U bood dhigaalka

Midowga Afrika oo Ballanqaaday Xoojinta Wadashaqeynta Soomaaliya si loo Adkeeyo Amniga

Maajo 26, 2026

Muqdisho, May 26, 2026 — Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AUSSOM, El Hadji Ibrahima Diene, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu sii xoojinayo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya si loo adkeeyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Diene oo hadal ka jeediyay munaasabadda Maalinta Afrika ayaa sheegay in howlgalka AUSSOM uu ka go’an yahay taageeridda dadaallada ay Soomaaliya hoggaamineyso ee lagu sugayo nabadda, lagu ilaalinayo shacabka, isla markaana lagu horumarinayo dib u dhiska iyo dhaqaalaha dalka.

“Inkasta oo ay jiraan caqabado badan, shacabka Soomaaliyeed waxay muujiyeen adkeysi iyo dadaal xooggan oo ku aaddan dib u dhiska dalkooda, dib u heshiisiinta iyo horumarka,” ayuu yiri Diene.

Wuxuu xusay in soo kabashada Soomaaliya ay tusaale u tahay awoodda wadajirka dalalka Afrika, isagoo ammaanay ciidamada ammaanka Soomaaliya, shacabka iyo ciidamada Midowga Afrika ee nafahooda u huray soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

Sidoo kale, ergayga Midowga Afrika ayaa u mahadceliyay dalalka ciidamada iyo booliiska ku biiriya howlgalka AUSSOM, kuwaas oo door weyn ka qaatay dadaallada nabadeynta Soomaaliya, isaga oo sidoo kale bogaadiyay taageerada beesha caalamka iyo saaxiibada gobolka.