U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Xaaji Yuusuf Xasan

Maajo 24, 2026

Allaha u naxariistee waxaa saacado ka hor magaalada muqdisho ku geeriyooday caalimkii weynaa ee Shiikh Cali Shiikh Xaaji yuusuf Xasan, oo kamid ahaa culumada ugu waaweyn geyiga Soomaaliyeed.

Shiikh Cali Xaaji Yuusuf Xasan waxa uu ahaa caalim Soomaaliyeed oo caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka, barbaarinta bulshada iyo Soo saaridda jiilal badan oo Soomaaliyeed oo diinta ku ababay.

Sheekh Cali waxa uu kasoo jeeday qoys cilmi iyo diin ku suntanaa, isaga oo ahaa wiilkii uu dhalay Sheekhii weynaa ee Xaaji  Yuusuf Xasan oo kamid ahaa culimadii ugu waaweynaa Soomaaliya.

Marxuumku noloshiisa oo dhan waxa uu u huray dacwada Islaamka, waxbaridda Qur’aanka Kariimka ah, faafinta cilmiga shareecada iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu kaalin muuqata ka qaatay nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, isaga oo mar walba ku baaqi jiray walaaltinimo, midnimo iyo is-ixtiraam.

Sheekh Cali Xaaji Yuusuf Xasan waxa uu ahaa hoggaamiye diimeed ay si weyn u qadariyaan culimada, ardayda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu muddo dheer hormuud u ahaa jameecada reer Xaaji Yuusuf, isaga oo lagu yaqiinay xikmad, dulqaad iyo adeeg diin oo la mahdiyay.

Geeridiisa naxdinta leh ayaa murugo ku abuurtay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka tacsiyeeyay culumaa’udiin, masuuliyiin dowladda ka tirsan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ku tilmaamay marxuumka tiir weyn oo ummadda ka baxay.

Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka socda aaska Sheekh Cali Xaaji Yuusuf Xasan, iyadoo dadweyne fara badan, culimo iyo masuuliyiin ay ka qeyb galayaan janaasadiisa.