U bood dhigaalka

Malaayiin Muslimiin ah oo maanta banka carafo taaggan iyo dawladda Sucuudiga oo soo kordhisay adeegyo cusub

Maajo 26, 2026

Malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha caalamka ayaa maanta taagan banka barakeysan ee Carafo, halkaas oo ay ku gudanayaan rukniga ugu weyn ee acmaasha Xajka, kaas oo ah istaagga Carafo.

Xujeyda ayaa halkaas ku sugan iyagoo ku jira cibaado, duco iyo toobad keen, iyadoo si weyn loo dareemayo isku xirnaanta ruuxiga ah ee Muslimiinta aduunka oo dhan, kuwaas oo hal meel ku wada gudanaya waajib diini ah oo aad u weyn.

Dhinaca kale, Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa sanadkan xoojisay adeegyada Xajka, si loo fududeeyo isu socodka, badbaadada iyo daryeelka xujeyda inta lagu jiro maalmahan barakeysan.

Adeegyada cusub waxaa ka mid ah nidaamyo casri ah oo dijitaal ah oo lagu maamulo hagista iyo isku dubbaridka xujeyda, adeegga lagu magacaabo Nusuk oo fududeeya macluumaadka iyo ballansashada, iyo horumarinta gaadiidka isku xira goobaha muhiimka ah sida Mina, Carafo iyo Musdalifa.

Sidoo kale, waxaa la xoojiyay adeegyada caafimaadka, iyadoo la kordhiyay xarumaha gurmadka degdegga ah iyo isbitaallada, si loo hubiyo in xujeydu helaan daryeel caafimaad oo degdeg ah haddii loo baahdo.

Waxaa sidoo kale la hirgeliyay nidaamyo adag oo lagu maareeyo isu socodka dadka , si loo yareeyo ciriiriga loona xaqiijiyo amniga malaayiinta xujeyda ah ee hal mar isugu timid goobaha barakeysan.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa sheegay in horumarradan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu casriyeynayo adeegyada Xajka, maadaama uu yahay isu imaatinka ugu weyn ee Muslimiinta caalamka, isla markaana u baahan nidaam iyo isku dubbarid heer sare ah.

Wasaaradda Xajka Sucuudiga ayaa dhanka  kale soo saartay digniin ku aaddan in dadku aysan ku kalsoonaan xogaha uu bixinayo nidaanka AI-gu, balse ay si toos ah u raacaan habraacyada lagu hagayo gudashada acmaasha Xajka.