U bood dhigaalka

Ciyaardhaqameedyada Soomaalida

Maryama A. Isaaq
Qeybta: Dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada
Ogoosto 10, 2026

Bulsho kasta oo dunidan ku nool waxa ay leedahay hidde iyo dhaqan gaar ah oo ay ka soo minguuriyeen waxyaabaha ay aaminsan yihiin. Markaan ka hadlayno ciyaardhaqameedyada Soomaalida waa hiddaha dhaqameed ee ay bulshadu ku muujiso nolosheeda, falsafaddeeda, wadajirkeeda iyo wadanoolaanshaheeda. Ciyaardhaqameedyadu waxa ay bulshooyinka u yihiin madadaallo; mar kalana waa u kayd taariikheed iyo haybta guud ee ay bulshadu leedahay.

Ciyaaraha dhaqanku waxay qayb muhiim ah ka yihiin xusuuswadareedda bulshooyinka, waxay qaabeeyaan haykalka dhaqameed ee bulshooyinka, waxayna badbaadiyaan sheekooyinka bulshada, gaar ahaan bulshooyinka ummiga ah ee aysan badi sooyaalkoodu qornayn. Bulshada Soomaaliyeed si kasta oo uu degaankooda iyo habnololeedku u kala geddisanyihiin, haddana waa bulsho ka siman in ay tahay bulsho asalkeeda waxna qorin waxna akhrin, taas beddelkeed waxay sheekooyinkeeda dhaqan iyo taariikhba ku tebin jirtay suugaanta noocyadeeda kala duwan iyo ciyaaraha dhaqanka, middaas oo habkaas ku dhaxalsiinaysa jiilasheeda haraayga kaydkeeda taariikheed iyo mid dhaqanba.

Taariikh ahaan ciyaardhaqameedyada Soomaalida waa dhaxal aan ka soo gaarnay awoowayaasheenna oo sidaas jiilba jiilkii ka danbeeya la isugu gudbinayay. Inta badan ma jirto taariikh rasmi ah oo sheegaysa halka ay ka soo bilaabatay ciyaardhaqameedyada iyo qofka sida gaar ka ah u soo bilaabay. Inta badan dadka Soomaaliyeed waa dad hodan ku ah ciyaardhaqameedyada iyo maansooyinka, waxa ay leeyihiin xiiso gaar ah oo ay dadka u sameeyeen si ay ugu noqoto madadaallo iyo meel ay ku qaataan xusuuso iyo waqtiyo mashxaradi ku jirto.

Ciyaardhaqameedyada dadka Soomaaliyeed waa kuwo kala duwan ciyaar ahaan, waqtiyada la ciyaarayo, qaababka kala duwan ee loo ciyaaro iyo meelaha lagu ciyaaro. Qaar ciyaaraha ka mid ah baa lagu ciyaaraa istaag, qaar kalana fadhi baa lagu ciyaaraa. Waxaa kaloo jira ciyaaro waqtiyo gaar ah leh, sida ciyaaraha munaasabadaha la ciyaaro oo ay ka mid tahay aroosyada oo kale iyo munaasabadaha farxadeed. Qaar kale waxaa la ciyaaraa xilliyada ay barwaaqadu jirto.

Ciyaardhaqameedyada markii laga hadlayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed way ka wada siman yihiin, laakiin waxaa jira kaladuwanaansho dhanka degaanka ah, tusaale, dadka beeraleyda ah waxa ay ciyaaraan ciyaaro gaar ah, sidaa si la mid ah dadka geelleyda ahana waxa ay ciyaaraan kuwa ka duwan ciyaaraha beeraleyda. Dhanka kale waxaa kala duwan ciyaaraha la ciyaarayo markii la joogo magaalooyinka, tuulooyinka iyo baadiyaha markii la joogo. Ciyaar ahaan waxaa jira ciyaaro ay ciyaaraan dhallinyarada, qaar baa si gaar ah u ciyaaro dadka waaweyn, kuwo kalena waxa ay la gaar yihiin dumarka in ay ciyaaraan.

Ciyaardhaqameedyada Soomaalidu waxa ay leeyihiin qaabab kala duwan oo loo ciyaaro iyo suugaan kala geddisan oo lagu ciyaaro. Mararka qaar way isbeddelaan hababka ciyaaraha loo tumo oo waxaa beddela jiilka markaas jooga iyaga oo ku xira sebenka ama casriga ay markaas ku nool yihiin. Waxaan xusi doonnaa qaar ka mid ah ciyaardhaqameedyada Soomaalida iyo degaannada lagu ciyaaro:

  1. Dhaanto: Waa ciyaardhaqameed ka mid ah kuwa Soomaalidu ay ugu jecel yihiin. Waxa laga ciyaaraa degaanka Soomaali Galbeed ilaa Jabuuti. Ciyaartan waxaa wada ciyaara rag iyo dumar. Waxa ayna ka mid tahay ciyaaraha ugu caansan markii laga hadlayo ciyaardhaqameedyada Soomaalida.
  2. Shirib: Waa mid ka mid ah ciyaardhaqameedyada Soomaalida, waxaa lagu ciyaaraa koonfurta Soomaaliya. Waa ciyaar leh meerisyo gaar ah. Qaabciyaareedkeedu waa koox, qaarna ay marka hore hadalka ku hormara inta soo hartayna u jiibiya. Kaddibna waxaa toos loo gudagalayaa ciyaarta.
  3. Buraanbur: Wuxuu ka mid yahay ciyaardhaqameedyada Soomaalida, ciyaartan waxa ay la gaar tahay waa in dumarka oo keliya ciyaara. Waxaa inta badan la ciyaaraa munaasabadaha arooska marka ay jiraan.
  4. Wallasaqo: Ciyaaraha ugu caansan ee ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin ayay ka mid tahay, waxaa inta badan laga ciyaaraa koonfurta Soomaaliya. Ciyaartan waxa isku baxa wiil iyo gabar, qofka heesaya isagu bannaanka ayuu ka yahay ciyaaridda, oo waxaa ciyaaraya labada qof ee goobta ku jira.
  5. Saylicida: Waa ciyaardhaqameed laga ciyaaro waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan sida aan magaceedaba ka dheehan karno Saylac iyo guud ahaan gobolka Awdal.
  6. Saar: waxaa laga ciyaaraa degaannada Soomaali Galbeed iyo koonfurta Soomaaliya, waxaa ciyaara xooladhaqatada, waxaana la qabtaa xafladaha arooska iyo kuwa ciidaha, gaar ahaan ciidaha Islaamka (Ciidul Fidri iyo Ciidul Adxa).
  7. Qaboobey: Ciyaartan waxaa laga ciyaaraa koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Baay iyo Bakool. Ciyaartan waxaa wada ciyaara rag iyo dumar, waxayna leedahay qaab gaar, luqad goonni ah iyo laxan ay kaga duwan tahay ciyaaraha kale.
  8. Jaandheer: Waa mid ka mid ah ciyaaraha ugu caansan dadka Soomaaliyeed waxaana laga ciyaaraa koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan degaannada Baay iyo Bakool. Qaabciyaareedkeedu waa mid isugu jira sacab, durbaan iyo cod laxan leh. Ciyaartan waxa ay leedahay jiib iyo jaan gaar ah, markii la ciyaaraya inta badan waa la boodaa qaab gaar ah.
  9. Shabal: Waxaa inta badan laga ciyaaraa koonfurta Soomaaliya, waxaana inta badana ciyaara xooladhaqatada.
  10. Kabeebeey: Ciyaartan waxaa caan ku ah dadka la yiraahdo reer Xamarka ama cadcadka, waxa ayna ka mid tahay ciyaaraha ugu caansan koonfurta Soomaaliya.
  11. Waallo: Waxaa laga ciyaaraa koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Qaabciyaareedkeedu waa in wareeg loo fadhiisto kaddib la bilaabo ereyada, dadka ciyaaraya waxa ay isku garaacayaan gacmahooda iyo feerahooda.
  12. Istunka Afgooye: Waa ciyaardhaqameed oo sannadkiiba mar laga ciyaaro degmada Afgooye. Meeshaas ayaa caan ku ah. Waa ciyaardhaqameed cajiib ah sida aan magaceedaba ka garan karno.
  13. Dabshid: waa ciyaardhaqameed oo laga ciyaaro koonfurta Soomaalida, gaar ahaan Shabeellooyinka.
  14. Heello: waa ciyaar ka mid ah ciyaardhaqameedyada ugu caansan dadka Soomaaliyeed, waxaa laga ciyaaraa waqooyiga Soomaaliya.
  15. Wilwilo: Waa ciyaardhaqameed ay inta badan dadka Soomaaliyeed ay ciyaaraan, waxaa la ciyaaraa xilli gaar ah, waa xilliga ay colaadaha jiraan.
  16. Wiglo: Ciyaardhaqameedkan waxaa laga ciyaaraa Jubbooyinka, gaar ahaan Jubbada Hoose.
  17. Hiyaad: Waa ciyaardhaqameed laga ciyaaro koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Baay.
  18. Misgé shiid iyo Heesjid”: Waa ciyaardhaqameed la ciyaaro xilliyada hawlaha la qabanayo, waxaa inta badan ciyaara beeralleyda. Si gaar ah waxa ay ciyaaraan xilliyada ay beerta u soo go’do iyo xilliyada beer-abuurka. Inta badan ciyaartan waxaa la ciyaaraa marka safarrada la galayo.
  19. Baarcadde: Waa ciyaardhaqameed laga ciyaaro dhanka gobollada waqooyi. Ciyaartan waxa ay la qaab tahay ciyaarta Saarka.
  20. Badgalka: Waa ciyaardhaqameed ay dadka reer koofurta ciyaaraan.

Waxaa jira ciyaardhaqameedyo intaan ka badan oo ay dadka Soomaaliyeed iyo degaannada oo dhan laga wada ciyaaro. Intan waxa ay ka mid yihiin ciyaaraha dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin.

Ciyaardhaqameedyadu keliya ma ahan madadaallo, ee sidoo kale, waxa ay u taagan yihiin soo-noolaynta taariikhda iyo hiddaha ummadda . Waxaa habboon in la ilaaliyo dhaxal-ummadeedkan qaaliga ah ee aan leennahay, haddaan nahay dadka Soomaaliyeed. Inta badan ciyaardhaqameedyada dadka Soomaaliyeed badankoodu ma ahan kuwo qoran ama la wada heli karo oo diiwaangashan. Laakiin waxaa jira qaar ka mid ah degaannadu ay si fiican u haystaan ciyaarahooda iyo gegedii ay ku ciyaari lahaayeenba.