U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Ka hadashay Cabasho Ka Soo Yeertay Qaar Ka Mid Ah Xujeyda Soomaaliyeed

Maajo 23, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay cabashooyin ay muujiyeen qaar ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka, kuwaas oo ku sugan magaalada barakeysan ee Makka.

Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Khadar Xaaji Daahir, ayaa sheegay in wasaaraddu si dhow ula socotay cabashooyinka soo baxay isla markaana ay ka jawaabtay arrintaas.

Khadar Xaaji Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan masuul ka ahayn diyaarinta cuntada xujeyda, maadaama sanadihii horeba ay xujeydu wax ka cuni jireen maqaayado gaar loo leeyahay oo ku yaalla goobaha ay deggen yihiin.

Waxa uu xusay in sanadkan dowladda Sacuudiga ay xirtay qaar ka mid ah maqaayadihii ay xujeydu hore uga cunteyn jireen, taasoo sababtay in adeegii cuntada uu hakad galo islamarkaana ay soo baxaan cabashooyin la xiriira helitaanka cunno ku filan.

Mas’uulkan ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay la shaqeynayso dhinacyada ay khuseyso si xal loogu helo caqabadaha jira, isla markaana loo hubiyo in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeegyada lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkooda Xajka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli kumannaan xujey Soomaaliyeed ay sanadkan ku sugan yihiin Boqortooyada Sacuudiga, iyagoo gudanaya acmaasha Xajka, islamarkaana maalmihii la soo dhaafay la hadal-hayay cabasho la xariirta cunto la’aan iyo gaadiid xumo oo xujayda qaarkood ay muujinayeen.