Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ururka Ahlu Sunna Waljamaaca (ASWJ) laga saaray liiska hay’adaha lagu tuhunsanaa xiriirka carruurta iyo colaadaha hubeysan, kadib markii la xaqiijiyay in ururku uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ilaalinta xuquuqda carruurta.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ku yimid qiimeyn dheer iyo wada-shaqeyn dhexmartay ASWJ, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee bahwadaagta la ah arrimaha ilaalinta carruurta.
Wasaaraddu waxay xustay in ASWJ muddooyinkii la soo dhaafay ay fulinaysay tallaabooyin lagu xaqiijinayo in aan carruurta loo adeegsan colaadaha hubeysan, isla markaana xubnaha ururka ay si buuxda ula shaqeeyeen hay’adaha amniga iyo kuwa caalamiga ah ee arrintan ku howlan.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankani uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo hirgelinta waajibaadka caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta carruurta xilliyada colaadaha.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa uga mahadcelisay Qaramada Midoobay, UNICEF, Dowladda Galmudug iyo dhammaan hay’adihii ka qayb qaatay geeddi-socodkan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay xaqiijinta iyo dabagalka tallaabooyinka lagu ilaalinayo carruurta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay dhowrista xuquuqda carruurta, hirgelinta siyaasadaha qaran ee ilaalinta rayidka, iyo dhismaha hay’ado amni oo waafaqsan heerarka iyo shuruucda caalamiga ah.