Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay 1-dii iyo 2-dii Luulyo fuliyeen duqeymo iyo howlgallo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howllgalladaas waxaa lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka tiro kale lagu dhaawacay.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay gaadiid, hub iyo saanad ciidan oo kooxda ay u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta weerarrada.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyadoo u mahadcelisay saaxiibada caalamka ee taageerada ka geysta la-dagaallanka argagixisada.
Dowladdu waxay mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.