dhashay magaalada Qaahira 21-kii December 1952-kii.
Carruurnimadiisii ayuu la soo hanaqaaday hibada muusigga, isagoo bartay ciyaarista piano-ga kahor inta uusan gelin machadka sare ee muusigga ee Qaahira.
Safarkiisa faneed wuxuu si rasmi ah u billowday sanadkii 1972, markii laxamiistihii caanka ahaa Mohammed El Mougi uu fursad siiyay, taas oo horseedday heestiisii ugu horreysay ee guusha weyn gaarta “Heloua Ya Dounia”.
Intaas kadib wuxuu noqday mid kamid ah codadka ugu saamaynta badan fanka Carabta, asagoo muddo ka badan nus qarni ka dhex muuqday fanka Carabta, asagoo qaaday boqolaal heesood, wuxuuna soo saaray in ka badan 20 album, isagoo caan ku noqday heesaha jacaylka iyo dareenka qotoda dheer.
Waxaa kamid ahaa heesihiisa ugu caansan Kida Bardo Ya Amar, Sibony Aheb iyo Ali El-Dahkaya, waxaana marka laga soo tago fanka, uu sidoo kale noqday guddoomiyaha ururka muusiglayda Masar.
Bilihii ugu dambeeyay, xaaladdiisa caafimaad ayaa sii xumaanaysay, waxaana loogu qaaday daaweyn magaalada Paris, halkaas oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday 3-da bishan May oo maanta ah.