Maxkamad ku taalla Kenya ayaa xukun xabsi ah oo wadar ahaan gaaraya 115 sano ku ridday nin lagu helay toddobo dacwadood oo la xiriira falal argagixiso iyo xiriir uu la lahaa kooxda Al-Shabaab.
Ninka lagu magacaabo Ibrahim Hussein Hassan ayaa lagu xukumay Maxkamadda Kahawa Law Courts, kaddib markii xeer-ilaalintu ay maxkamadda u soo bandhigtay caddeymo ay sheegtay inay muujinayaan inuu xubin ka ahaa Al-Shabaab, isla markaana uu ururiyay xog iyo agab lala xiriiriyay falal argagixiso.
Inkasta oo xukunnada toddobada qodob ay marka la isku daro gaarayaan 115 sano, maxkamaddu waxay go’aamisay in xukunnadu isku mar u wada socdaan, taasoo ka dhigan in muddada dhabta ah ee uu xukunku dhaqan gelayo ay tahay 20 sano oo xabsi ah, oo ah xukunka ugu dheer ee lagu riday mid ka mid ah toddobada qodob.
Hassan ayaa lagu xukumay 20 sano oo ku saabsan xubinimada Al-Shabaab, halka saddex qodob oo kale oo la xiriiray ururinta xog loo adeegsan karo fulinta fal argagixiso lagu xukumay midkiiba 20 sano. Saddex qodob oo dheeraad ah oo ku saabsanaa haysashada agab lala xiriiriyay argagixisada ayaa midkiiba lagu xukumay 15 sano.
Kiiskan ayaa dib ugu laabanaya Sebtembar 2022, markaas oo Hassan lagu qabtay deegaanka Eastleigh ee magaalada Nairobi, oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.
Intii ay socotay maxkamadeyntiisa, xeer-ilaalintu waxay soo bandhigtay caddeymo farsamo oo laga helay taleefan Samsung ah oo laga qabtay eedeysanaha. Sida ay maxkamaddu maqashay, taleefanka waxaa ku jiray saddex muuqaal oo loo aqoonsaday inay yihiin muuqaallo dacaayad xagjirnimo ah.
Xeer-ilaalintu waxay ku dooday in agabkaasi loo adeegsan karo qorista, tababarka iyo xagjiraynta dhalinyarada, iyadoo maxkamaddu dhageysatay markhaatiyo gaaraya 10 qof.
Garsooraha Maxkamadda Kahawa, Gideon Kiage, ayaa sheegay in xeer-ilaalintu ay si aan shaki macquul ah ku jirin u caddeysay dacwadda lagu soo oogay Hassan.
Marka laga soo tago xukunka xabsiga, maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in Hassan uu inta uu xabsiga ku jiro maro barnaamijka ka-hortagga xagjirnimada iyo dib-u-dhaqan-celinta (deradicalisation).
Kiiskan ayaa kusoo beegmaya xilli Kenya ay sii xoojinayso tallaabooyinka sharci iyo amni ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.
Hay’adaha Kenya ayaa si isa soo taraysa ugu tiirsan caddeymaha dijitaalka ah marka ay baarayaan iyo maxkamadeynayaan kiisaska la xiriira argagixisada.
Kenya waxay la kulantay weerarro badan oo lala xiriiriyay Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeedu ay gudaha Soomaaliya u galeen sanadkii 2011.
Weerarrada kooxda ayaa si gaar ah u saameeyay ciidamada ammaanka iyo shacabka ku nool deegaannada u dhow xuduudda Kenya iyo Soomaaliya, inkastoo weerarro waaweyn ay sidoo kale ka dhaceen magaalooyinka Kenya.
Haddaba Kiiskan ayaa muujinaya sida dowladda Kenya ay iskuugu darsanayso hawlgallada amniga iyo dacwadaha maxkamadeed, iyadoo xoogga la saarayo in la carqaladeeyo qorista xubnaha cusub, xagjiraynta iyo hawlaha kale ee ay ku lug leeyihiin shabakadaha xagjirka ah.