Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo la qorsheeyay inay qabsoomaan inta u dhexeysa 2-da ilaa 10-ka June 2026.
Sida ku cad jadwalka guddigu soo saaray, geeddi-socodka doorashada Golaha Wakiillada ayaa bilaabanaya 2-da June, iyadoo la qaban doono qabashada araajida musharraxiinta, kuxigeennada iyo shaacinta liiska musharraxiinta. Marxaladdan ayaa socon doonta laba maalmood, iyadoo la soo gabagabeyn doono 3-da June.
4-ta June ayaa loo asteeyay hadal-jeedinta musharraxiinta iyo codbixinta xubnaha Golaha Wakiillada, taasoo ku ekaan doonta hal maalin.
Dhanka kale, doorashada hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bilaaban doonta 5-ta June, iyadoo la furayo qabashada araajida musharraxiinta madaxweynaha. Liiska musharraxiinta ayaa la shaacin doonaa 7-da June, halka hadal-jeedinta musharraxiinta la qaban doono 8-da June.
Ugu dambeyn, doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la qorsheeyay inay dhacdo 10-ka June 2026, iyadoo lagu dooran doono hoggaanka cusub ee dowlad goboleedka.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sheegay in doorashooyinkan loo qaban doono si xor iyo xalaal ah, iyadoo la dhowrayo mabaadi’da dimuqraadiyadda, hufnaanta iyo caddaaladda.
Doorashooyinkan ayaa si weyn isha loogu hayaa maadaama ay door muhiim ah ka ciyaarayaan mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.