U bood dhigaalka

Jidkii Baddu Meeyay?

Oktoobar 14, 2026

Sannadkii 1978 oo ay taagnayd xiisaddii colaadeed ee u dhexaysay Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu Nuuradiin Faarax qormadan ku baahiyay wargeyskii Horn of Africa. Waa qormo uu si xeeldheeri ugu falanqaynayo damaca iyo dhulbalaarsiga soojireenka ah ee ay madaxda Itoobiya weligood ku doonayeen inay ku qabsadaan xeebaha Soomaalida iyo kuwa Geeska Afrika.

Qaybta 1aad

Ma u oggolaannaa holacyadu inay iftiimiyaan qaybaha dansan ee xusuusteenna? Haddii aynu sidaa samayno, waxaynu baran doonnaa inay dhaceen dagaallo lagu qabsanayay Geeska Afrika iyo xeebtiisa dheer. Waxaynu ogaan doonnaa muddo qarniyaal ah inay awoodo shiyeeye si kala danbaysay u qabsadeen una gumaysteen bulshooyinka aaggan deggan. Qarniyaal wuxuu ahaa Geesku masraxa hirdanka awoodaha waaweyn, diblomaasiyadda dhoollatuska, iyo furashooyinka iyo dib-u-furashooyinka. Imbiraadooriyaddii Cismaaniyiinta; Khideewiyiintii Masar (oo ay wakiilladoodu qabsadeen dhammaan xeebta dheer ee Soomaaliya iyo Ereteriya); Talyaaniga; Faransiiska; Biritan; iyo Bortaqiiska (haba yaraato e). Magacow gumayste keliya, kadib uma baahnid in aad inta kale oo dhan magacowdo. Laakiin, maxay u dhacayaan waxan oo dheel diblomaasiyadeed ahi, Geeska maxay uga dhacayaan waxan oo dagaallo ahi? Waayo?

Hoosaska madow ee ololka dabka waxa ku qarsoon muuqaallada rooxaantii Yooxaanes, Minililk iyo Hayla Salaase. Codkoodu wa mid hoose oo labaclabac ah, daqdhaqaaqooduna waa mid qunyar ah. Imika waxaad kula kulantay golayaasha diblomaasiyadda, iyaga oo saxeexaya dhambaallo shaanbadaysan, oo ay u kala dirayaan boqorrada iyo Imbiraadoorrada Yurub. Imikana waa kuwan iyaga oo urursanaya hub.

In yar oo nasasho ah inta aynu qaadanno, aynu is weydiinno weydiinta ah: dagaalka maanta ka taagan Geeska Afrika (1977), miyuu si weyn uga duwan yahay kuwii ka horreeyay? Waa run cirku wuxuu da’ayaa mahiigaan Miigag ah, dhulkuna wuxuu ganayaa taangiyo T-62, waxaana lays waydaarsanayaa eedaymo muarn leh. Waa run waa dagaal ay awood caalami ah si dhammaystiran u taageerayso 30 milyan oo Itoobiyaan ah, lidka 3 milyan oo Soomaali ah. Balse ka fikir Shawa, boqortooyadan yar ee xayndaaban, iyo sida oo kale Tigraay. Dhanka kale ka fikir Soomaaliya oo ay xeebaheeda bacaadka ahi carfayaan uunsi uunsi, iyo sida oo kale Ereteriya. Bal sawiro…

Waxaan soo jeedinaya in aynu rogno dhawr bog oo taariikhda hubantiyaysan ah. Dhab ahaan, waxaan soo jeedinayaa in aynu u ogolaanno boqorrada Itoobiya iyo Imbiraadoorradeeda inay ka soo baxaan dhuumashadooda, oo ay naftooda u hadlaan. Waxaan soo jeedinayaa inaynu daawanno Itoobiya oo harag-shabeelkeeda iska siibaysa, iyo in aynu dhuuxno isdiiddooyinka boqorradeeda. Waxaan ka cabsanayaa, hasayeeshee, inta aynaan sidaas samayn, in aynu u baahannahay bannaynta kayn isdiiddooyinka maanta jira ah.

Tusaale ahaan, Soomaaliya ma haysaa wax sabab ah oo ay uga cabsato Itoobiya (oo ay taageerayso awood shisheeye, magaca aad doonto siiyoo) inay ku duulayso Soomaaliya, iyada oo doonaysa qabsashada dekedaha Saylac iyo Berbera. Dhacdadani ma curad ayay ka tahay taariikhda Geeska? Ma tahay dhacdo in uun qofka ku dhalinaysa rumaysashada in ay Itoobiya ku fidin doonto gacanteeda dheer qabsashada dekedaha Berbera iyo Saylac?

Waan ka tegayaa Soofiyeedka iyo Kuuba haddii aad doonto, waayo waa hindise ay dhashay taariikhda Aydhiyoolajiyeed ee beryahan danbe, ama si ka fiican, tignoolajiyadda qarniga labaatanaad. Laakiin Itoobiya sooyaalka dhow ama ka fog ma adeegsatay awood shisheeye, ama adeegyada awood shisheeye, si ay u qabsato deked ku taalla Geeska Afrika? Hore ma u dhacday in ay Itoobiya ku qalqaallisay, ama u muujisay danaynta awoodo shisheeye qabsashada dekedo ku yaalla dalal kale, si toos ah ama si dadban? Marna ma qorshaysay in ay dhoollatus diblomaasiyeed ku muujisay, iyada oo duruufta ka faa’idaysanaysa, inay hesho marin badeed? Si weydiimahan looga jawaabo, Itoobiya ayaan u dayn doonaa in ay nafteeda ka hadasho, iyada oo ay u hadlayaan Madaxdhaqameedkeeda, Boqorradeeda, Boqorrada Boqorradeeda, iyo Imbiraadoorradeedu.

Qaybta 2aad

Shawa waxay ahayd boqortooyo xayndaaban, oo baaxad ahaan u yar sida boqorkeeda. Waa boqor in kasta oo uu yar yahay, haddana leh himilo weyn. Waa himilo weyn oo aan la koobi karin sida biyaha badda. Waa boqortooyo yar, oo xayndaaban, oo ku dhex jujuuban buuro dhaadheer, sidii oo ay tahay geed-dhadhaabeed yar. Waxa hareereeyay boqortooyooyin tartan kula jira sida Gondhar, Gojaam, iyo ta ugu muhiimsan oo ahayd Tigraay. Waxa jiray dagaallo dhulgariir ah oo u dhexeeyay boqortooyooyinkan. Waa dagaallo dhulgariir ah oo ruxay seeska habdhiska dawladahan dhulgoosiga ah,  ee u nugul sida qolofta beedka.

 Taariikhdu dhawr wax ayay bartay hoggaamiyayaashan. Tusaale ahaan, in kii haysta hubka iyo kaalmada Yurub uu leeyahay gacanta sare xilliga loollanka. Taas waxa caddeyn u ah Yooxaanes, boqorka Tigraay. Xilli ayay ahayd boqortooyadiisu ta ugu xooggan, maxaa yeelay wuxuu si gacanfuran u helay samafalka, hadiyadaha, iyo hubka xukuumadda Ingiriiska, abaal uu u galay Ingiriiska awgii. Adeegyada uu u qabtay dartood, waxa loo ballanqaaday adeegsiga bilaashka ah ee deked. Sannado badan kaddib wuxuu helayaa deked soodejin iyo waxdhoofin. Wuxuu helaa deked muhiim ah. Wuxuu helayaa xeeb.

Balse xeebuhu waxay weligood gacanta ugu jireen shucuub kale, ha ahaadaan awoodo shisheeye oo ku soo duulay, ama shucuub degaanka ah sida Ereteriyaanka, Soomaalida iyo Danaakisha (Canfarta). Sidaas ayaynu u arkaynaa boqorradaas Xabashida, Imbiraadoorradooda iyo kaaliyayaashooda, oo beddelaya tagtiiggooda iyo istiraatajiyahooda. Waxay beddelayaan heerka codkooda iyo dalabkooda. Waxa aynu arkaynaa iyaga oo istaagay meelo kala-duwan, iyo iyaga oo beddelaya mawqifkooda . Waxa aynu dhegaysanaynaa iyaga oo dalbanaya isbarbartaagga masiixiyiinta Yurub, waayo Turki iyo Masaari (Muslin ah) ayaa gacanta ku hayay xeebaha Badda Cas.

Kadibna waxa aynu maqlaynaa iyaga oo soo gudbinaya sheegasho dhuleed oo weyn, oo aan sal iyo raad toona lahayn, markii ay awoodda reer Yurub u ogolaan weyday, sababo siyaasadeed, in ay si lacag la’aan ah u adeegsadaan xeebta. Tusaale ahaan Minilik, boqorka Shawa, oo gadaalna ka noqday Imbiraadoorka dhulalkii uu qabsaday, wuxuu soo saaray baaq qeexaya xuduudda riyadiisa dhammayska ah, isaga oo saaran sariirta, lana tacaalaya xummad daran iyo xanaaq.

Ha noqdo Minilik ama Yooxaanes, waxa aynu arkaynaa  si hubantiyaysan in ”agabka” aasaasiga ah ee boqortooyadu uu yahay  xeebta iyo hubka. Ka danbe ciddii hantidaa waxay haysataa fursad ay ku gaadho ka koowaad, iyaga oo qasab ku helaya. Kii hantiya xeebta (ama si fudud ku gaadhi karaa, deeqda adeegsiga ee awoodaha Yurub u siiyeen dartood) wuxuu haystaa fursad weyn oo uu hub ku heli karo, taas oo u suuragelinaysa in uu gobol ahaan isbalaadhiyo.

Yooxaanes iyo Minilik, laba boqor uun aynu hadda ka magacawnee, turub ayay dheelayaan, waxaanay tirinayaan waraaqohooda guusha. Waraaqaha guusha gacanta ugu sarraysaana waa samafalka ay reer Yurub siiyaan boqorka ay u gartaan. Waa quwadaha Yurub ee midkoodba mid ka horgeeya. Waa quwadaha Yurub ee midkood hubeeya midka kalena aan hubaynin. Waa quwadaha Yurub ee Yooxaanes iyo Minilik ka ay doonaan u ogolaada, ka ay doonaanna u diida adeegsiga dekadaha, balse aan marna la tashan dadkii uu arrinku khuseeyay —dheh Ereteriyaanka, Soomaalida, ama Danaakisha. Waa dadkii arrinka lahaa oo laga dhigay hub la’aan, tashi la’aan, iyo gaashaan la’aan, aan haysan wax ka caabiya duullaanka Xabashida.

Isagu ha noqdo Amiirka Tigreega ama Boqorkooda; ha noqdo Boqorka Shawa ama Imbiraadoorkooda is-caleemasaaray; ha noqdo Xayla Salaasaha casriga ah: baahidan taxanaha ah ee loo qabo marin badeed, diblomaasiyaddan duugowday, sitti Maryaneeydan iyo weedhan mar kasta la soo celceliyay dulucdeedu waa xeebta. Waxaynu arkaynaa boqor kasta oo kaadhadhkaa turubka ciyaaraya, si riyooyinkiisa loogu dhaqo qasaaladda bacaadka ah ee xeebaha Badda Cas, iyo si dhulkiisa loogu nadiifiyo cusbada caafimaadka leh ee badweynta Hindiya. Qarawgoodu waa xeebta iyo hubka, sidaas awgeed ayay boqorradani u sitaan macatabka Ciise Masiix oo meeldheer laga soo arkayo. Si aanay indhaha quwadaha Yurub u gafin ayay macatabka ugu xardheen wajahadda buurahooda, isaga oo la moodo noobiyad.

Jawaab ayaan bixinayaa, sidaas awgeed aan wax soo xigto:

“Dalkaygu wuu ka fog yahay dalkaaga. Jidkii aan u mari lahaa xeebta Saylac, Tojoorra iyo Cadan hadda waxa iga xidhay Muslimiinta. Waxay iga xayireen inuu dalkaygu helo saad, hub, agab beereed, xirfadlayaal, iyo xataa ergadii Injiilka. Fadlan kor ma u qaadi kartaa codkaaga awoodda badan si jidkan laygu furo, waayo waxaan damacsanahay inuu dalkaygu isdhexgal la sameeyo fanka, caqliga iyo ilbaxnimada Yurub.” [2]

Dhambaalkani ma aha 1978. Maya. Waxaynu joognaa 1878-kii. Haa, waa boqol sanno kahor. Weedha aan soo xigtay waxay ku jirtaa dhambaal uu qoray Minilik, oo noqday boqorkii Shawa. Wuxuu ku socday dhambaalku madaxdii xukuumadaha Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka iyo Biridaaniya. Muslimiinta xeebta ka xidhay ee uu sheegayaa ma aha Soomaalida Tojorra iyo Saylac, balse waa Khadeewigii Masar, oo ay cududdiisu maamulaysay dhammaan dhererka xeebaha Soomaalida, sida oo kalena hayay furaha marinka Baab al Mandab, Xaafuun, Saylac, Berbera iyo Ogaadeeniya —oo ay ku jirto magaalada Herer. [3]

Sidaas ayuu Minilik (iyo loollamihiisii la xilliga ahaa Yooxaanes, boqorkii Tigreegu) u wadhfinayay macatabka Ciise, una garaacayay xadhkaha dimblomaasiyadda ee uu karo, si uu u helo marin toos ah oo taga xeebta. Intii lagu jiray xilligan, waxaynu xusaynaa, si kastaba ha ahaatee, inaanu samaynin wax sheegasho degaan ah oo ku saabsan magaalooyinka ku yaalla xeebaha. Kama madhna male ahaan inaanu Minilik weligii maqlin magaalooyinka Muqdisho, Marka iyo Baraawe. Waa saddex ismaamul-magaalo oo ku yaallay xeebta Soomaaliya (qaar kalena waa laga tagaye) ismaamul-magaalooyinkani caannimo baahsan ayay dunida ku lahaayeen, waayo waxay ahaayeen xarumo waaweyn oo ganacsi. [4] Balse wuu maqlay Saylac iyo Tojoorra (ta hore hadda waxay ku taallaa Jamhuuriyadda Soomaalida, ta danbena Jamhuuriyadda Jabuuti, horena u ahayd Faransiis-Soomaaliland) waayo kuwani waxay ahaayeen dekedaha ay boqortooyadiisu kala soo degto “saad, hub, agab beereed, xirfadlayaal, iyo xataa ergadii Injiilka.” Sida oo kale waxay ahaayeen dekedaha uu dalkiisu wax ka dhoofiyo. [5]

Minilik oo askari ka ahaa miiska jesta ee diblomaasiyadda caalamka; Minilik oo aan la aqoon maamulkiisa; Minilik oo ahaa nin yar oo leh himilooyin waaweyn, ayaa awooday inuu dhambaallo cabasho ah u diro madaxdii xukuumadaha Yurub. Waa si ay kor ugu qaadaan “codkooda awoodda leh” si ”si jidkan laygu furo” jidkaas oo taga xeebta. Kamuu codsan inay gacantooda kor u qaadaan, balse wuxuu ka dalbaday keliya inay codkooda kor u qaadaan, kadibna uu u furmi doono jidka taga xeebaha Badda Cas. Sidii mucjisadii nebi Muuse! Wuxuu filayay inuu xeebta ka gudbi doono, si diimeed markaan u hadlo. Badda lafteedu waa bilic ashqaraar ah, badda lafteedu waa baaxaddii nolosha! Malaha ma aha inay muraaqo ina qaaddo, malaha waa inaynu is weydiinno: maxay u caawin karaan madaxda Yurub Minilik? Muxuu ugu qalmaa taas?

”In kasta oo uu dalkaygu aad uga durugsan yahay kaaga, sidaada oo kale, anigu waxaan ahay Kiristan.” [6] Codku weli wuu dabacsan yahay, codsiguna waa mid fudud, qodobkuna aad buu u cad yahay. Minilik kama rabo quwadaha Yurub inay hubka u qaataan Masaarida Muslimiinta ah, kama rabo inay dekedaha ka qaadaan iyagu, ama inay dekedaha isaga siiyaan. Keliya wuxuu ka rabaa inay muujiyaan hiilkooda Kiristaannimo, iyaga oo kor u qaadaya codkooda awoodda badan.

Waxaan soo jeedinayaa inaynu Minilik ka tagno hadda. Waxaan soo jeedinayaa inaynu dhadhanka iyo dhalanteedka weedhan ku dhaafno caarada carrabkeena. Waxaan doonayaa inaynu gadaal fog ugu noqonno bilawgii sheekada. Taariikhdu waa deeqsi, saaxiib la ah daacadda hilmaanka badan. Waxaynu ku suganahay Tigraay, oo ahayd boqortooyo saamayn ku leh hadda iyo horeba muuqaalka siyaasadda Xabashida (ama Itoobiyaanka) iyo yoolkooda hel-marin-taga-badda. Boqorkooduna waa Yooxaanes, oo loollan adag kula jiray Minilik, balse tani waa kahor Yooxaanes maalmihiisii.

Sannadku waa 1827. Waa konton sanno kahor Minilik intii aanu dhambaalkiisa u qorin madaxdii Xukuumadaha Yurub. Dhab ahaan tani waa rubucii koowaad ee sannadkii 1827. Shakhsi saameyn weyn ku leh siyaasadda Tigreega, Dhejasmaaj Sebagedis Weldu, ayaa dhambaal u qoray boqor Joorjkii Saddexaad. Dhambaalkaasi wuxuu ahaa inuu dalkiisu (Dhejasmaaj) “u baahan yahay hub, kaas oo keliya lagu heli karo gargaarka Yurub, oo la soo marsiiyo dekedda Masawac.”[7]
Hub iyo mar kale? Kani ha gudbo markan. Si kasta ha ahaatee, aan ku xasuusiyo inay Masawac ay ku jirtay markan gacanta Turkida, ee aanay ku jirin ta Masaarida (Turkida laftooduna waa Muslimiin). Balse maxay tahay soojeedinta Dhejasmaaj Weldu, “Waxaanu doonaynaa inaad Masawac ka qaaddo Turkida, oo aad adigu haysato (laftaadu) ama aad annaga noo soo gacangeliso, waayo dalkayaga ayaa hore u waayay (iyada)… iyo Muslimiinta deggan xeebta Badda Cas,”[8]
Waa isla alhuumadii haysatay Minilik, waa isla baahidii oo si kale loo qeexay. Dhejasmaaj wuxuu istaagay mawqif aad ug adag, in kasta oo aanu isagu (ama Yooxaaneesba marka aynu u nimaadno) samaynin wax andacood degaan ah oo xeebta ah. Isaguna, si la mid kuwa kale oo dhan, kamuu hadal wax ku saabsan dadka xeebta. Minilik wuu rabay ”jidka in lay furo,” balse Dhejasmaaj wuxuu u soo jeediyay xukuumadda boqor Joorj inay xeebta qaadato kadibna “ay haysato ama ay annaga noo soo gacangeliso.” Waxa xus mudan inay madaxda iyo boqorrada Tigreegu aanay soo hadalqaadin dekedaha Berbera iyo Tojoorra magac ahaan (waxa laga yaabaa inaanay weligood isticmaalin). In kasta oo u mar kale, oo sannado kadib ah, cod kale oo Tigraay ahi uu yimid, kaas oo ah codka Yooxaanes oo dhambaal u diraya ergaygii Ingiriiska (Jeneral) Goordan isaga oo leh, haddii mid ka mid ah dekedahan in la qabsadaa ay noqotay masuurtawdo, boqorka Tigraygu wuxuu raalli ku yahay haddii la siiyo ugu yaraan, “maamul degaan badeed, oo aan ahayn isticmaal keliya.” [9]

Qaybtii 3aad

Mar labaad aynu ku soo noqonno Minilik!

In kasta oo uu Minilik beero iniinyaha riyooyinkiisa marka uu hurdo, haddana waxaynu arkaynaa inaanay waxba u soo go’in marka uu soo tooso. Xilligan, maamul-magaalooyinkii xeebta Soomaalidu waxay ku dhaceen gacanta Talyaaniga, kuwaas oo ay ku jiraan Saldanaddii Hobyo iyo tii Majeerteeniya, iyo boqortootooyinka yaryaraa ama aan ahmiyadda weyn lahayn ee Soomaalidu. Dekedihii Tojoorra iyo Obokh waxay gacanta u galeen Faransiiska. Dekadihii Berbera iyo Saylacna waxa qaatay Ingiriiska. Masawac iyo Casabna waxa la tegay Talyaani. Minilik, sida aynu arkayno, weli muu helin marin taga badda, taasina aad bay u xanuunjinaysaa.

Iniinyaha riyooyinkiisa wuxuu beeraa marka uu hurdo, balse marka uu soo kaco waxba uma soo go’aan. [10]

Qaybtii 4aad

Cadho ayaan u dhimanayaa, maxaa yeelay, xirfad cusub ma yeelan karo, waan xidhxidhanahay (sidan aan ahay)… Waxaan ahay qof lagu xukumay xabsi daa’in, oo aan loo ogolayn inuu dalkiisa keensado qoryo, madaafiic iyo shaqaale. [11]

Qoryo. Madaafiic. Waxaynu arkaynaa isaga oo quus jooga, sidii uu weligiiba ahaa. waxaynu arkaynaa isaga oo mugdiga jid masuurtawdo ah oo xidhan ka raadinaya. Wuxuu galay dagaallo uu dhammaantood ku guulaystay. Wuxuu ku duulay oo uu awood ku qabsaday Herer. Waxa maskaxdiisa ku soo dhacday ayaa laga yaabaa inuu jiro jid waxan oo dhan lagaga bixi karaa, laga yaabaa inuu jiro jid taga baddu.

Fikraddii wuxuu ula tegay Faransiiska. Minilik wuxuu ku yidhi Faransiiska, isaga oo si saraaxa leh ula hadlaya, inuu doonayo inuu siiyo magaalada Herer (taas oo lahaanshihiisa noqotay, waayo duulaan ayuu ku qabsaday) taas beddelkeena la siiyo deked. [12] Faransiiska fikraddaasi kamay gadmin, balse waxay la yimaaddeen heshiis iyo fikrad ganacsi. Faransiisku waxay ka iibin doonaan Minilik dhammaan hubka uu u baahan yahay, balse hal shardi ayaa ku xidhan: waa inuu wax kala soo dego dekadaha uu Faransiisku maamulo ee Tojoorra iyo Obokh (Soomaalilandtii Faransiiska), ee aanu kala soo degin Berbera iyo Saylac oo gacanta Ingiriiska ku jiray. [13]

Ganacsiga Faransiiska ee hubku wuxuu ahaa mid bullaaliyay dhaqaalaha Faransiiska ee mustacmaradaha. Arthur Rimbaud ayaa mid ka mid ah dhambaaladiisa ku sheegay “24,000 oo qori oo jaadad kala duwan ah” in laga iibiyay Minilik. [14] Talyaaniga ayaa Ingiriiska uuga cawday qulqulka hubkan faraha badan ee uu Faransiisku ka iibiyay “qarankan wuxuushta ah”. [15]

Minilik wuxuu fuulay faraskii dhulballaadhsiga, cid joojinaysaana ma jirto. Balse weli muu helin awooddii uu ku cabbiri lahaa himiladiisa weyn, taas oo ah inuu noqdo Boqor reer Shawa ah oo weyn, oo dhul balaadhan ka taliya. Waa nin isku magacaabay Boqor, kadibna Boqorka Boqorrada, kadibna Imbiraadoor.

Qoryihii iyo hubkii uu ka helay Faransiisku waxay siiyeen fursad uu kaga gacansarreeyo dhammaan maamulladii yaryaraa ee gobolka ka jiray. Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa ka mabnuucay Soomaalida iyo Ereteriyaanka ku hoos jiray maxmiyadahooda inay helaan hub; sida oo kalena wax badan kamay tarin inay ka ilaaliyaan maxmiyadahooda duulaanka Minilik. [16] Haddii Xabashida lagu qalabeeyay hubkii ugu casrisanaa [17], Soomaalidu meel kasta oo ay joogeen, si gaar ah ayaa looga dhigay hub la’aan iyo difaac la’aan, si aanay ugu gadoodin cabudhiyayaashooda.

Qorshihii Gordon ee ahaa “in loo helo marin badeed Xabashida” mar labaad ayuu fashilmay, Minilikna wuxuu ku qasbanaaday inuu sii adeegsado dekadaha Jabuuti, isaga oo kala soo degaya hubka, una isticmaalaya ganacsiga dibadda. Dagaalo kale ayaa dhacay, ballamo kalena waa la sameeyay. Dagaaladda waa lagu guulaystay goobaha colaadda, Shawana way balaadhatay, Minilikna hadda wuxuu qabsaday boqortooyooyin kale. Ninkii yaraa wuxuu naftiisa ku ladhay magac-xileedyo waaweyn; wuxuu Kiristaaneeyay degaannadii; wuxuu qabsaday “Itoobiya”, waxaanu naftiisa u caleemasaaray “Imbiraadoor.”

Dhinaca kale haddii aynu ku soo noqonno Yooxaanes, oo isaga laftiisu Imbiraadoor ah, waxaynu arkaynaa si la mid ah dhammaan amiiraddii iyo boqorradii Tigreega, inay ka go’an tahay inuu helo magaalo xeebta ku taalla, qaabka la doono ha lagu helo e. Isaga ayaa laga hayaa: “ma doonayo inaan wadahal ka furo arrinka Masawc —waxaan doonayaa Masawac lafteeda.”[18]
Hasayeeshee, marka uu Yooxaanes dhambaal u qorayo boqorad Figtooriya [19] ka go’naantiisa colaad kuma ladhna. Kadib ammaantii looga bartay iyo waxaynu nahay walaalo Kiristan ah, wuxuu odhanayaa waxba kama qabo inaan degaannada sanamcaabudka ee xeebta ku hareeraysan la wadaago Biritan, balse cid kale maya. [20] Yooxaanes wuxuu ka xumaa inay shacbiyaddiisu hoos u dhacday, waayo awoodaha Yurub waxay arkeen inuu ku dheggan yahay dalabkiisa ah marinka badda—wax kasta oo ay ku kacayso. Waxa jiray xisaabo aan la kala gudan oo u dhexeeyay isaga iyo Minilik. Talyaanigu waxay doonayeen inay ciqaabaan. Talyaanigu waxay siiyeen Minilik 5,000 oo qori, shardiguna wuxuu ahaa inuu weeraro Yooxaanes. Waxay ku heshiiyeen labada dhinac in degaanka la qabsan doono ay labadoodu kala qaybsan doonaan.

Bal qaybtan aynu ku soo xidhno, Minilk oo aad u awood badan:

“Haddii aanan woodin inaan ka qabsado Berbera dhanka badda, igu ma adka aniga inaan dekedda ka qabsado dhinac kale (barriga). Iyada oo taasi jirto, dagaal la’aan, waxaan ka codsanayaa Yurubta ilbaxa ah inay i siiso caddaalad oo ay i raalligeliso…”

Xagga danbe ee dhambaalka, wuxuu ku odhanayaa: “waxaan rajaynaynaa inaanay dhulka ku tuurin ciyaalka Maxammed taajkayaga maamuusaya Ciise Masiix.” Wuxuu ku sii darayaa: “haddii aad dhab ahaan tihiin ilaaliyayaasha Kiristanka, maanta waa inaad na tustaan caddayn”[21]

Qaybta 5aad

U kaalay qurbiddii Afrika, qaybintii Soomaaliya Itoobiya waxa la siiyay qaybteeda; balse may helin marin taga badda weli. Waxaanu mar kale waajahaynaa Yurubiyaan u gaajaysan sida ayaxa, iyo Itoobiyaan kaba  sii daran. Ma jiro weli marin badeed oo u furan Boqortooyada Minilik. Hadda ayay bilaabmaysaa in la sheegto deegaannada xeebta, iyo bed kasta oo biyo leh oo Afrika ahi. Khartuum, harada Nayaansa, harada Sambuura, badweynta Hindiya, xeebta Badda Cas. Xadkayagu waa biyaha.

Qaybta 6aad

Waa mar kale iyo Minilik sannadkuna waa 1891. Tani waa warqad kale oo caan ah oo uu u diray Xukuumadihii Biritan, Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka iyo Qaysarkii Ruushka. Waxaynu dhuganaynaa isbeddel ku yimi codka, isbeddel ku yimi ninka, isbeddel ku yimi qaabka codsiga uu samaynayo. Waa dhambaal dheer oo si weyn u faahfaahinaya xuduudaha Itoobiyada (uu ku riyoonayo). Faallo intaa ka badan yaynaan ku darsan, ee isaga aynu toos uga maqalno: “Itoobiya waxay ahayd afar qarni jasiirad Kiristaan ah oo ku dhextaalla bad sanam-caabudayaal ah.” [22] Waa cod kakan, waana tilmaan dadban oo ku saabsan dagaalkii uu galay Axmed Gurey, dagaalyahankii Soomaaliyeed, iyo loolankii loo galay taliska magaalada Herer intii lagu jiray qarnigii shan iyo tobnaad. [23] Balse aynu ku soo noqonno hadalkii Minilik. Digtoonow, oo  ha la yaabin marka uu Minilik qorayo, “Berigii hore, xuduudda Itoobiya waxay ahayd badda… xuduudahayagii xeebta baddu waxay gacanta u galeen awoodda Muslimiinta.” [24]

Hal wax aynu hoosta ka xarriiqno: marxaladdan, baddu waa mid aan la magacaabin, xeebtuna sida oo kale. Xuduudda Itoobiya waxay ahayd badda. Goorma? Baddee? Goorma ayay se xuduudaha Itooobiya (haddii xataa aynu aqbalno ujeedda Minilik qabo), gaar ahaan xuduudaha baddu, ay gacanta u galeen awoodda Muslimiinta? Balse waa ayo sanam-caabudka ku hareeraysani? Ma Soomaalida? Ma Oromada (Gaallaha)? Ma Ereteriyaanka? Ma wuxuu ku tiriyay waajibka saaraan isaga Kiristan ahaan inay ka mid tahay inuu noobiyadda Ciise Masiix u geeyo dadka sanam-caabudka ah ee ku nool xeebaha? Waxaan ka cabsi qabaa inaynu wax jawaab ah ka wayno isaga, balse waxaynu haysannaa damacii la sheegay, waxaynu haysannaa erayadii Minilik oo taas ku saabsan:

“Xilligan la joogo, ma damacsanin inaanu xuduudahayagii badda xoog ku qabsanno, balse waxaanu ku kalsoonnahay in awoodaha Kiristaanka ah ee uu Samatabixiyahagu hagaa, ay noo soo celin doonaan xuduudahayaga badda… xaddi kasta, xataa qayb yar oo ka mid ah.”[25]

Kor waxaynu ku soo marnay inuu yidhi waxaan karaa “inaan Tojoorra ka qaato dhanka badda … (ama) inaan dekedda ka qabsado dhanka barriga.” Laakiin sidaas muu samayn, waayo wuxuu ku kalsoonaa Yurubta ilbaxa ahi  ‘‘inay Qaysar siin doonaan wixii Kiristaanku leeyahay!’’ Markanna: “in awoodaha Kiristaanka ah ee uu Samatabixiyahagu hagaa, ay noo soo celin doonaan xuduudahayaga badda… xaddi kasta, xataa qayb yar oo ka mid ah.” Balse awoodahan ma hago Ciise Masiix, Samatabixiyuhu. Awoodahan waxa haga danahooda gumaysi. ‘‘Adeegso dekedda Jabuuti’’ taasi ma waxa keliya ee ay walaalahan Kiristaanka ah huri karaan baa? (In kasta) oo uu sariirtii dhimashada ka soo diray dhambaal: “Haddii Eebbe i siiyo tamar, waxaan dib u aasaasi doonaa xuduudihii duugga ahaa ee Itoobiya, kuwaas oo gaadhayay Khartuum iyo illaa harada Nayaansa, iyada oo uu dhammaan dhulka Gaalluhu soo hoos galayo.”[26]

Waxa jiro weydiimo kale oo yaab leh, oo ka dhalanaya kas la’aanta iyo sheegashooyinka qaldan ee uu soo bandhigay. Meelo kale ayuu ku xusay warqaddiisan baahday, markii uu qeexayay xuduudaha Itoobiya: Arafle, Harada Sanbuura, Webiyada Mareb iyo Arated, Webiyada Atabar iyo Setet, Khartuum, Harada Nayaansa. Waxa laga yaabaa inay haysay qandhada sare ee dhulbalaadhsidoonka Itoobiya. Eebbe, hasayeeshee, muu siinniin tamartii uu ugu duuli lahaa Khartuum, caasimadda Jamhuuriyadda Suudaan.; balse wuxuu ku duulay oo uu qabsaday qayb weyn oo ka mid ah Geeska Afrika, oo uu ku jiro gobolka Soomaalida ee Herer. Arrimuhuna sidaas ayay ku nagaadeen laga soo bilaabo dhimashadii Minilik ilaa masraxa siyaasadda uu yimi Imbiraadoor Xayle Salaase.

Qaybta 7aad

Xayle Salaase wuxuu muujiyay inuu awood u leeyahay inuu xuurteeyo dhacdooyinka siyaasadda, iyo inuu ku dheelo miiska diblomaasiyadda caalamka. Markaynu la kulanno 1948, waxaynu maqlaynaa isaga oo waraaqdiisa u gudbinaya Qaramada Midoobay, oo ku leh:

“Intaanay soo bixin awoodaha Yurub, ee aanay kala qaybinnin Afrika, Itoobiya waxay lahayd xeeb balaadhan, oo dhereran Badda Cas illaa badweynta Hindiya. Keliya waxay ahayd 15-kii sanno ee ugu danbeeyay qarnigii 19aad markii Itoobiya laga xarrimay gaadhista badda markii ay weyday Soomaaliland iyo Ereteriya. Tallaabadii koowaad ee tan horseedday waxay ahayd markii uu Talyaanigu qabsaday Masawac 1885. Taasna waxa ku xigay in sida oo kale la qabsaday Banaadir iyo deegaannada Soomaaliland sida oo kale, iyada oo la galay taxane heshiisyo ah oo Itoobiya khuseeyay balse aan laga la tashan iyada. Duruufahan oo taagan ayaa la galay heshiisyada sannadihii 1880, 1890, 1891, 1895.” [27].

Waa dhab inay reer Suudaan iyo dawladaha ku hareeraysan Harada Nayaansa ku qaabileen warkaas si nafisaad ah: waayo Xayle Salaase wuxuu meesha ka saaray doonistii Itoobiya ee Khartuum, Harada Nayaansa iyo Harada Sambuura; balse Soomaalidu may soo dhowayn. Wuxuu fartiisa si toos ah u dulsaaray Banaadir, kadibna xeebaha Badda Cas ee Biritish Soomaaliland, iyo xeebta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya, iyo Ereteriya.

Ma waxay ahayd qarniyadii 14aad/15aad markii Itoobiya laga xidhay marinadii Badda Cas iyo Badweynta Hindiya (sida ku cad dhambaalkii Minilik, Miniligii 1891)? Mise waxa laga xayiray 15-kii sanno ee ugu danbeeyay qarnigii 19aad (sida uu sheegay Xayle Salaase)? Maaddaama oo ay Qaramada Midoobay tahay madal “bilaa diin ah”, Imbiraadoor Xayle Salaase si maangal ah ayuu uga tegay halhayskii ahaa Kiristan/Samatabixiye kaas oo uu aad u adeegsaday Minilik. Waxa sidii waran maskaxdayda ku taagan sababta ay ugu qarwaan madaxda Itoobiya (ha gashanaadaan shaadhka Shawa, ama Tigreega ama Xabashida e) cunsurka biyaha, kaas oo ay helistiisu keenayso kor-u-kaca iyo hoos-u-dhaca muudhka qofka.

Waxaan soo jeedinayaa inaynu sidan u habayno:

(1) Minilik: a) Marin tegaya xeebta Saylac, Tojoorra iyo Cadan; b) Haddii aanan dhanka badda ka qabsannin Tojoorra, way ii fududahay inaan barriga ka qabsado dekedda. …, c) Berigii hore xuduudaha Itoobiya waxay ahaayeen badda. …, d) Xuduudahayaga dhaca xeebta-badda. …; e) … noo soo celiya xuudahayagii-badda; f) Waxaan dib u aasaasayaa xuduudihii duugga ahaa ee Itoobiya ee illaa Khartuum (Niilka) kuwaas oo gaarayay illaa Harada Nayaansa … ;

Waa in la xuso magacyada goobaha ee odhaahaha sare ku jira: waa magaalo xeebta ku taalla, waa magaca webi, magaca haro, ama deegaanno muhiim ah oo istaraateji ah.

(2) Yooxaanes/Weldu: a) Waxaan doonayaa Masawac; b) Beelaha sanam-caabudka ah ee xeebta deggan. ..; c) Waxaanu doonaynaa inaad qaadato Masawac… ; d) … Gargaarka Yurub ee soo maraya Masawac …; e) … Waxaan doonayaa deegaan badeed, ee ma rabo adeegsi keliya. ..; f) … Muslimiinta deggan xeebta Badda Cas.

(3) Xayle Salaase: a) Xuduudaha Itoobiya waxay dherersan yihiin xeebaha Badda Cas illaa Badweynta Hindiya; b) Itoobiya waxa laga xayiray marinka badda markii ay weyday Soomaaliland iyo Ereteriya! c) Benadir (xeebta Soomaaliya); d) Masawac.

Waxa laga yaabaa in mid ka mid ah ardaydii Freud uu baadho waxyaabaha dhiirrigelinaya qarawgan biyaha, ee ay qabaan madaxda Itoobiya, ee baraad la’aanta ah.

Qaybta 8aad

Ereteriya ama xeebta Benaadir, Itoobiya waxay u hammuun qabtaa xeeb kasta, ha noqoto xeebta Soomaalida, ta Ereteriya, Harada Nayaansa (Fiktooriya) ama Niilka. Ragga iyo xukuumaduhu ha isbeddelaan, dalabaadku ha isbeddelaan, si kasta sheegashooyinku ha isu-buriyaan, si kastana taariikha la sheegayaa yaanay u sugnaannin, balse Itoobiya waxay u baahan tahay xeeb, iyo dhul-balaadhsi biyood. Hungo ayay ku dhammaadeen ballanqaadyadii kala danbeeyay. Wax horumar ah laga ma gaadhin wadahadaladii kala danbeeyay. Wax deked ah lama helin. Itoobiya lafteeda ayaa ku dhacday gacanta gumaysigii Talyaaniga.

Waxaynu joognaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Talyaaniguna waa dhinacii khasaaray. Xayle Salaase wuxuu dalbaday gargaarka Biritan, taas oo ay Ciidamadeeda Boqortooyada ee Cirku ay ku soo daadinayeen waraaqo borobagaando ah mustacmaradihii Talyaaniga. Waxaynu akhriyaynaa:

“Dadka Ereteriya iyo dadka Benaadiroow! Waxa la idinka soocay hooyadiin Itoobiya, waxaana la idin hoos geliyay cagta cadawga, welina waxaad ku jirtaan cagta cadawga hoosteeda.

Waxaan u taaganahay inaan soo celiyo madaxbannaanida dalkayga, kaas oo ay ku jiraan Ereteriya iyo Benaadir, kuwaas oo shacabkooodu wixii hadda ka danbeeya uu hoos hadhsan doono calanka Itoobiya.

Halganka kuma nihin keli, mana nihin bilaa hub. Waxaanu haysannaa hiilka Biridaaniyada Weyn, sidaa darteed, waxaan idiinku baaqayaa inaad ka hoosbaxdaan addoonimada shisheeyaha…

Ciidamada Ereteriya ee ku jira safka Talyaanigoow, hal xabbad ah ha ku ganina Biridaaniya oo u timi inay ina caawiso.” [28]

Waa sheegashooyin waaweyn. Soomaaliya oo qayb ka ah Itoobiya, goorma? Goorma ayay Benaadir ka mid noqotay Xabashida? Sida ku cad filashooyinka Xayle Salaase ee odhaahda sare ku xusan, iyo ogaysiiska Xayle Salaase ee dhambaallada uu qaybiyay Ciidanka Boqortooyada Cirku, waxaynu ka ogaanaynaa inay Biridaaniya si toos ah ugu luglahayd, oo ay ciidankeedu u yimaaddeen inay ka caawiyaan sidii loo soo celin lahaa madaxbannaanida dalkiisa. Halganka kuma nihin keli, mana nihin bilaa hub. Waxaanu haysannaa hiilka Biridaaniyada Weyn.

Markii uu dagaalku dhammaday, si kastaba ha ahaatee, Biritan waxay noqotay Maamul-ku-simaha mustacmaradihii hore ee Talyaaniga, kuwaas ay oo ku jiraan Soomaaliland Talyaani, Ogaadeen, Soomaaliland Biritan (haddana ah Soomaaliland Kiiniya) iyo Ereteriya. Xilligan waxa jira hadallo ku saabsan in dhammaan Soomaalida lagu mideeyo calan keliya. Taasi markii ay fashilantay, Qaramada Midoobay waxay isku raacday in Soomaaliland Talyaani-dii hore iyo Ereteriya la hoosgeeyo wisaayada Qaramada Midoobay. Aragtidaasi sina umay raalligelin Xayle Salaase. Harraadkii ay Itoobiya u qabtay Badda Cas iyo badweynta Hindiya, iyo hammuuntii ay Itoobiya u qabtay xeebta labaduba way taagan yihiin.

Imbiraadoor Xayle Salaase waraysi wuxuu ku sheegay inay waajib tahay Ereteriya in la siiyo Itoobiya. [29] xusuusnow waxay kuwii ka horreeyay yidhaahdeen. Xusuusnow hadalka kor lagu soo xigtay. Hadda waa Ereteriya, gadaalna waa Benaadir. Balse maxaa dhacaya haddii aan Ereteriya la siinnin Itoobiya? Ereteriya iyo Soomaaliya midkoodna ma noqonayo maamullo gaar u taagan (sida uu qabo Imbiraadoorku). [30] Ku sii dar, haddii aan labadoodaba la siinayn dalkiisa…

Itoobiya waxay ku qasbanaan doontaa si ay nafteeda u ilaaliso, inay ku dhisato ciidan lacag ay ugu talagelilahayd horumarinta bulshooyinka Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliland. [31]

Ugu danbayn, Imbiraadoor Xayle Salaase wuxuu beddelay dalabaadkii dalkiisa. Ereteriya waxay noqonaysaa Wisaayad hoostagta Qaramada Midoobay, maamulka dalkana waxa xilkiisa qaadaysa Itoobiya. Soomaaliyana waxa la hoosgeeyay Wisaayada Talyaaniga ee Qaramada Midoobay. Xilligaas waxa dhacay federaal ku-meel-gaadh ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya. Kadibna 1962 waxa dhacay ku-soo-biiristii Ereteriya, sidaas ayaanay Itoobiya ku hantiday dekadihii Masawac, Casab iyo qaar kale.

Qaramada Midoobay oo aan ku tilmaamayo urur “munaafaqad nidaamsan ah” ayaa ka codeeyay inuu sidaas sameeyo. Xilligaasna, xukuumadda Xayle Salaase waxay si faahfaahsan u diraasaysay jidadka ugu habboon ee ay Jabuuti ku soo xeragelin karto. Tani waa taariikh qoyan.

Qaybta 9aad

Mingiste ayaa shirjaraa’id dhowaan ku yidhi: “Itoobiya way difaaci doontaa marin kasta oo ay Badda Cas u marayso, xataa haddii ay noqoto baddani mid ku sii casaata dhiigga Itoobiyaanka.” [33]

Dagaalku wuu sii socdaa, waa dagaalka xeebta e. Waa dagaal bilaabmay qarniyo kahor. Mingiste heshiis nabadeed miyuu la geli doonaa Soomaalida iyo Ereteriyaanka kuwaas oo maamula xeebta? Mise wuxuu noqon doonaa mid foojari ah, oo wuxuu raaci doonaa raadadkii Sebagis (“Waxaanu doonaynaa inaad dekedda Masawac ka soo qaaddo Turkida oo aad annaga na siiso”), Yooxaanes (“Ma rabo inaan gole ku yeesho Masawac, ee Masawac lafteeda ayaan rabaa”). Minilik (“Hadduu Eebbe i siiyo tamar, waxaan dib u aasaasi doonaa xuduudaha Itoobiya ee Khartuum illaa Harada Nayaansa Fiktooriya …”; ama “Haddii aanan Tojoorra ka qabsannin dhanka badda, way ii fududahay inaad dhanka barriga ka qabsado dekedda …”) ama Xayle Salaase(waxa na laga xayiray “marinka badda markii aanu waynay Soomaaliland iyo Ereteriya”). Taariikhdu, waxay yiraahdeen, way isa soo celcelisaa. Anigu waxaan qabaa isma soo celceliso, balse innaga ayaa foojari ah.

Mingiste muxuu ka codsan doonaa Ruushka iyo Kuubba inay qabsadaan dekadaha Saylac iyo Berbera, oo ay iyagu iska haystaan ama ay Itoobiya siiyaan? Way cadday inuu Ruushku doonayo inuu mar labaad maamulo dekedda Berbera.

Kalkan dagaalku wuu sii soconayaa, adduunkuna wuxuu u fiirinayaa si lur la’aan  ah oo weyn.

_______________________________

Tixraacyo

[1] Ken Kesey. Sometimes a Great Notion, (London: Penguin,1977). Nuuradiin Faarax waa noofaliiste deggan Rooma, Talyaaniga.

[2] F .0. 407/11 Menelik, December 1878. Cited in Richard Pankhurst. Economic History of Ethiopia, (Addis Ababa: Haile Sellassie University, 1968), pp. 101-2.

[3] Foreign Office Handbook (British Somaliland 1920) p.20.

[4] Cfr Robert L. Hess, Italian Colonialismin Somalia, Chicago: University of Chicago Press, 1966, pp. 6—12

[5] Cfr Thompson & Adloff, Djibouti & the Horn of Africa, Stanford: Stanford University Press (1968) pp. 3-11

[6] F. O. 407/11 Menelik. See Pankhurst, op.cit. p. 101. Qoraalkan dib ayuu qoraagu u qoray, si uu uga fogaado hadaltirada iyo celceliska.

[7] Sven Rubenson, Survival of Ethiopia’s Independence (Heinemann1976).

[8] Ibid Also text given p. 314 reads: “We hope you will take the port Massowen and give it up to us or keep it in Your Majesty’s possession. See below, No. J9.

[9] Ibid., passim pp. 335-39.

[10]  Danaha awoodaha Yurub ee ah inay haystaan xeelliga xeebaha ay qabsadeen marar badan way isdhaafayeen, mararka qaarkoodna waxay isu qaabilayeen sida jidadka guryaha ee magaalooyinka waaweyn. Waxa la siinayaa Minilik, Yooxaanes iyo Tewodres safar baabuur ah oo ay ku tagaan istaan cayiman, kadibna dhexda ayaa lagu dejinayaa. Waxa loo ogolaanagaa adeegsiga dekedaha iyo in hubka laga iibiyo, balse inta aanu baabuurku gaarin dhulka xeebta, wuu istaagayaa baabuurku, waana laga dejinayaa.

[11] Rubenson,  ap.cit. pp. 345-46.

[12] Enid Starkie, Arthur Rimbaudin Abyssinia (1937), p. 48 (cited in Somali Peninsula,

Mogadiscio 1962, p.23).

[13] Ibid., p. 107, source same as above, Somali Peninsula, p. 26

[14] Ibid., p.91, vide Somali Peninsula.

[15] Ibid., pp. 108-9, vide Somali Peninsula p. 26

[16]  Silberman, L., Cahiers Etude Africaine Vol. II (1961), p. 55, Wuxuu ku saabsan yahay inuu Talyaanigu ka mabnuucay Soomaalida inay is-hubeeeyaan si ay isaga difaacaan duullaankii Xabashida. Also see Red Sea Papers: Indian Office to Foreign Office No. 16, of 1893 Biridaaniya oo iyaduna ka mabnuucday Soomaalida inay is hubeeeyaan. Xabashidii way soo duuleen, waxbay dhaceen, wax bay kufsadeen, kadibna way iska laabteen. Soomaaliduna waxay ahaayeen bilaa hub illaa intii uu ka imanayay dagaalyahankii Soomaaliyeed ee Sayyid Maxamed, toban sanno ama wax u dhow kadib. Miyaanay ahayn isdiiddo taariikheed inay maanta Soomaaliya weli tahay hub la’aan, halka Itoobiya loo hubeeyay si dhammaystiran?

[17] “Hubka waa daahfurka kaliya ee reer Yurub, ee ay sida xiisaha leh uga faa’idaysteen,” Minilik iyo boqorradii kale ee Xabashidu, sida uu qabo Christopher Clapham, Haile Sellassie’s Government, London: Longman, 1969. … Isaga oo ka warqaba dheefta qoryaha, wuxuu soo dhoofsaday tiro aad u badan, oo uu ka soo qaatay Faransiiskii joogay gacanka Tojoorra, iyo Talyaaniga, kuwaas oo u arkayay inuu noqon karo gaashaanbur ka dhan ah Yooxaanes.
 (See Clapham, op. cit. p. 13). Worth studying also is Richard Pankhurst in particular his chapter on the importation of arms etcetra, ap.cit., note no.2.

[18] W. Winstantly, A visit to Abyssinia: An Account of Travelin Modern Abyssinia (London  1888) quoted in Rubenson op. cit., p. 341.

[19] F .O. 95/379 No. 297, Yohannis to Victoria, May 2, 1879. Isla xilligan markii ay wada-hadalladu u socdeen Gordon, waxaynu ogaanay inuu Raas Aluula, oo ahaa jeneraalkii ugu mudnaa ciidanka Yooxaanes, uu go’aansaday “qabsashada Masawac.” Waxa la soo weriyay inuu yiri, ma soo laabanayo “illaa an faraskayga ka soo waraabiyo Badda Cas.” Vide Rubenson op .cit., p, 342.) Munaasibad kalena Yooxaanes ayaa Gordon ku yiri: “Saw nabad ma doonaysid?” Sidaa uu hadalka u dhigay. “Waa hagaag, ee waxaan doonayaa inaan la soo noqdo Metemma, Jangala, Bogos, in la iiga tanaasulo dekedaha Saylac iyo Amfiila, iyo Abuna iyo qaddar lacag ah oo dhan hal illaa milyan jinayh.”G. Birkbeck Hill, Colonel Gordon in Central Africa 1874-1879. p. 411-cited in David Mathew, Ethiopia, Greenwood Press, 1947, p. 213. Waraysi kale oo lala yeeshay Tewodros, boqorkii Xabashida 1849, qunsul Plowden ayaa “u saray inay suurtagal tahay in la siiyo xeebta iyo dekedda Masawac” …. “Iyo inay labada dal (Xabashida iyo Biridaaniya) ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu so dhowaan lahaayeen, una samayn lahaayeen jidad furan oo nabdoon oo u dhexeeya xeebta iyo Xabashida”.

[20] Charles Beke, TheBritishCaptivesinAbyssinia(Longman”1867),p.276.

[21] Rosetti, Stllria Diplomatica deU’Etiopia (Torino, 1910). p.18.

[22] F.O.1/32 Abyssinia Diplomatic Correspondence. Cited in Somali Peninsula op.cit.

[23] Cfr Trimingham, Islam in Ethiopia (1952); also l. M. Lewis, Pastrol Democracy (London 1961). Buuggani wuxuu faahfaahin ka bixinayaa Herertii qarnigii 16aad, taas oo ahayd caasimadda Saldanaddii Muslimiinta ee Adal, taas oo ay mar Saylac ahayd caasimaddeeda.

[24] F.O.1/32 op.cit.

[25] Ibid.

[26] Ibid.

[27] I.W.B. of  October 20, 1948, para 15.

[28] Sylvia & Richard Pankhurst, Ethiopia & Eritrea, Essex: Lalibela House. 1953, p. 23. Qoraallada Richard Pankhurst waxay u qoran yihiin hab cilmi ah oo akademiya, balse qoraallada Sylvia Pankhurst waa borobagaando. Markay ka hadlaysa tusaale ahaa Soomaaliland tii Talyaaniga, iyada oo aan tixgelinin cilmibaaris iyo taariikh toona, ayay ku doodday dacwaddii dhulbalaarsiga Itoobiya.

[29] Ibid., p .124. Waaqic ahaan, cadaadisyada Imbiraadoor Xayle Salaase, ee ah inuu helo marin badeen, mararka qaarkood waxay ahaayeen kuwo aan munaasib ahayn. Xilliigii ay Jimciyadda Guud ee Qaramada Midoobay u u fadhiyeen faaqidaadda qadiyadaha aqoonsiga Soomaaliya iyo Ereteriya, “waxay sameeyeen kiniisadaha Kaatoligga Roommanka ee xaafadaha madowgu, inay bannaanbax ka sameeyaan oo ay ugu baaqaan xubnahooda madowga ah inay adeegsadaan awooddiida si ay Boobka ugu qasbaan inuu u doono dekado badeed Itoobiya.” Sylvia and Richard Pankhurst op. cit. p. 218.

[30] Sylvia and Richard Pankhurst, op. cit., p. 124.

[31] Ibid, p. 124.

[32] My apologies to Disraeli who originally used the phrase when referring to Conservative government pastiches.

[33]Carriera della Sera (Edizione Romana), February 20, 1978.