U bood dhigaalka

Abdul El-Sayed oo ku guuleystay magacaabista Dimuqraadiga ee Senate-ka Michigan

Ogoosto 5, 2026

Abdul El-Sayed, oo ah dhakhtar iyo siyaasi ka tirsan xisbiga Demoqraadiga, ayaa ku guuleystay doorashadii hordhaca ahayd ee xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Michigan, isagoo ka adkaaday Congresswoman Haley Stevens. Guushan ayaa loo arkaa mid weyn oo u soo hoyatay garabka horumarka (progressive) ee xisbiga.

El-Sayed wuxuu ololihiisa ku dhisay siyaasado ay ka mid yihiin dib-u-habeyn lagu sameeyo nidaamka maalgelinta doorashooyinka, iyo in Mareykanku joojiyo kaalmada milatari ee uu siiyo Israel.

Wuxuu sidoo kale si adag uga hadlay dagaalka Gaza iyo siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Ololihiisa waxaa taageeray xubno caan ah oo ka tirsan garabka bidix/progressive ee Dimuqraadiga, gaar ahaan Senator Bernie Sanders iyo Congresswoman Alexandria Ocasio-Cortez (AOC). Dhinaca kale, Haley Stevens waxaa taageerayay hoggaamiyeyaal ka tirsan xisbiga iyo kooxo siyaasadeed oo waaweyn.

Abdul El-Sayed waa siyaasi Mareykan ah oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, asal ahaanna ka soo jeeda Masar. Waa dhakhtar iyo khabiir caafimaadka dadweynaha ah, wuxuuna hore uga soo shaqeeyay maamulka caafimaadka Wayne County ee gobolka Michigan.
Hadda El-Sayed wuxuu wajihi doonaa Mike Rogers, oo ah musharraxa Jamhuuriga, doorashada guud ee November 2026. Haddii uu ku guuleysto doorashadaas, wuxuu geli doonaa Senate-ka Mareykanka isagoo matalaya Michigan.