Maanta oo kale, 12ka Agoosto, sannad kasta waxa adduunweynaha looga dabbaaldegaa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka. Sannadkii 1999kii Qaramada Midoobay ayaa u astaysay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, iyada oo la raacayo Qaraarka 54/120. Munaasabaddani waa madal caalami ah oo lagu qiimeeyo awoodda, hal-abuurka iyo waxsoosaarka dhallinyarada, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo saamaynta baaxadda leh ee ay ku leeyihiin isbeddellada dhaqandhaqaale, siyaasadeed iyo tegnolojiyadeed ee dunida maanta.
Maalinta Dhallinyarada Adduunka waxay ka curatay Shirweynihii Wasiirradii u xilsaarnaa dhallinyarada oo ka dhacay magaalada Lisbon ee dalka Bortugaal, sannadkii 1998. Ka dib dib-u-eegis iyo falanqayn ay sameeyeen xeeldheerayaal iyo hay’ado caalami ah, Qaramada Midoobay ayaa go’aamisay in 12ka Ogoosto loo aqoonsado weyn oo lagu soo bandhigo baahiyaha, caqabadaha iyo guulaha ay gaareen dhallinyarada caalamku. Sannad kasta, xusku wuxuu xanbaarsan yahay mawduuc gaar ah oo ka tarjumaya baahiyaha dhallinyarada ee xilliyada kala duwan iyo isbeddellada jira.
Mawduucyadaas waxaa ka mid ah adeegsiga aaladaha dhijitaalka ah si ay dhallinyaradu u helaan horumar waara, in la adkeeyo ka qaybqaadashada dhallinyarada ee go’aannada masiiriga ah iyo dib-u-habaynta iyo tayaynta waxbarashada si ay u waafaqdo baahiyaha dhallinyarada qarnigan joogta.
Ujeeddada guud ee maalintan ayaa ah in dawladaha, hay’adaha caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah lagu baraarujiyo muhiimadda ay leeyihiin maaraynta dhibaatada shaqo la’aanta, helitaanka waxbarasho tayo leh iyo kaqaybgalinta dhallinyarada go’aannada heer qaran.
Dhallinyarada maanta waxay ka dhigan yihiin awoodda ugu weyn ee qaabaysa mustaqbalka aadanaha, maadaama ay yihiin jiilkii ugu tiro badnaa taariikhda. Dhallinyaradu waxay hormuud u yihiin isbeddellada dhanka tegnoolajiyada, maadaama ay ku soo koreen ama ay ku korayaan dunida dhijitaalka ah oo ay si fudud u xiriiriyaan fikradaha cusub. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay (UN), dunida maanta waxaa ku nool ku dhowaad 1.2 bilyan oo dhallinyaro ah oo da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 24 sano, tanina waxay muujinaysaa in saamayntoodu ka muuqato meel kasta oo ay joogaan.
Si kastaba ha ahaatee, dhallinyaradu waxay maanta wajahayaan xaalado kakan iyo caqabado kala duwan oo ku xiran dibudhaca ama horumarka bulshada iyo waddamada ay ka soo jeedaan. Dunida soo koraysa, gaar ahaan qaaradda Afrika, waxaa ka jira fursado waaweyn oo ku aaddan dhiirrigelinta iyo koruqaadista xirfadaha cusub ee dhallinyarada hibada leh, iyadoo saamaynta fikirka dhallinyarada ay ka muuqato dhinacyada ganacsiga dhijitaalka ah iyo dadaallada bulshada ee dhinaca waxsoosaarka ah. Waxaa intaas dheer, Bangiga Adduunka (World Bank) wuxuu sheegay in maalgashiga aqoonta, caafimaadka iyo shaqa-abuurka dhallinyaradu uu yahay furaha ugu muhiimsan ee waddamadu ku gaari karaan horumar dhaqaale oo waara.
Markaan u soo laabanno taariikhda dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa ay safka hore kaga jiraan isbeddelladii waaweynaa ee ka dhacay dalkeenna.
Laga soo bilaabo 15kii Maajo 1943dii, waxaa jiray saddex iyo toban dhallinyaro ah oo taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galay. Dhallinyaradaas waxa ay aasaaseen Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Somali Youth Club (SYC). Isbahaysigaas ay dhallinyaradu sameeyeen wuxuu ahaa matoorkii unkay gobannimadii dalka, iyagoo ku dhiirraday in ay qaadaan tallaabo aan hore loo qaadin. Waxa ay garawsadeen in ay iskuduubni kaga guuleysteen gumaysigii iyo xukunkii gumeystaha ee dalka maamulayay. Guushaas waxay caddayn u tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed, marka ay leeyihiin iskuduubni iyo midnimo, ay beddeli karaan jihada ummadda Soomaaliyeed.
Xaaladda ay maanta dhallinyarada Soomaaliyeed ku sugan yihiin waa mid meel fiican sii maraysa. Dhallinyaradeennu qiyaas ahaan waxay boqolkiiba toddobaatan ka yihiin tirada guud ee bulshada dalka, iyagoo ka qaybqaata awoodaha, shaqooyinka iyo isbeddellada ugu weyn ee dalka ka dhaca.
Wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah iyo ururrada bulshada ee madaniga ah ayay dhallinyaradu door weyn ku leeyihiin. Waxaa jira wasaarado inta badan ka shaqeeya sidii ay dhallinyaradu uga shaqayn lahaayeen horumarkooda, taas oo ay ka mid tahay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Inta badan waxa ay dhallinyarada u abuurtaa fursado shaqo, waxbarasho iyo fursado ay ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda. Waxa ay sidoo kale dhallinyarada siisaa ama u abuurtaa madallo waaweyn oo fikir-wadaag iyo aqoonkororsi ah. Intaas waxaa dheer, dhallinyarada waxaa fursad loo siiyaa in ay la kulmaan ama ay wax isweydaarsadaan dhallinyarada dhiggooda ah ee daafaha kale ee adduunweynaha ku nool.
Dhallinyaradu waxa ay inta badan garab-istaag u muujiyaan dadka danyarta ah ama haysta dhibaatooyinka gaarka ah, iyaga oo muujinaya garab-istaag iyo isku-xirnaan buuxda. Xilliyada ay dhacaan abaaraha ama fatahaadaha noocooda kala duwan, dhallinyaradu waxa ay gurmad u fidiyaan dadka ay waxyeelladu gaarto, iyaga oo adeegsanaya aaladaha kala duwan ee baraha bulshada si ay dhaqaale, taageero iyo garab-istaag ugu ururiyaan dadka ay dhibaatadu saamayso. Sidoo kale, waxaa jira dhallinyaro tiro badan oo u taagan wacyigelinta bulshada, haddii ay noqon lahayd dhinaca waxbarashada, waxsoosaarka iyo degaanka. Waxay horseedeen mashruucyo dhirbeereed, nadiifinta xeebaha iyo ilaalinta degaanka, kuwaas oo hoos u dhigaya saamaynta isbeddelka cimilada iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
Dhallinyaradu waxay, sidoo kale, door firfircoon ka ciyaaraan geeddisocodka dhismaha nabadda iyo xallinta khilaafaadka. Waddammada soo maray dagaallada ama weli ku jira xaaladaha kala guurka ah, dhallinyaradu waxa ay qayb ka yihiin dhisidda madallo lagu wadahadalyo; waa kuwo soo saara maqaallo iyo suugaan dhiirrigelisa wadajirka, kana qaybqaata dhisidda xiriirka bulshada ku nool degaannada kala duwan. Dhiirrigelinta wadahadallada, isdhaafsiga dhaqanka iyo mashaariicda ciyaaraha ayaa muujisay in dhallinyaradu ay yihiin dabarka isku xira qaybaha kala duwan ee bulshada.
Inkasta oo ay jiraan guulo waaweyn iyo rajooyin badan, haddana dhallinyarada adduunka iyo kuwa Soomaaliyeedba waxay wajahayaan caqabado dhowr ah oo u baahan in la xalliyo. Waxaa ugu horreeya shaqo la’aanta, maadaama awoodda ganacsiyadu aad u yar tahay oo aanay dabooli karin tirada ballaaran ee dhallinyarada ka soo baxa jaamacadaha iyo iskuullada waxbarashada sannad kasta.
Dhinaca kale, dhallinyarada waxaa haysata dhibaatada tahriibka, taas oo naftooda halis gelin karta. Haddaba, Maalinta Dhallinyarada Adduunka waa maalin lagu weyneeyo lagu na dhiirrigeliyo qof kasta oo dhallinyaro ah oo haddana halgamaya, lehna hammi fog oo ah in uu gaaro meelo sare. Maalintan weyn, waa in madaxda iyo hoggaamiyayaasha dunida, dawladaha iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay dhallinyarada u abuuraan fursad ay wax kaga beddelaan noloshooda. Taasi waxa ay dhallinyarada u noqonaysaa shidaalin iyo in ay dedaalkooda sii laba jibaaraan. Marka dhallinyarada la siiyo agabkii ay wax ku qabsan lahaayeen, aqoonta iyo xorriyadda hal-abuurka, waxay xallin karaan dhibaatooyinka ugu adag.