U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Qatar kaddib dhacdadii xarunta Gaaska ee Ras Laffan

Juun 23, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u muujisay garab istaag iyo taageero buuxda ay la garab taagan tahay Dowladda Qatar, kaddib dhacdadi xarunta gaaska ee ku taalla Aagga Warshadaha ee Ras Laffan.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay la wadaagayso Dowladda iyo shacabka Qatar murugada ka dhalatay dhacdadaasi, iyadoo sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska ay dhibaatadu saameysay.
Qoraalka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay si dhow ula socoto xaaladda, isla markaana ay dhaawacyada u rajaynayso caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho buuxda.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhow oo dhinacyo badan leh, waxaana dowladda Soomaaliya ay mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay garab istaagga iyo taageeridda shacabka iyo dowladda Qatar xilliyada adag.