Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo soconaya muddo shan sano ah, kaas oo loogu talagalay in lagu ballaariyo fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.
Heshiiskan oo socon doona inta u dhaxaysa sannadaha 2026 illaa 2030 ayaa diiradda saaraya shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, nabad-dhisidda iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada, iyadoo la beegsanayo caqabadaha ugu waaweyn ee haysta dhallinyarada Soomaaliyeed.
Sida ku cad heshiiska, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP waxay iska kaashan doonaan xoojinta ka qaybgalka dhallinyarada ee maamulka iyo nabad-dhisidda, kordhinta helitaanka tababarrada farsamada iyo xirfadaha shaqo, taageeridda mashaariicda la xiriira adkeysiga cimilada iyo abuurista fursado shaqo iyo ganacsi.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskani uu ka tarjumayo sida ay dowladda uga go’an tahay maalgelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka iyo xasilloonida dalka mustaqbalka.
Soomaaliya ayaa leh mid ka mid ah bulshada ugu da’da yar dunida, iyadoo in ka badan 70 boqolkiiba shacabka ay ka yar yihiin 30 jir. Inkastoo dhallinyaradu ay door muuqda ku leeyihiin hal-abuurka iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha, haddana shaqo la’aanta iyo fursadaha xaddidan ayaa weli ah caqabadaha ugu waaweyn ee ay wajahayaan.
Heshiiskan cusub ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah ay xoojinayaan dadaallada lagu abuurayo shaqooyin cusub, lagu taageerayo ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, isla markaana lagu awood-siinayo dhallinyarada inay door muuqda ka qaataan nabadda iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
UNDP ayaa muddo dheer Soomaaliya kala shaqeynaysay dhinacyada maamulka, adkeysiga bulshada, soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta dhallinyarada, iyadoo fulisay barnaamijyo badan oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo fursadaha bulshada nugul.
Mas’uuliyiinta ayaa rajo ka muujiyay in heshiiskan shanta sano ah uu dardar gelin doono horumarka Soomaaliya, isla markaana uu gacan ka geysan doono dhismaha mustaqbal loo dhan yahay oo ay hormuud ka yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.