8dii Oktoobar 2020, waxaa magaalada Jigjiga ku geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Dr. Cali Khaliif Galaydh, oo ahaa aqoonyahan, dawladyaqaan iyo siyaasi Soomaaliyeed oo sooc ah. Sidoo kale, wuxuu ahaa Ra’iisalwasaarihii Dawladdii Kumeelgaarka ahayd, Wasiirkii Hore ee Warshadaha, bare jaamacadeed iyo hoggaamiyihii Maamulka SSCaKhaatumo (oo hadda ah Dawlgoboleedka Soomaaliyeed ee Waqooyibari).
Sooyaalkiisa nololeed wuxuu isaga kala gooshay marxalado badan oo muhiim u ahaa taariikhda Soomaaliya, sida: xilligii gobannimadu curdanka ahayd, dhismihii hay’adaha qaranka, mashaariicdii waaweynaa ee horumarinta iyo waxsoosaarka, taliskii militariga, noloshii qurbaha ee aqoonyahannada Soomaaliyeed, shirarkii dibuheshiisiinta, dibuyagleeliddii dawladnimada iyo halgankii siyaasadeed ee degaannada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Bilowgii Noloshiisa
Dr. Cali Khaliif Galaydh 15kii Oktoobar 1941kii ayuu ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Yaraantiisii, Galaydh, wuxuu ku qaatay waqooyiga Soomaaliya. Waxbarashadiisii hore kaddib wuxuu galay Dugsiga Sheekh, oo xilligaas ka mid ahaa goobihii ugu mudnaa ee lagu barbaariyay jiilkii loo diyaarinayay maamulka iyo hoggaaminta dawlad Soomaaliyeed oo dhalanaysay.
1962kii ayuu dhammaystay waxbarashadii Dugsiga sare ee Sheekh, dabadeedna waxbarasho jaamacadeed ayuu u aaday Maraykanka.
1965kii wuxuu Boston University ka qaatay shahaaddada heerka koowaad ee jaamacadda, isaga oo bartay cilmiga siyaasadda. Kaddib wuxuu waxbarashada sare ka sii watay Maxwell School of Citizenship and Public Affairs ee Syracuse University. Halkaas ayuu ku bartay maamulka dadweynaha iyo siyaasadda, kuna qaatay shahaadooyinka sare ee jaamacadda, ugu danbaynna heerka PhD.
Waxbarashadaasi waxay qayb weyn ka qaadatay garaad qaabayntiisa. Maamulka dawladda, siyaasadda guud iyo dhismaha hay’adaha ayaa noqday kuwo mar kasta dib uga muuqanayay hawlihiisii danbe.
Maamulkii dawladda iyo SIPA: Markii uu Soomaaliya ku soo noqday, Galaydh wuxuu ka shaqeeyay maamulka dawladda, waxaana muddadii danbe hawshiisu si gaar ah ugu xirantay Somali Institute of Public Administration — SIPA,Machadkii Maamulka Dadweynaha Soomaaliyeed.
Wuxuu ka shaqeeyay qaybaha tababbarka iyo cilmibaarista, dabadeedna wuxuu noqday Agaasimaha Guud ee machadka. Shaqadii SIPA waxay ka mid ahayd waayihii salka u dhigay khibraddiisa maamul. Machadku wuxuu ku hawlanaa tababbarka shaqaalaha dawladda, kobcinta aqoontooda iyo tayeynta maamulka hay’adaha.
Galaydh, sidaas awgeed, wuxuu ka muuqday oo foolaad u ahaa jiilkii aqoonyahannada ahaa ee rumaysnaa in dawladnimadu aysan ku koobnayn dhismaha hay’ado, ayse u baahantahay hawlkareen aqoon leh, hannaan maamul oo shaqaynaya iyo hay’ado leh karaan ay hawlahooda ku gutaan.
Warshaddii Sonkorta Jowhar: 1974kii ayaa loo dhiibay maamulka Warshaddii Sonkorta Jowhar, oo markaas ka mid ahayd xarumaha waxsoosaar ee ugu waaweynaa Soomaaliya. Halkaas ayuu Galaydh ka helay waaya-aragnimo ballaaran oo la xiriira maaraynta shaqaalaha, waxsoosaarka, maaliyadda iyo hawlgelinta warshad weyn. Khibraddaasi waxay u gogolxaaryay inuu ka qaybqaato mashruuc ka sii ballaarnaa oo xilligaas Soomaaliya laga hirgelinayey.
Mashruucii Sonkorta Jubba: Dabayaaqadii 1970meeyadii Galaydh, wuxuu noqday Guddoomiyaha Fulinta ee Mashruucii Sonkorta Jubba ee Mareerey. Mashruucaasi wuxuu ka mid ahaa mashaariicdii ugu waaweynaa ee warshadeed ee Soomaaliya ka socday. Waxaa loogu talaggalay kordhinta waxsoosaarka sonkorta, shaqa-abuurka iyo xoojinta awoodda waxsoosaar ee dhaqaalaha dalka.
Marka sooyaalkiisa dib loo raaco, waayahan waxaa mararka qaarkood hareeya siyaasaddii uu markii danbe ku caanbaxay. Hasayeeshee, Galaydhka siyaasiga waxaa ka horreeyay Galaydhkii maamulaha, qorsheeyaha iyo madaxii mashaariicda waaweyn ahaa.
Wasiirkii Warshadaha: 1980kii waxaa Cali Khaliif Galaydh loo magacaabay Wasiirka Warshadaha Soomaaliya. Xilkaasi wuxuu ku soo beegmay xilli ay dalka ka socdeen dadaallo lagu ballaarinayay warshadaha iyo waxsoosaarka gudaha, iyadoo dhinaca kalana ay soo kordhayeen culaysyo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed. Wuxuu xilkaas hayay ilaa 1982kii.
Khilaafkii siyaasadeed ee sii xoogaysanayay ayuu ugu danbayn dalka uga baxay, waxaana halkaas uga billaabmay cutub kale oo noloshiisa ah, oo aan ugu yeeri karno “waayihii qurbaha ee aqoonyahanka”.
Harvard iyo Cilmibaaristiisa: Markii uu Maraykanka ku noqday, Galaydh wuxuu ku biiray xarumo cilmibaariseed oo ka tirsan Harvard University, gaar ahaan kuwa ku hawlanaa arrimaha caalamiga ah iyo daraasaadka Bariga Dhexe. Wuxuu muddadaas ku foogganaa cilmibaaris la xiriira siyaasadda, colaadaha, maamulka iyo xaaladaha Afrika.
Dabayaaqadii 1980meeyadii, wuxuu, sidoo kale, lataliye u noqday hay’ado iyo shirkado kala duwan, oo ay ku jireen hay’ado horumarineed iyo kuwo caalami ah. 1989kii ayuu dib ugu noqday Syracuse University, halkaas oo uu sannado badan ka ahaa bare. Maamulka dadweynaha, xiriirka caalamiga ah iyo siyaasadda guud ayaa ka mid ahaa meelihii aqooneed ee uu ka shaqaynayay. Waxaa caadyaal ah in uu isaga kala gudbay laba aafaaq oo waaweyn oo kala ah: aqoonta iyo siyaasadda.
Galaydh iyo Dr. Mariam Abdi Bihi: Lammaanihii Tacliinta ku Midoobay
Noloshiisa qoyseed waxaa qayb weyn ka ahayd xaaskiisa, Dr. Mariam Abdi Bihi, oo iyaduna ahayd aqoonyahanad Soomaaliyeed. Mariam waxay waxbarashadeedii hore ku soo qaadatay dhinaca beeraha, dabadeedna bartamihii 1980meeyadii ayay waxbarasho sare u aaday Maraykanka. Waxay, dhinaca kale, ka soo shaqaysay dhinacyada shaybaadhka iyo waxbarashada jaamacadeed.
Cali Khaliif Galaydh iyo Mariam waxay dabayaaqadii 1980meeyadii isku guursadeen magaalada Boston. Noloshooda qoys waxay sannado badan ku xirnayd dunida jaamacadaha iyo aqoonta ee Maraykanka, gaar ahaan Harvard iyo Minnesota.
Carta iyo Dibuyagleeliddii Dawladnimada
Sannadkii 2000, ayuu Galaydh ka qaybgalay Shirkii Dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee Carta, Jabuuti. Shirkaasi wuxuu ka mid ahaa iskudayadii ugu waaweynaa ee lagu doonayay in dib loogu yagleelo dawlad Soomaaliyeed burburkii 1991 kaddib. Waxaa ka dhashay Dawladdii Kumeelgaarka Qaranka, ee Madaxweynaha loo doortay Cabdiqaasin Salaad Xasan. 8dii Oktoobar 2000 ayuu Madaxweyne Cabdiqaasim Cali Khaliif Galaydh u magacaabay Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya. Galaydh wuxuu sidaas ku noqday Ra’iisalwasaarihii ugu horreeyay ee Dawladdii Kumeelgaarka Qaranka.
Waxay ahayd masuuliyad timid xilli dalku ku jiray xaalad aad u adag. Hay’adihii qaranku burbur ayay ka soo kabanayeen, kooxo hubaysan ayaana qaybo badan oo dalka ka mid ah gacanta ku hayey. Awoodda dawladda cusubna aad ayay u koobnayd.
Xukuumaddii Galaydh waxay u xusulduubtay dibudhiska hay’adaha qaranka, fidinta awoodda dawladda iyo raadinta taageero caalami ah. 19kii Oktoobar 2001dii, isaga oo weli Ra’iisalwasaare ah, Galaydh wuxuu Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ka codsaday taageero xooggan oo lagu garab-istaago dibudhiska nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya.
28kii Oktoobar 2001, ayuu Baarlamaanku kalsoonidii kala noqday xukuumaddiisa, sidaas ayayna ku soo dhammaatay Ra’iisalwasaaranimadiisii socotay sannad iyo labaatan maalmood.
Minnesota: Kunoqoshadiisii Macallinimada
Markii uu xilka ka tegay, Galaydh, wuxuu dib ugu noqday Maraykanka. Wuxuu wax ka dhigay Humphrey Institute of Public Affairs ee University of Minnesota, halkaas oo uu ardayda kula wadaagay aqoontii iyo waaya-aragnimadii uu ka soo ururiyay maamulka, horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Minnesota waxay noqotay degaan uu muddo dheer ku noolaa isaga iyo qoyskiisu. Sooyaalkiisa waxaa ka muuqdaa in markii uu siyaasadda ka lugbaxo uu aqoonta ku noqon jiray; markii duruufaha dalku u gacanhaadiyaanna uu siyaasadda uu dib ugu soo laaban jiray.
Siyaasaddii Federaalka
2012kii ayuu Galaydh mar kale si toos ah ugu soo noqday siyaasadda Soomaaliya, isaga oo xubin ka noqday Baarlamaanka Federaalka ah. Wuxuu u tartamay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, haseyeeshee waxaa doorashada kaga guulaystay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Galaydh intaas kaddib kama uusan bixin fagaaraha siyaasadda. Doodihiisu waxay si gaar ah ugu sii jeedeen qaabdhismeedka Federaalka, qaybsiga awoodda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee degaannada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ahaa siyaasi hadal cad, doodkar ah, go’aan-adag oo leh af siyaasadeed u gaar ah. Waxa uu ku tilmaannaa in uu yahay nin waxa uu qabo si cad ah u yiraahda, taas oo marna u soo hoynaysay taageero, marna dhalinaysay muran.
Sida hoggaamiye kasta oo muddo dheer siyaasadda ku jiray, Galaydh wuxuu lahaa go’aanno lagu bogaadiyay iyo kuwo lagu dhaliilay. Waxqabadkiisa waxaa ka mid ahaa maamulkii hay’adaha dawladda, hoggaamintii mashaariicdii sonkorta, waxbariddii jaamacadaha, qaybtii uu ka qaatay dibuyagleelidda dawladnimada iyo dadaalkii uu ku bixiyay in degaannada SSC-Khaatumo ay yeeshaan cod siyaasadeed iyo metelaad dhab ah.
Geeridiisii
8dii Oktoobar 2020 ayuu Dr. Cali Khaliif Galaydh ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Waxay ahayd taariikh xusuus gaar ah ku leh sooyaalkiisa: 8dii Oktoobar 2000 ayuu labaatan sannadood ka hor noqday Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya; 8dii Oktoobar 2020 ayuuna godgalay. Meydka marxuunka ayaa loo soo qaaday magaalamadaxda dalka ee Muqdisho, halkaas oo lagu aasay. Waxaa sagootintiisa ka qaybgalay madaxda dawladda, siyaasiyiin iyo dadweyne aad u badan.
Ugu danbayntii, taariikhda Dr. Cali Khaliif Galaydh waa muraayad laga daawan karo qayb weyn oo ka mid ah sooyaalka dawladnimada Soomaaliyeed lixdankii sannadood ee ugu danbeeyay.