U bood dhigaalka

DEGDEG: Dagaal Culus oo Ka qarxay magaalada Gaalkacyo

Ogoosto 5, 2026

dagaal Culus oo la isku adeegsaday madaafiic ayaa ka  qarxay dhanka bari ee magaalada Gaalkacyo, ayadoo la sheegay in dagaalku uu u dhexeeyo ciidamo ka tirsan Puntland iyo kuwa PSF ee hadda hoostaga
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in madaafiicdii la isweydaarsaday ay qaarkood ku dhaceen goobo ay dad rayid ahi deggan yihiin, taasoo sababtay burbur hantiyeed iyo cabsi xooggan oo soo wajahday shacabka.

Inkasta oo aan weli la xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, haddana waxaa la soo sheegayaa in qoysas badan ay bilaabeen inay ka barakacaan xaafado iyo tuulooyin ku dhow goobaha uu dagaalku ka dhacay.

Xiisadda ka taagan Gaalkacyo ayaa si weyn u sii kordhaysay toddobaadyadii la soo dhaafay, ayadoo maamulka Puntland uu hore Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu eedeeyay inay magaalada ku ururinaysay ciidamo iyo hub.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac oo faahfaahinaya sababta dagaalka ama khasaaraha ka dhashay.