U bood dhigaalka

Liibiya oo Soo Rogtay Xayiraado Cusub oo Saameynaya Muwaadiniinta Soomaaliyeed

Juun 24, 2026

Xukuumadda dalka Liibiya ayaa shaacisay go’aanno cusub oo si weyn u adkeynaya xeerarka gelitaanka dalkaas, kuwaas oo si toos ah u saameynaya muwaadiniinta ka soo jeeda dalalka Soomaaliya, Suudaan, Eratariya iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Liibiya ayaa soo saaray amar lagu joojinayo in muwaadiniinta afartaas dal ay ka soo galaan dhammaan marinada xuduudaha dalkaas, ha ahaato dhanka badda, dhulka ama cirka.

Tallaabadan ayaa lagu fasiray mid looga golleeyahay xakameynta qulqulka muhaajiriinta iyo la dagaallanka socdaalka sharci darrada ah ee sii kordhaya.

Sida ku cad go’aanka rasmiga ah ee ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa xayiraaddan laga reebay oo kaliya dadka haysta oggolaansho shaqo (Work Permit) oo ansax ah, kuwaas oo si gaar ah uga shaqeeya waaxyaha caafimaadka iyo waxbarashada ee dalka Liibiya.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Liibiya ayaa la faray inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu ururinayo, laguna masaafurinayo dhammaan ajaanibta aan haysan deggenaansho sharci ah ee ku sugan gudaha dalkaas.

Mas’uuliyiinta Liibiya waxay sheegeen in go’aankani uu qeyb ka yahay qorshaha lagu sugayo amniga qaranka, laguna xallinayo caqabadaha amni iyo kuwa dhaqaale ee ka dhashay socdaalka aan sharciga ahayn.

Dalka Liibiya ayaa muddo Sanado ah ahaa marinka ugu weyn ee ay adeegsadaan muhaajiriinta ka timaada Geeska Afrika iyo dalalka kale ee qaaradda, kuwaas oo doonaya inay si sharci darro ah uga gudbaan badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan qaaradda Yurub, iyadoo inta badan dadka safarkaas u gala ay la kulmaan qataro naftooda halis geliya.