Ciidamada Booliska Degmada Kaaran ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu magacaabo Deeq Jeesow, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa shil gaari oo geystay dhimashada shan qof.
Sida ay sheegeen wararka hordhaca ah, gaari uu waday eedeysanaha ayaa si xooggan ugu dhacay mooto bajaaj ay saarnaayeen shan qof, kuwaas oo dhammaantood ku geeriyooday goobta.
Booliska ayaa sheegay in ninkan la qabtay kadib markii la baadi-goobayay muddo saacado ah, waxaana hadda socda baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay shilka iyo masuuliyadda ka dhalan karta.
Ninkan lagu magacaabo Deeq Jeesow uu ayaa kamid ahaa dhalinyarada caan ka ah baraha bulshada gaar ahaan TikTok, isla markaana sida la sheegay wuxuu hore uga tirsanaa ciidamada booliska ee maamulka Hirshabelle.
Laamaha ammaanka ayaan weli soo saarin warbixin dhamaystiran oo ku saabsan sida uu shilku u dhacay, waxaana la filayaa in natiijada baaritaanka ay caddeyn dheeraad ah ka bixiso dhacdadan murugada leh.