U bood dhigaalka

Shirka seddaxaad ee guddoomiyaasha magaalooyinka Soomaaliya oo ka furmaya magaalada Muqdisho

Juun 8, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Madasha Saddexaad ee guddoomiyaasha magaalooyinka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan duqeyda degmooyinka dalku.

Madashan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dowladaha hoose, tayeynta adeegyada bulshada iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo maamulka degmooyinka.

Isagoo ka hadlayay furitaanka shirka, Wasiir Xoosh ayaa sheegay in maamullada degmooyinku ay safka hore kaga jiraan wax ka qabashada caqabadaha saameeya bulshada, sida amniga, abaaraha, barakaca, isbeddelka cimilada, khilaafaadka deegaanka iyo murannada la xiriira kheyraadka.

“Xoojinta dowladaha hoose ma aha oo keliya siyaasad la qaato, balse waa tiirka adeeg bixinta, horumarka iyo ka qeybgalka dimuqraadiyadeed ee bulshada,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay sida ay dowladda federaalku uga go’an tahay hirgelinta nidaamka maamul-daadejinta iyo dhismaha hay’adaha dowladaha hoose, isagoo ku boorriyay ka qeybgalayaasha inay is dhaafsadaan khibradaha iyo xalalka wax ku oolka ah ee lagu horumarin karo adeegyada bulshada iyo adkeysiga bulshooyinka.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu ballaarinayo dowladaha hoose iyo dhismaha hay’adaha dowladeed, kadib sanado badan oo ay dalka saameeyeen colaado iyo xasillooni darro siyaasadeed.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa muddo dheer ku adkeysanayay in maamullo deegaan oo awood leh ay muhiim u yihiin horumarinta adeegyada bulshada, kor u qaadista ka qeybgalka shacabka iyo gaarsiinta awoodda dowladda meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

Madasha ayaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa dib-u-habeynta maamulka, horumarinta magaalooyinka, kobcinta dakhliga degmooyinka, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya degmooyinka dalka.

Xoojinta maamullada degmooyinka ayaa loo arkaa tiir muhiim u ah dadaallada Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo xasillooni waarta, horumar dhaqaale iyo dowladnimo dimuqraadi ah.