Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa hoggaaminaya wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qaybgalaya Kalfadhiga 49-aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, kaas oo lagu qabanayo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Kalfadhigan ayaa diiradda lagu saarayaa halku-dhigga “Sugidda Helitaanka Biyaha Joogtada ah”, iyadoo waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay iska kaashanayaan xal u helidda caqabadaha la xiriira biyaha iyo isbeddelka cimilada.
Inta uu socdo shirka, Soomaaliya ayaa soo bandhigi doonta dadaallada ay ku xoojinayso amniga biyaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mashruuca Barwaaqo ee Biyaha iyo Adkeysiga Reer Miyiga, iyo hirgelinta laba ceel-biyood oo cusub oo ku shaqeeya tamarta qorraxda, kuwaas oo lagu ballaarinayo helitaanka biyo nadiif ah ee bulshada.
Sidoo kale, wafdiga Soomaaliya ayaa ka qayb qaadan doona doodaha ku saabsan xoojinta Guddiga Midowga Afrika iyo horumarinta mudnaanta iyo himilooyinka wadajirka ah ee qaaradda, iyadoo Soomaaliya ay muujinayso doorkeeda ku aaddan iskaashiga iyo horumarka Afrika.