U bood dhigaalka

Hay’adaha Dawladda oo la faray Isticmaalka Astaanta iyo Midabada Rasmiga ah ee Calanka Qaranka

Juun 8, 2026

Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (ICRIC) ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda inay adeegsadaan astaanta iyo midabada rasmiga ah ee Qaranka Soomaaliya, si loo mideeyo loona waafajiyo isticmaalka astaamaha qaranka ee xafiisyada dowladda iyo hay’adaha guud.

Qoraal ay guddigu soo saareen ayaa lagu sheegay in go’aankan uu salka ku hayo qodobbada Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, kadib markii la arkay kala duwanaansho ku yimid isticmaalka astaamaha qaranka ee hay’ado kala duwan.

Guddigu wuxuu faray hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, wakaaladaha dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta inay adeegsadaan midabada iyo tilmaamaha rasmiga ah ee ku qeexan dastuurka marka la soo bandhigayo calanka iyo astaanta qaranka.

Sida lagu sheegay bayaanka, midabka buluugga ah ee calanka Soomaaliya waa inuu waafaqsanaadaa heerarka dastuuriga ah, halka astaanta qarankana lagu soo bandhigayo naqshadda iyo midabada si rasmi ah loo ansixiyay.

ICRIC ayaa sidoo kale ugu baaqday hay’adaha isticmaalaya noocyo aan rasmi ahayn oo astaamaha qaranka ah inay sameeyaan sixitaannada lagama maarmaanka ah si ay ugu hoggaansamaan shuruudaha dastuurka.

Amarkan cusub ayaa khuseeya dhammaan xafiisyada dowladda federaalka, hay’adaha dowlad-goboleedyada iyo guud ahaan hay’adaha dadweynaha, kuwaas oo lagu boorriyay inay cusboonaysiiyaan dukumiintiyada rasmiga ah, boorarka iyo aqoonsiyada hay’adahooda marka loo baahdo.

Astaamaha qaranka ayaa door muhiim ah ka ciyaara dadaallada dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya, iyagoo xoojinaya midnimada, wadajirka shacabka iyo aqoonsiga qaran ee dalka.

Calanka Soomaaliya oo markii ugu horreysay la ansixiyay sanadkii 1954-kii, ka hor xornimada dalka, ayaa muddo dheer astaan u ahaa midnimada Soomaaliyeed, halka astaanta qarankuna ay tahay astaan muhiim ah oo lagu garto hay’adaha dowladda iyo dukumiintiyada rasmiga ah.