U bood dhigaalka

Ergo ka socota Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaartay guriga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif

Juun 3, 2026

Ergo uu soo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa gaartay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo lagu guda jiro dadaallo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Ergadan oo ka kooban xildhibaanno iyo odayaal dhaqameed ayaa la sheegay inay u tagtay Sheekh Shariif sidii ay uga qayb qaadan lahayd dhexdhexaadinta labada dhinac, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ergadu ay haatan kulan la leedahay Sheekh Shariif, iyadoo la filayo inay gudbiso fariin ka timid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la xiriirta dejinta xaaladda siyaasadeed iyo furitaanka wada-hadallo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay mucaaradku qorsheynayaan bannaanbax weyn oo ay ku muujinayaan mowqifkooda ku aaddan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.

Dadaalladan dhexdhexaadinta ah ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah yareynta xiisadaha siyaasadeed iyo xoojinta wada-hadalka siyaasadeed ee dhinacyada isku haya arrimaha taagan.