Warar soo baxaya ayaa sheegaya in koox burcad internet ah (hackers) oo la tilmaamay inay xiriir la leeyihiin kooxda Xuutiyiinta Yemen ay jabsadeen bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka Soomaaliland.
Kooxda ayaa la sheegay inay si ku-meel-gaar ah ula wareegeen bogga, iyaga oo ku beddelay muuqaalka hore sawirro iyo astaamo la xiriira hoggaamiyeyaasha iyo saraakiisha Xuutiyiinta, taasoo sababtay hadal-heyn ballaaran oo ka dhalatay baraha bulshada.
Ilaa hadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo hay’adaha ammaanka dhanka internet-ka ayaan si rasmi ah uga hadlin sida weerarku u dhacay, cidda ka dambeysay iyo tallaabooyinka lagu xakameynayo.
Khubarada amniga internet-ka ayaa sheegaya in weerarrada noocan oo kale ah ay inta badan ujeeddadoodu tahay faafin fariimo siyaasadeed, dhaawacid sumcadda hay’adaha dowladda iyo muujinta awoodda kooxaha wax jabsada.
Dhacdadan ayaa timid ayadoo dhowaan maamulka Israa’iil uu qirtay inuu kumannaan weerar oo dhinaca internet-ka ah kala kulmay Iiraan intii uu socday dagaalka Bariga Dhexe.