U bood dhigaalka

Magaalada Aricaddeeye oo aas wadareed loogu sameeyay in ka badan 20 qof oo halkaas shalay lagu diley

Juun 23, 2026

In ka badan 20 qof ayaa maanta aas wadareed loogu sameeyay
deegaanka Aricadeeye ee gobolka Sool, kaddib markii shalay halkaas aano qabiil loogu laayay.

Muuqaallo ay aragtay Warbaahinta Goobjoog ayaa muujinaya dadweyne ku howlan aas wadareed loo sameynayo dhibbanayaashii dagaalka, kuwaas oo la sheegay inay ku jiraan carruur, waayeel, culimo iyo dhallinyaro.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dadkaasi lagu laayay hal goob, iyadoo qaar ka mid ah meydadka la sheegay in xitaa la dulmariyey gaadiidka dagaalka.

Sidoo kale, ilo wareedyo deegaanka ah ayaa Goobjoog u sheegay in weli lala tacaalayo dhaawacyada ku dhawaad 13 qof oo ku dhaawacmay iska horimaadka, kuwaas oo qaarkood qaba dhaawacyo halis ah.

Dagaalka sababay khasaarahan baaxadda leh ayaa la sheegay inuu ka dhashay dil loo geystay nin qaad-wale ahaa oo ka howlgalayay deegaanka, taas oo si degdeg ah u kicisay dagaal hubeysan oo dhexmaray maleeshiyaad ka kala tirsan laba beelood oo wada dega aagga Aricadeeye.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay baaq nabadeed ay ku cambaareyneyso colaadda, iyadoo dhinacyada ku lugta leh ugu baaqday inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka iyo mas’uuliyiinta heerarka kala duwan inay ka qeyb qaataan dadaallada lagu dejinayo xiisadda iyo raadinta xal waara oo looga hortago in colaaddu sii faafto.

Colaaddan ayaa noqotay mid ka mid ah dagaalladii ugu khasaaraha badnaa ee muddooyinkii dambe ka dhaca gobolka, iyadoo bulshada deegaanka ay wajahayaan murugo iyo barakac ka dhashay rabshadaha.