U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay dagaal beeleedkii ka dhacay magaalada Jalalaqsi

Juun 20, 2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in colaaddan ay ka hor imaaneyso shareecada Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo dadaallada nabadeynta ee dalka ka socda. Wasaaraddu waxay muujisay walaac xooggan oo ku aaddan khasaaraha naf iyo maalba leh ee soo gaaray bulshada deegaanka.

Wasaaraddu waxay ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada, isla markaana dhinacyada ku lugta leh ay ku dhaqmaan nabad, wada-hadal iyo is-afgarad. Waxa kale oo ay xustay in colaadaha noocan ah ay keenaan dhimasho, dhaawac, barakac iyo dib-u-dhac ku yimaada horumarka bulshada.

Dowladdu waxay sheegtay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay hurinta colaadaha ama falalka wax u dhimaya amniga iyo xasilloonida shacabka.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, waxgaradka iyo maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabelle inay door muuqda ka qaataan dadaallada lagu xallinayo khilaafka, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo adkeynta nabadda.

wasaaraddu waxay tacsi u dirtay qoysaska iyo ehellada dadkii ku geeriyooday dagaallada, iyadoo Alle uga baryeysa naxariis iyo caafimaad degdeg ah dadka ku dhaawacmay, kana rajeysay in bulshada ay ka wada shaqeyso sidii looga hortagi lahaa colaado kale oo soo noqda.