U bood dhigaalka

Wasaaradda Qoyska oo dalbatay in caddaaladda la hor keeno dhallinyaradii dhowaan falka anshax-xumada ah kula kacay gabadha Soomaaliyeed

Juun 22, 2026

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay xad-gudub arxan darro ah oo lagula kacay sharafta iyo cirdiga gabar Soomaaliyeed, kaasi oo muuqaalkiisa si baahsan loogu baahiyay baraha ay bulshadu ku kulanto.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in falkani uu yahay mid wuxuushnimo ah oo si cad uga hor-imaanaya diinta Islaamka, dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, iyo xorriyadda iyo sharafta muwaadinka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo arrintan ka hadashay ayaa tiri: “Falkan wuxuushnimada ah waxa uu si cad uga hor imaanaya diinteena Islaamka, dhaqanka suuban ee Soomaalida, xuriyadda, sharafka iyo cirdiga muwaadinka, waxaana dhammaanteen waajib naga wada saaran yahay inaan ka dhiidhino falkaas bahalnimada ah ayadoo bulshadeena aan ka dhex saareyno kuwa xad gudubkaas weyn sameeyey.”

Wasaaradda ayaa faray laamaha amniga ee dowladda Federaalka iney si deg-deg ah gacanta ugu soo dhigaan shakhsiyaadkii ka dambeeyay falkaan bahalnimada ah ee lagula kacay gabadha Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Waxay sidoo kale codsatay in dadkaas la horgeeyo hay’adaha cadaaladda si sharciga loo waafajiyo, loona tuso bulshada inuusan baxsan karin dambiile xad-gudub geystay.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Qoyska waxay baaq u dirtay waalidiinta, walaalaha, iyo ehelada dadka falkaasi geystay, iyo guud ahaan shacabka aqoonsaday wajiyada dadka muuqaalka ka muuqda, iyadoo ka codsatay inay ku gacan-siiyaan laamaha ammaanka soo qabashadooda.

Wasaaradda ayaa uga digtay ehelada iyo bulshadaba inay gabaad siiyaan dadka dambigaan weyn ka galay gabadha Soomaaliyeed, si looga hortago in dambiga iyo dulmiga ay ku dhex faafaan bulshada dhexdeeda.