Wakiillo ka socda dalal iyo hay’ado caalami ah ayaa mar kale ku celiyay baaq ay hore u soo saareen oo ku saabsan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, iyadoo laba wakiil oo cusubi ay ku biireen bayaankaasi.
Bayaanka ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo laga qabo rabshadihii iyo iska horimaadyadii dhawaan ka dhacay caasimadda Soomaaliya, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyadii ku lugta lahaa dagaallada.
“Rabshadaha ka qarxay Muqdisho waa kuwo aad looga walaacsan yahay, waxaana cambaareyneynaa khasaaraha nafeed ee ka dhashay,” ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah.
Wakiillada caalamiga ah ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin nabad, xasillooni iyo horumar, iyagoo ugu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka si xal nabadeed loogu helo khilaafaadka jira.
Bayaanka ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in murannada siyaasadeed lagu xalliyo wada hadal iyo is-afgarad, halkii loo adeegsan lahaa rabshado iyo isku dhacyo hubeysan, si loo ilaaliyo amniga iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin bayaankan cusub, hase yeeshee baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan dejinta xiisadda Muqdisho ayaa sii kordhaya maalmihii la soo dhaafay.