U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay nin lagu eedeeyay fal ka dhan ah sharafta gabdhaha Soomaaliyeed

Juun 22, 2026

Ciidanka Boliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Warta-Nabadda, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Xasan Cilmi Bootaan oo ku eedeysan fal ka dhan ah sharafta iyo karaamada gabdhaha Soomaaliyeed, Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay xarun uu ugu magac daray “Dugsiga Raaliyo”, halkaas oo uu dhawaan ku baahiyay muuqaal uu ku sheegay in gabdho lagu heli karo si bilaash ah marka guri la iibsado.

Falkaas anshax-xumada ah ee loo haysto ninkan  ayaa si cad uga hor imaanaya qiyamka bulshada, sharafta iyo karaamada haweenka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Boliiska, waxaana ku socda baaritaan hordhac ah, marka baaritaanku soo dhammaado, ayaana la filayaa in loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh dacwaddiisa.

Sidoo kale Boliiska Caasimadda wuxuu uga digay shaqsiyaadka iyo kooxaha danaha gaarka ah leh ee ku gabanaya magaca difaaca xuquuqda haweenka, isla markaana faafinaya warar, eedeymo ama hadallo marin-habaabin ah oo dhaawacaya sumcadda Hay’adaha Amniga iyo kalsoonida bulshada inay ka waantoobaan fa