U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Pakistan oo Ka wada-hadlay Iskaashiga Difaaca iyo Horumarinta Ciidamada

Ogoosto 6, 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo wefdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Pakistan, ayaa booqday xarunta shirkadda Global Industrial & Defence Solutions (GIDS) iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha difaaca dalkaas.

Intii ay joogeen xarunta GIDS, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa qaabilay Madaxa Fulinta shirkadda, Asad Kamal, oo faahfaahin ka bixiyay awoodaha shirkadda ee warshadaha difaaca, tiknoolajiyadda milatariga iyo xalalka casriga ah ee lagu horumariyo ciidamada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca difaaca, kor loogu qaadi lahaa tayada iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd khibradda iyo tiknoolajiyadda ay shirkaddu leedahay.

Dhanka kale, Wasiir Fiqi iyo wefdigiisa ayaa booqday Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Jaamacadda, Sareeye Guuto Babar Iftikhar.

Mas’uuliyiinta jaamacadda ayaa wasiirka uga warbixiyay kaalinta ay ku leedahay tababarka saraakiisha sare, daraasaadka istaraatiijiyadeed, cilmi-baarista amniga iyo diyaarinta hoggaanka ciidamada.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirka caalamiga ah ee dhinaca difaaca, si loo helo tababarro, aqoon iyo tiknoolajiyad casri ah oo gacan ka geysan karta dhismaha iyo tayeynta ciidamada qaranka.

Wasiirka waxaa booqashooyinka ku weheliyay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo Taliyayaasha Ciidamada Badda iyo Cirka, kuwaas oo qayb ka ahaa wada-hadallada la xiriira iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga iyo difaaca.