Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in uu meel wanaagsan marayo qorshe ballaaran oo koronto looga soo iibsanayo dalka Itoobiya, si loo yareeyo qiimaha sare ee korontada ee ka jira magaalooyinka Soomaaliya.
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka, Abdullahi Bidhaan Warsame, oo la hadlay barnaamijka lagu macaabo Miisaan, ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallo lagu doonayo in dalka lagu helo koronto jaban oo joogto ah.
Wasiirka ayaa xusay in korontada dalka laga soo gelin doono dhinacyada Galdogob, Wajaale iyo Doolow, iyadoo mashruuca uu maalgelinayo bank-ga adduunku.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in qiimaha korontada laga helayo mashruucan uu noqon doono qiyaastii shan sent halkii unit oo koronto ah ($0.05), taas oo si weyn uga hooseysa qiimaha hadda ay shacabka Soomaaliyeed ku iibsadaan korontada, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn oo lagu tilmaamo kuwa ugu qaalisan gobolka.
Itoobiya ayaa inta badan korontadeeda ka dhalisa tamarta biyaha, gaar ahaan Biyo-xireenka ay dhowaan dhammaystirtay, waxaana ay muddooyinkii dambe qorshaynaysay inay koronto jaban u dhoofinayso dalalka deriska ah sida Djibouti iyo Kenya, Jabuuti, iyo Soomaaliya.