U bood dhigaalka

Trump: “ma doonayo inaan la macaamilo Iiraan, waa dad xanuunsan”

Luuliyo 8, 2026

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuusan doonayn inuu la macaamilo dowladda Iran ama mas’uuliyiinteeda, isagoo ku tilmaamay Iiraaniyiinta inay yihiin dad xanuunsan.

Trump oo ka hadlayay shirka NATO ee Ankara ayaa sheegay in mowqifkiisu uu salka ku hayo khilaafaadka muddo dheer u dhexeeyay labada dal, isagoo muujiyay inuusan haatan u arkin in wada-hadal ama iskaashi uu yahay mudnaanta koowaad ee maamulkiisa.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidanka Mareykanku ay duqeeyeen in ka badan 80 bartilmaameed oo gudaha Iiraan ah, islamarkaana is afgaradkii dhowaan la gaaray uu burbur qarka u saaranyahay.