Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariikhda si rasmi ah ugu fariisatay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga (PSC) ee Midowga Afrika, kadib doorasho ay ku heshay kalsoonida dalalka xubnaha ka ah ururka.
Soomaaliya ayaa loo doortay xubinnimada golahan bishii Febraayo ee sanadkan, xilli uu socday Shirweynihii 37-aad ee Madaxda Midowga Afrika.
Doorashadan ayaa u suurtagelisay in Soomaaliya ka mid noqoto 15-ka dal ee hoggaamiya go’aannada la xiriira nabadda iyo amniga qaaradda Afrika.
Maanta, magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Afrika, ayaa lagu qabtay munaasabad si rasmi ah loogu taagay calanka Soomaaliya gudaha xarunta Golaha Nabadda iyo Amniga.
Tallaabadan ayaa calaamad u ah bilowga doorka cusub ee Soomaaliya ku leedahay arrimaha istaraatiijiga ah ee amniga qaaradda.
Mas’uuliyiinta Midowga Afrika ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee golahan ay ka tarjumeyso horumarka ay dalka ka sameysay dhinacyada dowlad-dhiska, amniga, iyo dib-u-soo kabashada hay’adaha dowladda.
Xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga waxay Soomaaliya siinaysaa fursad ay si toos ah uga qeyb qaadato go’aamada muhiimka ah ee la xiriira xasilloonida, ka hortagga colaadaha, iyo howlaha nabad ilaalinta ee Afrika.