U bood dhigaalka

Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo qeyb ka Noqotay Ololaha Horumarinta Tebinta arrimaha Socdaalka Bariga Afrika

Juun 22, 2026

Suxufiyiin Soomaaliyeed ayaa ku biiray hoggaamiyeyaasha warbaahinta Bariga Afrika kuwaas oo ansixiyey bayaan goboleed lagu xoojinayo tebinta masuuliyadda leh ee arrimaha socdaalka iyo isu-socodka shaqaalaha, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xogaha marin-habaabinta ah iyo socdaalka aan badbaadada lahayn ee qaaradda Afrika.

Saddex xubnood oo ka socday Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay shir socday saddex maalmood oo ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadidda awoodda warbaahinta ee tebinta xog ogaalka ah ee ku saabsan socdaalka iyo fursadaha shaqo ee gudaha dalalka gobolka.

Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyey ansixinta Bayaanka Mombasa ee Tebinta Masuuliyadda Leh ee Socdaalka, kaas oo suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta Bariga Afrika ku waajibinaya inay sare u qaadaan heerarka xirfadeed, daacadnimada xogta iyo warbaahinta u adeegta danaha bulshada marka laga hadlayo arrimaha socdaalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay hoggaamiyeyaal ururrada suxufiyiinta iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Rwanda, Tanzania, Uganda, Sudan, Koonfurta Sudan iyo Jasiiradaha Comoros.

Ka qeybgalayaashu waxay xuseen in Soomaaliya, oo ay socdaalku weli ka mid yihiin arrimaha ugu waaweyn ee bulshada iyo dhaqaalaha saameeya, ay muhiim tahay in warbaahintu bixiso warar sax ah oo bulshada ka caawinaya inay gaaraan go’aanno xog ogaal ah, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha dhaqaale, amni darrada, isbeddelka cimilada iyo fursadaha shaqo ee dibadda.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey isbeddellada socdaalka ee Bariga Afrika iyo sida suxufiyiintu uga hortagi karaan buunbuuninta iyo faafinta xogaha aan la hubin, iyagoo si dhab ah uga waramaya xaaladaha ay wajahayaan dadka tahriibayaasha ah.

Madaxweynaha Xiriirka Suxufiyiinta Afrika (FAJ), Cumar Faaruuq Cusmaan, ayaa sheegay in suxufiyiintu ay masuuliyad weyn ka saaran tahay inay bulshada siiyaan warar sax ah oo dheellitiran.

“Socdaalku waa mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee danaha guud ee Afrika maanta. Suxufiyiintu waa inay si masuuliyad leh uga waramaan khataraha socdaalka sharci darrada ah, isla markaana iftiimiyaan fursadaha ka jira dalalkooda iyo gobolka guud ahaan,” ayuu yiri.

Ka qeybgalayaasha ayaa sidoo kale tababar ku qaatay xaqiijinta xogaha, hubinta saxnaanta wararka iyo ilaalinta daacadnimada macluumaadka, taas oo ka tarjumaysa walaaca sii kordhaya ee ku saabsan xogaha khaldan ee la xiriira socdaalka iyo fursadaha shaqo.

Mid ka mid ah natiijooyinka ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahaa daahfurka gobolka ee Qalabka Hagidda Tebinta Socdaalka ee Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), kaas oo siinaya suxufiyiinta tilmaamo wax ku ool ah oo ku saabsan sida loo tebiyo arrimaha socdaalka iyo shaqaalaha.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo qaaradeed oo lagu horumarinayo tebinta arrimaha socdaalka, iyadoo lagu saleynayo ballanqaadyadii hore ee ku jiray Bayaanka Dakar iyo Qorshaha Waxqabadka Kigali ee ku saabsan xiriirka warbaahinta iyo socdaalka shaqaalaha ee Afrika.

Ka qeybgalayaashu waxay sheegeen in iskaashiga gobolka ee suxufiyiinta uu gacan ka geysan doono kor u qaadidda doodaha xog ogaalka ah, la dagaallanka marin-habaabinta iyo hubinta in tebinta socdaalku ay u adeegto danaha bulshada guud ahaan Afrika.