Boqortooyada Eswatini ayaa mar kale xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kaddib kulan magaalada Seoul ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Qorsheynta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Eswatini, Dr. Thambo Gina.
Kulankan ayaa ka dhacay intii uu socday shirkii wasiirrada Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed ee lagu qabtay magaalada Seoul, waxaana labada dhinac ay isku raaceen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan danaha muhiimka ah.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Dr. Gina ayaa ku celiyay mowqifka Eswatini ee taageerada buuxda u ah madax-bannaanida, qarannimada siyaasadeed iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii qoto dheereyn lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, arrimaha gobolka iyo iskaashiga horumarineed.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirrada ay la leedahay dalalka Afrika, si ay u hesho taageero dheeraad ah oo ku saabsan mudnaanta qaranka sida amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada Afrika, is-ixtiraamka iyo wada-shaqeynta si wax looga qabto caqabadaha wadajirka ah ee qaaradda, oo ay ka mid yihiin koboca dhaqaalaha, horumar waara iyo isdhexgalka gobolka.
Shirka Wasiirrada Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed ee ka socda Seoul ayaa isu kulmiyay wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socda dalal badan oo Afrikaan ah iyo Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo ka wada hadlaya arrimaha ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo iskaashiga horumarinta.