Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Shariif, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha ayaa, isaga oo uu wehelinayo Safiirka Masar ee Soomaaliya Maxamed Salaax, la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirrada Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Batroolka iyo Macdanta, Maalgashiga iyo Warshadaha, Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed, Ergayga Gaarka ah ee La-dagaallanka Argagixisada iyo Xagjirnimada, iyo Ku-simaha Madaxa Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya.
Sidoo kale, Kaaliyaha Wasiirka ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Macallin Fiqi, iyadoo uu kulanka ka qayb galay erayga difaaca Masar ee Muqdisho.
Kulamada ayaa lagu adkeeyay mowqifka joogtada ah ee Masar ee taageerada midnimada, xasilloonida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale taageerada dadaallada lagu dhisayo hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.
Dhanka kale dowladda Masar ayaa cambaareysay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu wiiqayo madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda xoojinta iskaashiga amniga Badda Cas, iyagoo taageeray dadaallada lagu horumarinayo Golaha Dalalka Carabta iyo Afrika ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo hindisaha horumarinta dhaqaalaha iyo marin-biyoodka ee loo yaqaan (StREAM).
Masar iyo Soomaaliya waxay isku raaceen in mas’uuliyadda ilaalinta amniga iyo xasilloonida Badda Cas ay gaar u tahay dalalka xeebaha ku leh, iyadoo la muujiyay baahida loo qabo iskaashi dhow oo looga hortagayo isku dayada lagu hurinayo qalalaasaha iyo xasillooni darrada gobolka.
Kulamada ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay ka qaybgalka ciidamada Masar ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga, difaaca, la-dagaallanka argagixisada, kalluumeysiga, batroolka iyo macdanta, maalgashiga, warshadaha, gaadiidka badda iyo cirka.
Ugu dambeyn, waxaa la isla soo qaaday baahiyaha Soomaaliya ee dhinacyada tababarrada, kor u qaadista xirfadaha iyo dhismaha awoodaha shaqaalaha, si loogu waafajiyo barnaamijyada iyo koorsooyinka ay bixiso Hay’adda Masar ee Iskaashiga Horumarinta iyo hay’adaha kale ee dowladda Masar.