U bood dhigaalka

Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Ciise Cabdi
Qeybta: Dawladnimada & Arrimaha Bulshada
Oktoobar 12, 2026

Toddobaatan iyo laba sano ka hor maanta oo kale, 12kii Oktoobar 1954tii, Maxamed Cawaale Liibaan ayaa hindisay calanka buluugga ah, kaas oo, markii xornimada la helay 1960kii, noqday astaanta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Calankaas ayaa magaalada Hargeysa laga taagay 26ka Juun 1960, xilligaas oo Cabdullaahi Suldaan Timacadde tiriyay geeraarkii:

Sarreeyow ma nusqaamow

Aan siduu yahay eegnee

Kaana siib, kanna saar.

Muxuu yahay macnaha dhabta ah ee calanka? Ma wuxuu ka turjumayaa shan Soomaaliyeed? Soomaaliduse ma shan baa?

Muuqaal ahaan, calankeenna wuxuu u egyahay cirka, xiddigta dhexdiisa ku taallana waxa ay la mid tahay xiddigaha. Marka intaas la isku geeyo, waxa uu muujin karaa cirka iyo xiddigaha. Xiddigta cad ee dhexda uga xardhan calanka buluugga ah waxaa lagu macneeyaa in ay u taagantahay shanta Soomaaliyeed. Waa hubaal in calankan uu leeyahay qof walba oo Soomaali ah, balse in Soomaalida oo mid ah lagu tilmaamo shan Soomaali waxa ay ka turjumaysaa in la taageerayo kalaqaybintii uu gumaystuhu sameeyay. Qof walba oo Soomaali ah ee aaminsan in ay jiraan shan Soomaaliyeed waa qof faafinaya fikirkii gumaystaha. Macnahaas oo calanka lagu akhriyo waxa uu horseedi karaa in su’aal la geliyo in gumaystuhu uu ku lug lahaa ama uu fikir ku lahaa samaynta calanka, waana sida dhacday marar badan.

Muwaadin walba oo naftiisa ku waayay ama dhiiggiisu u huray, isaga oo la dagaallamaya cadow gudaha ah ama mid dibadda ah, si ay ummadda Soomaaliyeed ugu noolaato nabad iyo cisi, waa halyey aan la illaawi doonin! Maanta oo kale, waxaa mudan in si gaar ah loo xuso halyey Maxamed Cabdulle Xalane, oo naftiisa u huray ilaalinta calankeenna, iskana diiday in calanka Soomaaliyeed uu gacanta u galo cadowga guunka ah ee Itoobiya. Alle ha u naxariistee, Xalane ayaa arkay ciidankii Xabashida oo ku soo siqaya halkii uu surnaa calanka Soomaaliyeed. Ciidan kaa tiro badan oo kugu soo wajahan marka aad aragto, waxa ugu horreeya ee maanka aadanaha ku soo dhacaya waa dibugurasho iyo badbaadinta nafta; hasayeeshee Xalane badbaadada calanka ayuu ka doorbiday bixinta naftiisa. Halkaas ayuuna ku shahiiday, isaga oo ku fara-adaygaya in calanku taagnaado, kana dhowraya in uu ciidda taabto.

Laba iyo lixdan sano kaddib, cadawgii uu calanka ka ilaalinayay ayaa maanta dalkeenna ku sugan, welibana isla calankaas ayaa ka ag babanaya. Waana waxa laga dhaxlo burburka.

Heesta Calanka

Heesta calanka waxaa curiyay abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad. Abwaanku waxa uu ereyada ku muujiyay midabka calanka iyo jacaylka uu u qabo, waxaana ereyadeeda ka mid ah:

Qolo baa calankeedu,

waa caynoo,

Innaga keenna waa,

Cirkoo kale e,

Oon caadna lahayn,

Ee caashaqaye.

Xiddigyahay caddi,

Waad noo ciidamisee,

Carradaa keligaa

adow curadee,

Cadceedda sideedaa

u caan noqo ee.

Cishadaad dhalataad

Calooshayadii

sidii culaygii

Cidaad marisee,

Allow ha ku celin

Cawooy dhaha.

Saamaynta Federaalka ee Cawaale

Maanta oo ah maalintii Cawaale ee 12ka Oktoobar, ma dhicin munaasabado lagu weynaynayo calanka Soomaaliyeed, marka laga reebo kuwa ka dhacay xarumaha dawladda. Dhallinyaro badan ayaaba aan ku baraarugsanayn ama garanayn maalinta calanka, halka qaar kalena uusan wax macne ah la lahayn. Dhanka kale, maalmaha dawladgoboleedyada waxaa la isugu soo baxaa fagaarayaasha, calankoodana waxaa lagu xardhaa gaadiidka iyo goobaha ganacsiga. Sababta jiilka maanta calanka dawladgoboleedka u weynaynayo, kii Soomaaliyana uusan ugu xafladayn, ma aha in uu Soomaalinimada necebyahay; balse calanka dawladgoboleedka waxa uu u arkaa mid uu si gaar ah u leeyahay, haddii aan loo xafladaynna ceebtu waxa ay ku dhacaysaa degaankiisa. Hasayeeshee, calankan dadka ka dhexeeya waxa uu u arkaa mid uusan keligiis xil ka saarnayn. Waana halka aynu ku gabnay masuuliyadda iyo danta guud.