U bood dhigaalka

Sooyaal: Taariikhnololeedka Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle)

Oktoobar 10, 2026

Maanta oo kale, 10kii Oktoobar 2010kii, waxaa dunida ka tegay, Alle ha u naxariistee, abwaan Abshir Nuur Faarax, oo ku magacdheeraa Abshir-Bacadle, oo ahaa suugaanyahan, samafale iyo xaqudirir. Qormadan kooban waxaan ku qaadaadhigi doonnaa qaybo ka mid ah sooyaalkiisii nololeed iyo suugaantiisa dhaxalgalka ah.

Dhalashadiisii iyo Barbaariddiisi

Aabbe Abshir wuxuu ku dhashay baadiyaha Gaalkacyo sannadkii 1946kii, isaga oo aabbihii ku maqan yahay safar ganacsi oo dhulka ah. Laba bilood kaddib dhalashadiisii ayaa awoowe loo sheegay in wiil u dhashay. Halkaas ayuu ka yiri: “Waa Abshir”, isaga oo ula jeeday in loogu bishaareeyay war wanaagsan oo farxad leh. Sidaas ayuu Aabbe magaca “Abshir” kula baxay. Hasayeeshee, awoowe Nuur Faarax, Alle ha u naxariistee, nasiib uma yeelan inuu arko wiilkiisa Abshir, waayo, intii uu safarkaas ku jiray ayaa loo dilay aano qabiil. Sida Aabbe Abshir ku sheegay gabaygii uu aabbihiis ugu duceeyay, wuxuu yiri:

“Anoo dharabta jiifaa la yiri dhimay adoogaaye

Dhudhunkayga goortuu alluhu igu dhaqaaleeyey

Waataan dhismaha jaarigaa dhidibbadow aasay

Oo waataan xajkiisii dhigoo duco u dheereeyey

Dhismo khayr leh goortaan arkaan dhagax u saaraaye

Oo goortaan wejiga dhigo ducaan dhag uga siiyaaye

Ilaahow u dhaaftaan Kacbada uga dhawaaqaayay

Waatay ilmada iga dhacdaa dhabannaday qoysay

Waxaan dhiibay iyo ducaba wuu dhuran adoogeeye

Inshaa Allaahu way soo dhunkaday ducana soo dhiibye.”

Geeridii aabbihiis Nuur kaddib, Aabbe iyo reerkiisii waxay u soo guureen magaalada Mustaxiil, oo ka tirsan Godeey, Soomaali Galbeed. Halkaas ayay degaan beeraley ah ku lahaayeen reer abtiyaasha hooyadiis. Si gaar ah, waxaa aabbe iyo qoyskiisa Mustaxiil aad ugu soo dhoweeyay abtigiis labaad, Axmed Cilmi Geeddi (Urufey).

Halkaas ayay qoyskoodu ku noqdeen beeraley iyo xooladhaqato. Aabbe Abshir halkaas ayuu ku soo barbaaray, kuna bilaabay dugsigiisii Qur’aanka. Waxaa gacanta ku haysay oo ku soo dadaashay hooyadii, ayeeyo Xaawo Faarax Geeddi.

Waxbarashadiisii

Aabbe Abshir waxbarashadiisa wuxuu ka bilaabay dugsi Qur’aan, sida caadada u ahayd bulshada Soomaaliyeed. Qur’aanka waxaa u dhigay macallimiin dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen Macallin Ibraahin, Macallin Cumar Libaax iyo Macallin Abuukar Macoow.

Intaas kaddib, wuxuu u gudbay tacliinta inteeda kale; wuxuu raacan jiray kutubta laga akhriyo masaajidda, wuxuuna si gaar ah u sii baran jiray fiqiga Shaaficiga. Sidoo kale, wuxuu ahaa mu’addin masjid, codkiisana aad ayay dadku ula jeclaan jireen. Dadkii degaankiisa xilligaas waxay ugu yeeri jireen “Sheekh Abshir”. 

Sidoo kale, wuxuu xiriir la lahaa Sheekh Nuuraddiin Cali Axmed, oo uu ka bartay tafsiirka Qur’aanka iyo cilmiga tawxiidka, oo uu sheekhu caan ku ahaa.

Soogeliddiisii Muqdisho iyo Bilowgii Ganacsigiisii

Intii Aabbe iyo qoyskiisu joogeen Mustaxiil, waxay lahaayeen beer iyo lo’ ay ka soo saaran jireen nololmaalmeedkooda. Xilligaas waxaa Aabbe shaqo looga dhigi jiray inuu beerta ka ilaaliyo haadda duulaysa iyo xayawaanka. Aad ayuu hawshaas u dhibsan jiray. Isaga oo ka daalay hawshaas ayuu yiri:

“Abidkay aabbahay ma arag beer anfacadeede

Anna saan u dhowrahayay bay indhihii i dhaceene

Hurda kama dhargoo maalintii hoos ma jiifsade

Sidii boon halgaantay unbaa hiiradii kiciye

Sidii tuug wax soo xaday unbaa sii xaduur tamiye

Allahayoow cadkaas mar iga goo” uma gaddoomeene.”

Intaas kaddib, Aabbe hooyadiis waxa ay geysay magaalada Beledweyne, halkaas oo uu muddo joogay. Dabadeed, ayeeyo waxay u iibisay dibi reerku lahaa. Lacagtii dibiga lagu iibiyay ayaa safarkiisii Muqdisho loogu soo anbabixiyay, intii hartayna guntiga ayaa loogu soo guntay.

Safarkaas waxaa Aabbe soo wehliyay niman ay isku hayb ahaayeen, oo iyaguna ka mid ahaa dadkii u socday Muqdisho. Ayeeyo Xaawo ayaa nimankaas kula soo dardaarantay.

Ugu danbayn, Aabbe wuxuu Muqdisho soo gaaray horraantii 1964kii, halkaas oo uu ka bilaabay ganacsiga xorta ah, gaar ahaan ganacsiyada yaryar.

Xilligaas, Aabbe wuxuu ka bilaabay shaqooyin yaryar oo kala duwan, kaddibna wuxuu u gudbay ganacsiyo kale. Intii uu ku guda jiray ganacsiyadaas, Aabbe mar walba noloshiisa wuxuu ku xiriirin jiray Ilaahay, ducana wuu isku dhuldhigi jiray si uu u weydiisto waxa uu doonayo.

Mar uu muddo suuqa ku jiray, Aabbe wuxuu tiriyay gabay gaaban oo uu Alle kaga baryayay inuu u barakeeyo ganacsigiisii yaraa. Wuxuu yiri:

“Ilaahayoow adaa qaaddiroo  qaniya oo weyne

Adigaa risiqa qaybiyoo qaarba meel dhigo e

Nin qaboow ku helay iyo nimaa qaxar ku siisaaba

Qasnadaada adiguunan jirin ruux ku qadayaaye

Ilaahayow intaad ii qortaye aniga ii qaybtay

Ilaahayow qabow iigu sahal qaadir baa tahaye!”

Muddadaas kaddib, ganacsigii Aabbe marba marka ka dambaysa horumar ayuu samaynayay, ilaa uu noqday ganacsade magac ku leh bulshada uu ku dhex noolaa.

Markii Ilaahay garabqabtay ee noloshiisu u hagaagtay, Aabbe wuxuu magaalada keenay qoyskiisii oo dhan iyo inta badan qaraabadiisii, si ay magaalada wax uga qabsadaan. Wuxuu u noqday garab buuxa, xoolo iyo xoogna wuu ku caawiyay. Qaarkood ganacsi ayuu u furay, kuwo kalana reer ayuu u dhisay.

Naanaysta “Bacadle”

Sababta ay ugu baxday naanaysta “Bacadle” ayaa ahayd in uu ganacsade ahaa. Markii ganacsigiisu sare u kacay, wuxuu sii ballaariyay bacadlayntiisa, wuxuuna wax ku iibin jiray suuqa bacadlaha ee Xamarweyne. Sababtaas darteed ayay dadkii suuqu ugu magacdareen “Bacadle”.

Aabbe wuxuu ka mid ahaa hal-abuurkii, abwaannadii iyo waddaniyiintii waaweynaa ee ay Soomaaliya soo maray qarnigii 20aad. Sidoo kale, waxaa aad loogu yaqaannay kaalmaynta danyarta. Magaca Aabbe Abshir iyo maansooyinkiisuba waxay si weyn ugu dhex lammaanyihiin sooyaalka suugaanta iyo halgankii bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii kalaguurka iyo marxaladihii adkaa ee dalku soo maray.

Sidoo kale, wuxuu ahaa gabyaa gabayga guuroow ka asli karay; maansayahan geeraarka, jiiftada, shiribka iyo badaha kale ee maansada hadba dhankii uu doono dhaanka u rari karay. Wuxuu ahaa wadaad faafinta iyo difaaca diinta u huray wax kasta oo uu karay, Waaxidkana, waa Ilaahay SWT e, wax weydiisasho, wanaag iyo wacnaantaba u keli yeelay.

Bilowgii Curinta Suugaantiisa

Aabbe Abshir wuxuu ka soo jeeday reer caan ku ah suugaanta, gaar ahaan gabayga. Isagu wuxuu gabayga bilaabay yaraantiisii, isaga oo iskudayi jiray inuu curiyo tixo gaagaaban. Sannadkii 1977kii ayuu si toos ah u bilaabay curinta gabay dhaxalgal ah, markii uu u dhashay wiilkiisii curadka ahaa ee “Nuuraddiin”, oo uu ugu magacdaray sheekhiisii Sheekh Nuuraddiin, ee tafsiirka u soo dhigay.

Wuxuu u tiriyay gabay uu ugu magac daray “Dardaaran”. Hasayeeshee, Aabbe kama mid ahayn dadka si fudud u curiya gabayga; waxay ku qaadan jirtay waqti inuu curiyo gabay qiimo leh oo dhaxalgal ah.

Inta badan gabayadiisu waxay xoogga saari jireen diinta, gaar ahaan tawxiidka. Gabayada qaarkood wuxuu si xikmad leh ugu cabbiri jiray aayadaha Qur’aanka iyo axaadiista, isaga oo dadka ugu soo gudbin jiray si fudud oo la fahmi karo. Sidoo kale, gabayadiisu waxay xoogga saari jireen arrimaha bulshada, waddaniyadda iyo xaqudirirka.

Gabayadiisa qaarkood, Aabbe wuxuu ku hadli jiray afka dadka masaakiinta ah ee dhibban ama dadka aan codkooda meel sare gaarsiin karin, isaga oo u doodi jiray xuquuqdooda. Inta badan gabayadiisu waxay ka hadli jireen waaqica taagnaa.

Sidoo kale, gabayadiisa wuxuu si toos ah ula hadli jiray suufiyada iyo dadka qubuuraha barya,isaga oo u iftiimin jiray xaqa una sheegayay tawxiidka iyo dariiqa toosan.

Inta badan gabayadiisa wuxuu ku duubi jiray cajalado; qaarkoodna waxay ahaan jireen kuwo qoran oo keliya, oo uusan ku luuqayn. Wuxuu lahaa luuq/siiq kala duwan oo uu gabayada ku qaadi jiray, hal luuqna kuma koobnayn.

Qaar ka mid ah gabayadiisa aadka loo yaqaanno waxaa ka mid ah:

  • Gabayga “Qaadow Adigaa Leh”

  • Gabayga “Qabyaaladda”

  • Gabayga “Maxamadow Qaado Taladayda” (Guurka)

  • Gabayga “Towxiidka”

  • Gabayga “Maxkamadihii”

  • Gabayga “Dib-u-heshiisiin”

Inta badan gabayada Aabbe waxaa laga heli karaa buugga “Diiwaankii Abwaan Abshir Bacadle” ee uu qoray qoraa, Dr. Maxamed Xuseen Macallin.

Samafale: Caawintiisii Masaakiinta iyo Dhaleecayntii Bulshada

Aabbe wuxuu ahaa qof ay bulshadu aad ugu taqaannay kaalmaynta masaakiinta iyo deeqsinnimada; wuxuu dadka siin jiray wax ka badan intii ay filayeen. Dadka wuxuu ku caawin jiray, wixii Alle siiyay. Inta aan ka xasuusto carruurnimadaydii, waxaan arki jiray in maalinta Ciidda, salaadda kaddib, dad masaakiin ahi guriga buuxdhaafin jireen ilaa bannaanka, iyaga oo safaf ku jira. Kaddib wuxuu u qaybin jiray lacago gaaraya 50 kun oo shilin Soomaali ah oo isku xiran. Sidoo kale, waxaa jiray lacago ay u soo dhiibi jireen dad dalka ka maqan, iyaga oo doonaya in loo saddaqeeyo. Lacagahaasna Aabbe wuxuu gaarsiin jiray dadkii danyarta ahaa ee tabaalaysnaa.

Dabeecadaha Aabbe waxaa ka mid ahaa in galbaha qaarkood, marka uu soo carraabayo, uu suuqa soo eegi jiray wixii ka haray dadka ganacsiyada yaryar leh, si uu uga soo wada iibsado haraaga. Hadday ahayd hooyo alaabtii ay iibinaysay ku baartay, ama nin aan ilaa saaka waxba laga iibsan, xataa haddii ay ahaayeen wax uusan gurigu u baahnayn, wuu soo iibsan jiray.

Waxbixintiisii badnayd iyo gacanfurnaantiisii, waagii danbe, waxay Aabbe ku noqdeen wax lagu dhaleeceeyo, kaddib markii ganacsigiisu hoos u dhacay. Waxay ku yiraahdeen: “Nin dhiidhiibay dhaxal beel.” Hasayeeshee Aabbe weligiis wuxuu aaminsanaa in gacantii wax bixisaa ay wax ku soo galaan. Isagoo u jawaabaya dadkii dhalleecaynta u soo jeediyay, wuxuu yiri:

“Dhux-dhux been ahoo waxay maqleen laygu dhaawacaye

Dhanbaalay ku soo wada direen maynagaan dhihine

Nin dhiidhiibay dhaxal beelyey bey dhaar ku marayaane

Dhoolaha maroodiga xayiga loogu dhici waayay

Maantuu dhintaa kii helaa dhalaq ka siiyaaye

Taasaa u dhigan tiinna oon idin ku dheeraane

Dhoolaha ku muda lacagta yaan la’ idin dhaafsiine.

Markaan dhimanno kii laga manciyay sow ma dhici doono

Oo sow dhaxal uumaan helin waxay dhiibtay midigtaydu

Ha dhammaato waligeedna yay dhaqan carruurtaydu

Rabbi baan ku dhaafaye si wacan ha u dhaqaaleeyo

Anna waysu dhiibaye jannada hayga dhaxalsiiyo.”

Xabsiyadii iyo Xariggii uu Mutay 

Aabbe waxaa soo maray ilaa saddex xarig: laba xilligii Xukuumaddii Kacaankii Askarta ah iyo hal xarig oo Xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf ah. Mar kasta waxaa loo xiri jiray ku dhiirrashadiisii sheegidda xaqa iyo gabayadii uu tiriyay ee uu dawladda ku mucaaradi jiray. Hasayeeshee, xarigyadii uu soo maray kama hor-istaagin inuu xaqa ka hadlo. Wuxuu ahaa qof mawqif adag ku taagan, kuna adkaysta waxa uu aaminsanyahay.

Ka Qayb Ahaanshihii Midowgii Maxaakiimta iyo Diidmadii Fikirka al-Shabaab

Aabbe wuxuu ka mid ahaa dadkii aasaasay dawladdii Maxaakiimta ee jirtay lixdii bilood ee ay bulshadu ka mahdisay nabaddeedii. Wuxuu ahaa qofkii bixiyay lacagtii ugu horraysay ee lagu bilaabay shaqada Midowgii Maxaakiimta Islaamka.

Wuxuu ku taageeri jiray xoolihiisa, wuxuuna dadka ku dhiirrigelin jiray inay taageeraan Midowgii Maxaakiimta

Islaamiga ah. Maadaama uu ahaa qof ay dadku jeclaayeen, bulshadana xiriir badan la lahaa, wuxuu u sahlayay dawladda inay bulshada taageero ka hesho.

Wuxuu gabayo dhiirrigelin ah ka jeedin jiray Isgoyska Tarabuunka, oo xilligaas dadku isugu iman jireen, si ay u dhegaystaan gabayada Aabbe iyo hadaljeedinnadii Sheekh Shariif, oo xilligaas ka mid ahaa hoggaankii Midowgii Maxaakiimta.

Kaddib markii ay meesha ka baxeen Maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo ay ciidamadii Itoobiya dalka xoog ku soo galeen, bulshadu waxay weyday nabaddii ay haysatay. Waxaa dhacday in dadka la cabburiyo; ragga garka leh la xiro, dumarka xijaabka waaweyn iyo indhashareerka watana cabsi lagu abuuro.

Culayskii iyo dhibaatooyinkii ay bulshadu dareemaysay awgood, Aabbe wuxuu tiriyay maansadan oo uu ku cabbirayay dhibkii dadka haystay. Wuxuuna yiri:

“Markii cadowgi loo jabay,

Culimadina yaaceen,

Meydku waa cashara-dhaaf

Cishiriin haddow sigin,

Ama caga cageyneyn

Cawiyo berriba waa toban

Cayayaanka hoosiyo

Cadad ma leh isbaaradu,

Waa ceeryaamo tuugadu,

Dadkii waa cabburiyeen

Calaladay ka siibtaan,

Casirkii baan xaroonaa,

Caruurta iyo dumarkana

Cilallowga fiidnimo

Cajiin looma diri karo,

Waa loo cabsanayaa

Albaabkaan ku celinaa,

Cishaha looma bixi karo,

Maqribkaa ciriiriya,

Cidi ma gadato moobayl,

Cadowgiisii baa badan

Oo waa loo cabsnayaa,

Ciribtaanse leennahay

Nabadi waa cakirantahay,

Nin iyo cududi mooyee,

Cadli iyo garsoor ma leh,

Ciribtaanse leennahay.

Cisigi iyo sharaf ma leh,

Xukunkii caddaa ma leh,

Amnigii caam ahaa ma leh,

Nabadii cukaneyd ma leh,

Cosobki iyo ubax ma leh,

Cagaar iyo udgoon ma leh,

Saxansaxo cosoba ma leh

Culumadu nufuud ma leh,

Codkii Sheekh Shariif ma leh,

Oo iimaanka culi jiray,

Caqiidadana sixi jiray,

Asleynkana ku caanbaxay,

Shacabkana u ciiltiray,

Ciribtaanse leennahay;”

Burburkii Maxaakiimta Islaamka ah kaddib, waxaa aasaasmay kooxo kala duwan oo sheeganayay ururro diimeed. Waxaa magacdheeraa kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab, oo aan ah kuwo aan xanbaarsanayn caqiiddada saxda ah ee diinteenna. Xilligaas waxay bilaabeen inay dadka dilaan, iyaga oo ku tilmaamaya inay riddoobeen ama gaalaraac noqdeen. Waxay si gaar ah u beegsan jireen wariyayaasha iyo cid kasta oo ay uga shakiyaan inay nidaamka dawladnimada ku lug leeyihiin. Aabbe Abshir wuxuu ka mid ahaa dadkii sida adag uga soo horjeeday fikirkooda gurracan. Isaga oo idaacad waraysi siinaya ayuu yiri: “Diinta oo si qaldan kuu gashaa waxay ka daran tahay foolkaano qaraxday.”

Marar badan, waxaa jiray cabsi laga qabay in Aabbe la dilo, maaddaama uu subax kasta shaqo u aadi jiray ganacsigiisii ku yaallay Bakaaraha, halkaas oo ay ahayd saldhigga kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab.

Carruurtii uu Ifka uga Tegay

Aabbe wuxuu adduunka kaga tagay 30 iyo dhawr carruur ah. Wuxuu mar walba ku dadaali jiray in carruurtiisu bartaan culuumta diinta in ka badan waxbarashada maaddiga ah. Alle ha u naxariistee, wuxuu ahaa waalid aad u jecel carruurtiisa, aadna ugu naxariista. Dhaxalka ugu wanaagsan ee uu carruurtiisa uga tagay wuxuu ahaa inuu ku soo barbaariyay barashada culuunta diinta, gaar ahaan tawxiidka.

Geeridiisii

Aabbe Abshir wuxuu geeriyooday habeenkay ku beegnayd 10kii Oktoobar 2010kii, kaddib markii uu ku sii siyaaday xanuun wadnaha ka hayay oo uu muddo 15 maalmood ah la daalaadhacayay. Aabbe ma ahayn qof xanuunkiisa la jiifta, wuxuuse muujin jiray adkaysi badan. Subax kasta wuxuu aadi jiray shaqadiisa, casarka kaddibna, marka uu soo hoydo, salaadda Maqrib wuxuu ku tukan jiray masjidka xaafadda.

Maalinta uu geeriyoon doono, aroortii wuxuu aaday shaqadiisii sidii caadada u ahayd. Galabtii markii uu soo noqday, salaaddii Maqrib wuxuu ku tukaday masjidkii xaafadda, isaga oo xanuunsan. Balse salaaddii Cishaha ma uusan awoodin inuu masjidka aado, waayo xanuunkii ayaa ku sii kordhay. Waxay ahayd markii ugu horraysay ee uu xanuunkaas dartiis masjidka u tegi waayo, tan iyo markii uu xanuunku ku bilowday. Salaaddii Cishe kaddib, Aabbe wuxuu ku tukaday guriga. Saacado kaddibna, isagoo sariirtiisa dul jiifa ayuu geeriyooday.

Gabagabadii, suugaantii ay dadku geeridii Aabbe kaddib aadka u hadalhayeen, kuna xusuusanayeen, wuxuu ahaa geerasrkii uu kaga hadlay qabriga, kaas oo ahaa:

“Ilaahoow ixsaan badanow

Arxamu raaximiin la hubow

Ayaanta mowd i asiiboo

Ajashayda la gaaroo

Adduunyo aan ka aruuro

Ereyga iigu danbeeyoo

Afkaygu ow ku dhawaaqo

Uurkana aan ka jeclaado

Ikhlaasna aan u iraahdo

La aqbaloo la ajiibo

Laa ilaaha ilallaahu

Iyo udgoonoow Nebigeennii [SCW]

Allahayow igu aaddi

Argaggaxna iga ilaali.”

WQ: Caa’isha Abshir-Bacadle Nuur Faarax

Qore iyo Nashqadeeye