U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo siyaasiyiinta mucaaradka ku eedeeyay inay qalqal-gelinayaan amniga caasimadda

Maajo 7, 2026


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir jaraa’id ku qabtay xaafiiskiisa ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradku ay ka shaqaynayaan falal amni darro u horseedaya magaalada Muqdisho iyo dadka ku nool.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka Digtoonaadaan waxa uu ku tilmaamay kuwa amnigooda ku cayaaraya, islamarkaana ay qeymeeyaan Muqdisho sidii ay shalay ahayd iyo sida ay maanta tahay, asagoo siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqay wada-hadal.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradku ay shirarkii hore ka qeyb-galeen ayagoo aan talona wadin, tolana oggolayn sida uu hadalka u dhigay, balse haatan looga baahanyahay inay ka soo qeyb-galaan gogosha uu madaxweynuhu dhowaan fidiyay.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku soo beegmaya xilli muddo-xileedka dawladda ay ka harsantahay wax ka yar hal toddobaad, islamarkaana mucaaradku ay abaabulayaan bannaan-bax lagu wado inuu dhaco horraanta Todobaadka soo socda.