U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha

Luuliyo 11, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha oo dib u dhis lagu samaynayo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan ee dowladda, maadaama ay door weyn ka qaadato horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga, si loo abuuro fursado shaqo loona xoojiyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

“Wasaaraddan waxay ka mid tahay wasaaradaha muhiimka u ah Xukuumadda, maadaama ay door weyn ku leedahay horumarinta ganacsiga dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan qorshaynayso in dalka laga hirgeliyo warshado badan, isagoo tilmaamay in soo hagaagidda amniga iyo xasilloonida ay abuurtay jawi ku habboon maalgashiga iyo hirgelinta mashaariic waaweyn oo horumarineed.