U bood dhigaalka

Erdoğan: Guulaystaha Dhabta ah ee Dagaalka Bariga Dhexe

Aw Dacar
Qeybta: Amniga iyo Dawladdhiska
Ogoosto 9, 2026

Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ee The Daily Telegraph, loona yaqaan The Telegraph, oo la aasaasay bishii Juun 1855, ayaa baahiyay warbixin xiiso leh oo falanqaynaysa isbeddellada siyaasadeed iyo amniyeed ee ka dhashay dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil iyo Iiraan, iyo saamaynta uu ku yeeshay dalka Turkiga. Warbixintan, oo soo baxday dhammaadka bishii Maajo 2026, waxaa qortay wariyaha caanka ah ee Sophia Yan, oo hore ugu guulaysatay abaalmarinta Marie Colvin Award (MCA) bishii Oktoobar 2020, sabab la xiriirta tebinteedii caalamiga ahayd ee Shiinaha, oo ay muddo toban sano ah degganayd, halkaas oo ay ku soo bandhigtay baaritaanno la xiriira ka ganacsiga dadka, hubka sharcidarrada ah, denbiyada dagaalka iyo maalgelinta argagixisada.

Haddaba, nuxurka guud ee maqaalkani wuxuu daaha ka qaadayaa sida uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uga faa’iidaystay jawiga dagaalka ee Bariga Dhexe, si uu u ballaariyo awooddiisa shakhsiga ah, u burburiyo xorriyaddii siyaasadeed ee dalkiisa, isla markaasna uu Turkiga uga dhigo awood caalami ah oo aan la loodin karin. Warbixintu waxay si gun iyo baar ah u qaadaadhigaysaa qodobbo muhiim ah, kuwaas oo daaha ka rogaya guulaha waaweyn ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee uu Erdoğan ka dhex helay dhibaatadan caalamiga ah. Dabcan, warbixintani waxay tusaale nool u tahay murtidii Soomaaliyeed ee ahayd: “Qayladii yeertaa, qolo ayay khayr ugu jirtaa.”

Gabaabsiga Dimuqraadiyadda Turkiga

Warbixintu waxay si guud u sawiraysaa in xaaladda siyaasadeed ee dalka Turkiga ay marayso meel aad u adag, ka dib cadaadis daran iyo weerar toos ah oo lagula kacay mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee dalkaas. Ciidamada booliska ee rabshadaha ka-hortaga ayaa la sheegay inay xoog ku jebiyeen albaabbada xarunta ugu weyn ee xisbiga mucaaradka dalkaas ee Cumhuriyet Halk Partisi (CHP). Xisbigan, oo ah kan ugu cimri dheer dalka Turkiga, isla markaasna la aasaasay 50 maalmood ka hor dhalashadii Jamhuuriyadda Turkiga, ayaa dhidibbada loo taagay bishii Sebteembar sannadkii 1923, waxaana aasaasay isla aasaasihii dalka Turkiga, Mustafa Kemal Atatürk. Hawlgalkan, oo dhacay dabayaaqadii bishii Maajo sannadkii 2026, booliska oo fulinayay amar maxkamadeed ayaa xoog ku jiiray taageerayaashii isku dayay inay hor istaagaan ee ku sugnaa gudaha iyo hareeraha xarunta xisbiga.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa khilaaf sharci iyo mid siyaasadeed oo ka dhashay Shirweynihii 38aad ee rasmiga ahaa ee xisbiga CHP, kaas oo qabsoomay bishii Nofeenbar sannadkii 2023. Doorashadaas, oo dhex martay ergooyinka xisbiga, waxaa guul taariikhi ah ku guulaystay Özgür Özel, ka dib markii uu helay codad gaarayay 59.4%, isaga oo ka guulaystay hoggaamiyihii muddo 13 sannadood ah xisbiga hayay ee Kemal Kılıçdaroğlu. Si kastaba ha ahaatee, dacwad ay maxkamadda u gudbiyeen xubno ka tirsan xisbiga gudihiisa oo taageersanaa hoggaankii hore, kuwaas oo ku dooday inay jirtay isdabamarin dhinaca codadka ah, ayaa dhalisay in Maxkamadda Racfaanka ee Ankara (Ankara Bölge Adliye Mahkemesi) ay 21kii Maajo 2026 soo saarto go’aan la yaab leh oo ahaa in gebi ahaanba lagu laalay natiijadii doorashadii Nofeembar 2023, laguna amray in xilka laga xayuubiyo Özel.

Haddaba, Özel ayaa abaabulay bannaanbax ka dhan ah go’aanka maxkamadda, iyada oo maalmo ka dib ay boolisku si toos ah u soo abbaareen xarunta xisbiga si loo fuliyo amarka maxkamadda. Dhacdadan iyo go’aanka maxkamadda, oo la fahamsan yahay in xukuumadda Erdoğan ay gadaal ka riixaysay, ayaa dad badan ku reebay cabsi xooggan oo laga qabo in si rasmi ah loo aasay haraadigii iyo raadadkii ugu danbeeyay ee dimuqraadiyadda iyo xorriyadda siyaasadeed ee dalka Turkiga.

Warbixintu waxay kale oo tilmaantay in duqa magaalada Istanbul, Ekrem İmamoğlu, oo ahaa ninkii ugu weynaa ee la tartami lahaa Erdoğan, isna la horkeenay maxkamadda maalmo yar ka dib markii uu kacdoonku qarxay. Xogta la helay waxay muujinaysaa in eedaymaha, oo ku qoran dukumenti ka kooban 4,000 oo bog, ay yihiin kuwo been-abuur ah oo la doonayo in tartanka lagaga reebo, iyada oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo hoggaaminta urur denbiyeed, kuwaas oo keeni kara xukun xabsiyeed ka badan 2,000 oo sano, inkasta oo İmamoğlu uu gebi ahaanba iska fogeeyay debiyadaas. Arrin kale oo muhiim ah oo lagu sheegay warbixinta ayaa ah aamusnaanta Reer Galbeedka iyo waddamada kale ee Yurub, iyada oo la xusay in xitaa Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) ee dalka Ingiriiska, oo xulafo dhow la ah xisbiga CHP ee Turkiga, uusan wax canbaarayn ama hadal ah ka soo saarin xaaladdan adag.

Arrin kale ee la xiriirta maamulka dalka ayaa ah in xukuumadda Erdoğan ay dareensan tahay inaysan haysan taageeradii shacabka ee ay lahayd 10 ilaa 15 sannadood ka hor, sababo la xiriira dhaqaalaha dalka oo hoos u dhacay iyo sicirbararka oo gaaray 50% tan iyo doorashadii 2023. Yusuf Can, oo ah khabiir ka tirsan hay’adda Amena Strategies, ayaa sheegay in dawladdu ay hadda u xuubsiibanayso adeegsiga xeelado kelitalisnimo ah, si ay gebi ahaanba u wiiqdo awoodda xisbiyada mucaaradka, oo uu ugu horreeyo xisbiga CHP. Sidaas darteed, warbixintu waxay gabagabadii cutubkan ku muujisay in madaxda mucaaradka iyo taageerayaashoodu ay yihiin dhibbanayaasha kowaad ee xukuumadda Erdoğan.

Isbeddelka Ammaanka ee Bariga Dhexe

Marka loo gudbo arrimaha la xiriira isbeddelka amniga iyo milateriga gobolka, warbixintu waxay tilmaantay in dhibaatadan caalamiga ahi ay keentay in waddamada gobolka Bariga Dhexe ay kalsoonidii kala noqdaan dalka Maraykanka, gaar ahaan ka dib markii ay arkeen gantaallada Iiraan oo ku soo dhacayay caasimadahooda, iyada oo aan la helin difaac ku filan. Dhinaca kale, warbixintu waxay xusaysaa in dawladda Ciraaq ay bishii Maajo 2026 Turkiga la saxiixatay heshiis weyn oo ay kaga iibsanayso nidaamka difaaca cirka ee Turkiga, taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo dhinaca istiraatiijiyadda ah, maadaama Ciraaq ay muddo dheer ku tiirsanayd saaxiibbada reer Galbeedka iyo Maraykanka, si ay u ilaaliyaan nabadgelyada cirkeeda. Ballanqaadkaas ayaa fashilmay intii uu dagaalku socday, maadaama dalkaasi uu bartilmaameed u noqday labada dhinacba, sababo la xiriira saldhigyada reer Galbeedka iyo kooxaha hubaysan ee dalkaas deggan.

Isbeddelladii ugu danbeeyay ee dhacay iyo guud ahaan hannaanka loo iibsanayo hubka Turkiga waxay muujinayaan in dalka Indoneesiya isna uu bishii Juun saxiixay heshiis weyn oo uu ku noqonayo iibsadihii ugu horreeyay ee shisheeye ee qaadanaya ilaa 60 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo nooca Bayraktar Kızılelma ah, kuwaas oo la wareejin doono wixii ka danbeeya 2028, sababo la xiriira cabsida ay ka qabto gardarrada dalka Shiinaha, ka dib markii Maraykanku uu agabkiisii milateri u wareejiyay dhinaca Bariga Dhexe. Warbixintu waxay hoosta ka xariiqaysaa in heshiisyadan difaaca ay kor u qaadayaan sumcadda gudaha ee Erdoğan, iyada oo, sidoo kale, dalku dakhli dhaqaale oo weyn ka helayo xilli dhaqaalaha Turkigu uu la dhibaataysan yahay hoosudhac weyn, waxaana meesha ka baxaya saamayntii ay doorashooyinka 2028 ku yeelan lahaayeen mustaqbalka dalka, maadaama awoodda la isku koobay.

Sidoo kale, warbixintu waxay caddaysay in heshiisyadani ay Turkiga ka dhigeen dalka kaalinta 11aad kaga jira dhoofinta hubka caalamka, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee hore loogu tijaabiyay dagaallada ka dhacay Yukrayn ilaa Liibiya, iyada oo heshiisyo kale lala galay dalka Boortaqiiska, oo la siinayo labo markab oo milateri. Tani waa markii ugu horreysay ee hubka Turkiga loo dhoofiyo waddan ka tirsan NATO iyo Midowga Yurub. Gönül Tol, oo ah agaasime ka tirsan hay’adda Middle East Institute, ayaa sheegtay in qalabkan dagaal ee Turkigu uu yahay mid la tijaabiyay, taas oo u oggolaanaysa Erdoğan inuu saaxiibbada gobolka ku yiraahdo: “Waad igu kalsoonaan kartaan,” taasina ay keentay in heshiisyo difaac lala saxiixdo, lana helo ilo dhaqaale oo dalka wax ka tara.

Danaha Reer Galbeedka iyo Kaalinta NATO

Warbixintu waxay si gundheer uga hadashay qorshaha fog ee uu Erdoğan ku doonayo inuu dalka Turkiga uga dhigo xuddunta rasmiga ah ee ganacsiga tamarta iyo iskuxirka marinnada badda iyo dhuumaha shidaalka iyo macdanta caalamka ee dhex mara dhulka Turkiga. Si loo soo jiito maalgashadayaasha iyo aqoonyahannada doonaya inay ka soo guuraan waddamada Khaliijka ee cabsidu ka jirto, Ankara waxay u ballanqaadday dadka ajaanibta ah ee u soo raraya ganacsiyadooda iyo hantidooda Turkiga canshuurdhaaf soconaya muddo 20 sannadood ah, iyada oo dalku weli ku hoos jiro dallada weyn ee nabadgelyada ee gaashaanbuurta NATO.

Inkasta oo bishii Jannaayo ee la soo dhaafay uu Turkigu ahaa dalka ugu nugul gaashaanbuurta NATO, sababo la xiriira gantaallada Iiraan ee dulmarayay hawadiisa, kuwaas oo ku socday saldhigga wadajirka ah ee Maraykanka iyo Turkiga ee ku yaalla badda Mediterranean-ka, haddana marka loo kuurgalo shirkii madaxda NATO ee dhacay bishii Luulyo, Erdoğan wuxuu ka dhex muuqday isaga oo taagan meel ka xoog badan tii hore, maadaama uu markaas goobta tegay isaga oo haysta awood iyo saamayn uu ku leeyahay dhowr waddan, taas oo uusan haysan ka hor inta uusan dagaalku qarxin.

Warbixintu waxay daaha ka faydday in waddamada reer Galbeedka iyo reer Yurub ay hadda mudnaanta siin doonaan arrimaha farsamada, sida in Turkigu soosaari karo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qalab warshadeed oo tayo leh, halkii ay ka hadli lahaayeen dimuqraadiyadda sii dabargo’aysa iyo cadaadiska mucaaradka la saarayo.

Sidaas darteed, xeeldheerayaashu waxay ka digayaan in ku-tiirsanaanta madaxda kelidood-taliyayaasha ah ay tahay gef weyn oo laga qoomamayn doono muddo ka dib, waayo, haddii nidaamkooda iyo badbaadada kuraastoodu khatargalaan, aysan u hoggaansami doonin axdiyada caalamiga ah, xulafo aamin ahna aysan noqon karin. Si kastaba ha ahaatee, marka dalka ay ka jiraan isbeddello waaweyn oo dhinacyada siyaasadda iyo amniga ah, waxaa lagama maarmaan ah in indhaha caalamka lagu soo jeediyo, si loo ogaado saamaynta ay ku yeelan karaan xuquuqda aadanaha iyo xasilloonida guud ee dalka, iyada oo halkan ay ka muuqato in jawiga caalamiga ah ee cakiran uu Erdoğan ku dhiirrigelinayo inuu sameeyo wax kasta oo uu rabo.