U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in muddo-xileedka dawladdu uu ku egyahay 2027 iyo mucaaradka oo billaabay adeegsiga erayga “Madaxweyne Hore”

Maajo 16, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in muddo-xileedka dowladda federaalka uu ku egyahay 15-ka May 2027, xilli uu ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wax ka badelka Dastuurka lagu sameeyay uu ku jiro qodob sheegaya in mudda xileedka dawladdu uu yahay 5 samo, sidaas darteedna uu ku egyahay 15-ka May 2027-ka.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku beegmay xilli uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday shir 3 maalmood ka socday xerada Xalane oo looga hadlayay xallinta khilaafka doorashada, waxaana isha lagu wada hayaa tallaabada ay qaadi doonaan mucaaradku.