Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu ahaa Ra’iisalwasaarihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay yeelato, xorriyaddii 1960kii kaddib (1960—1964), iyo Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda (1967—1969). Waxaa ka horreeyay Cabdullaahi Ciise Maxamuud, oo Ra’iisalwasaare ka ahaa Maamulkii Soomaaliya ee xilligii Wasaayadda Talyaaniga, intii u dhexaysay 1956 ilaa 1960. Cabdullaahi Ciise wuxuu hoggaaminayay xukuumaddii Soomaaliyeed ee la dhisay xilligii dalka loo diyaarinayay gobannimada. Markii ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdirashiid ayaa noqday Ra’iisalwasaarihii ugu horreeyay ee jamhuuriyadda cusub, halka Cabdullaahi Ciise uu ka mid noqday xukuumaddii dalka, isaga oo qabtay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda (Heritage Institute for Policy Studies, 2022, p. 6; Mukhtar, 2003, pp. 21, 273).
Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu sannadkii 1919kii ku dhashay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ayuu ku soo qaatay Muqdisho, halkaas oo uu dugsiga hoose ku dhammaystay sannadkii 1936. Intaas ka dib, wuxuu ka shaqeeyay hawlaha maamulka, isaga oo shaqaale ka noqday maamulladii Talyaaniga iyo Ingiriiska ee Soomaaliya soo maray. Sannadkii 1943, wuxuu ku biiray Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth Club – SYC), oo markii danbe, sannadkii 1947, isu beddelay Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth League – SYL). Sannadkii 1950, wuxuu xubin ka noqday guddiga dhexe ee ururkaas, oo hormuud u ahaa halgankii gobannimodoonka Soomaaliya.
Cabdirashiid, isaga oo sii watay shaqadiisii maamulka, ayuu dib u bilaabay waxbarashadiisii. Sannadkii 1953dii, wuxuu dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare ee siyaasadda iyo maamulka. Ka dib, wuxuu deeqwaxbarasho u aaday dalka Talyaaniga, halkaas oo uu cilmiga siyaasadda ka bartay Jaamacadda Rooma (Sapienza University of Rome). Sannadkii 1958dii, wuxuu ka qalinjebiyay jaamacaddaas, isaga oo qaatay shahaadada heerka kowaad ee cilmiga siyaasadda. Wuxuu ka mid noqday Soomaalidii ugu horreysay ee xilligaas shahaado jaamacadeed hesha. Waxaa kale oo uu ahaa xubintii keliya ee shahaado jaamacadeed haysatay xukuumaddii ugu horraysay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Markii uu dalka ku soo laabtay, wuxuu si toos ah ugu biiray dhaqdhaqaaqyadii siyaasadda iyo dawladdhiska. Sannadkii 1959kii ayaa loo doortay xubin ka tirsan Golihii Sharcidejinta Soomaaliya (Assemblea Legislativa), isaga oo Ururka SYL ku matalayay degmada Qardho. Waqtigaas, Soomaaliya waxay ku jirtay marxaladihii ugu danbeeyay ee u diyaargarowga gobannimada iyo midowga gobolladii ay kala gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
26kii Juun 1960kii, gobolladii waqooyi ee Ingiriisku gumaysan jiray ayaa xornimada qaatay, halka gobolladii koonfureedna ay xoroobeen 1dii Luulyo 1960, markaas oo labada dhinac ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda noqday Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan-Cadde), halka Cabdirashiid Cali Sharmaarke loo magacaabay Ra’iisalwasaare. Xilkaas ayuu hayay ilaa 1964tii, markaas oo uu ku beddelay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Xukuumaddii ugu horreysay ee Cabdirashiid waxay ka koobnayd 11 wasaaradood, waxaana ka mid ahaa wasiirradii xukuumadda Cabdullaahi Ciise Maxamuud iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
Muddadii uu Ra’iisalwasaaraha ahaa, Cabdirashiid wuxuu dadaal geliyay dhismaha hay’adihii dawladda, horumarinta xiriirka dibadda iyo xoojinta madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya. Wuxuu taageersanaa siyaasadda dhexdhexaadnimada, xilli ay dunidu ku jirtay Dagaalkii Qaboobaa ee u dhexeeyay quwadihii reer Galbeedka iyo Midowgii Soofiyeedka. Sannadkii 1962dii, isagoo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne John F. Kennedy. Waxaa kale oo ay xukuumaddiisu dadaal u gashay sidii Soomaaliya u heli lahayd taageero dhaqaale iyo mid ciidan oo ay ka hesho dalalka reer Galbeedka iyo Midowgii Soofiyeedka (Mukhtar, 2003, p. 17; U.S. Department of State, Office of the Historian, n.d.).
Cabdirashiid wuxuu sidoo kale kaalin ku lahaa siyaasaddii lagu taageerayay midnimada dhulka Soomaalida. Xukuumaddiisii ayaa bishii Maarso 1963dii xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Ingiriiska, ka dib markii dawladda Ingiriisku ay taageertay in degaanka NFD uu ka mid ahaado Kenya, inkasta oo qayb weyn oo dadkii degaankaasi ay doonayeen in ay la midoobaan Soomaaliya. Sidoo kale, dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray sannadkii 1964tii wuxuu dhacay muddadii uu Cabdirashiid Ra’iisalwasaare ahaa, ee ma ahayn markii uu Madaxweyne noqday (Mukhtar, 2003, p. 17; UK Parliament, 1963).
Markii la gaaray sannadkii 1967dii, waxaa dhammaaday muddaxileedkii Madaxweyne Aadan-Cadde. Doorashadii madaxtinnimada ee sannadkaas waxaa ku tartamay Aadan-Cadde iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo hore u soo noqday Ra’iisalwasaarihiisa. Cabdirashiid ayaa ku guulaystay doorashada, wuxuuna noqday Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Aadan-Cadde ayaa xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweynaha cusub, taas oo noqotay dhacdo muhiim ah oo ku saabsan sooyaalka dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Markuu Cabdirashiid noqday Madaxweyne, wuxuu Ra’iisalwasaare u magacaabay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Xukuumadda cusub waxay xoogga saartay hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la lahayd dalalka deriska ah, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya. Siyaasaddan oo ku dhisnayd wadahadal iyo xallinta ismaandhaafka ayaa ka duwanayd siyaasaddii adkayd ee ay Soomaaliya horay uga lahayd murannada xuduudaha. Hasayeeshee, waxaa jiray kooxo siyaasadeed oo ka soo horjeeday siyaasaddaas, iyaga oo u arkayay in ay wiiqayso dadaalladii lagu doonayay midnimada dhulka Soomaalida.
Dhinaca gudaha, muddadii uu Cabdirashiid Madaxweynaha ahaa, waxaa dalka ka jiray loollan siyaasadeed, khilaafaad ka dhex aloosnaa xisbiyada iyo eedaymo la xiriiray musuqmaasuqa doorashooyinka. Doorashooyinkii baarlamaanka ee Maarso 1969kii waxay dhaliyeen muran siyaasadeed oo xooggan. Waxaa sii kordhayay tartanka loogu jiray awoodda dawladnimo iyo kala aragti duwanaanta ku saabsan jihada siyaasadeed ee dalka. Arrimahaasi waxay qayb ka ahaayeen xaaladdii siyaasadeed ee Soomaaliya ku sugnayd bilihii ugu danbeeyay ee xukuumaddii rayidka ahayd (Kissinger, 1969a; Mukhtar, 2003, p. 17).
Dilkii Madaxweynaha
15kii Oktoobar 1969, Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa lagu dilay magaalada Laascaanood, isaga oo booqasho ku marayay degaanno ay abaaro iyo roobyaraan saameeyeen. Dilka ayaa dhacay duhurnimadii, meel ku dhow xaruntii maamulka magaalada. Sida uu qoray Barafasoor Maxamed Xaaji Ingiriis, ninka dilka geystay waxaa lagu magacaabi jiray Siciid Yuusuf Ismaaciil, oo loo yaqaannay Siciid-Orfano. Wuxuu ahaa nin 22 jir ah oo lala xiriiriyay ciidanka booliska. Sida cilmibaaristaasi xustay, wuxuu Madaxweynaha ku dhuftay toddobo xabbadood, waxaana Cabdirashiid halkaas ka soo gaaray dhaawicii sababay geeridiisa (Ingiriis, 2017, pp. 131–132).
Dilka Madaxweyne Cabdirashiid wuxuu dalka geliyay xaalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah. Siduu dhigayo nidaamkii dastuuriga ahaa ee Jamhuuriyadda, waxaa si ku meelgaar ah xilka Madaxweynaha ula wareegay Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Qaranka. Ra’iisalwasaare Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa xilliga dilku dhacay safar ku joogay dalka Maraykanka, waxaana la soo gaarsiiyay warka geerida Madaxweynaha. Waxaa la filayay in Golaha Qaranku doorto Madaxweyne cusub muddo soddon maalmood gudahood ah, qorshahaasise ma hirgelin.
Lix maalmood ka dib dilkii Madaxweynaha, 21kii Oktoobar 1969kii, ayaa ciidamadu afgenbi kula wareegeen talada dalka. Afgenbiga waxaa hoggaaminayay saraakiil ciidan oo uu ka mid ahaa Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre, oo xilligaas ahaa Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka. Waxaa la kala diray Golaha Qaranka, la hakiyay Dastuurkii dalka, lana mamnuucay ururradii siyaasadeed. Sidoo kale, waxaa la xiray Ra’iisalwasaare Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, xubno ka tirsanaa xukuumaddiisii iyo siyaasiyiin kale oo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore Aadan-Cadde.
Dilka Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu noqday mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee saameeyay sooyaalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Inkasta oo la aqoonsaday ninkii rasaasta ku dilay Madaxweynaha, haddana weydiimaha ku saabsan cidda ka danbaysay abaabulka dilka iyo ujeeddadii loo fuliyay waxay noqdeen kuwo ay taariikhyahannadu ku margadaan oo halxiraale noqday! Maxamed Xaaji Ingiriis (2017) wuxuu soo bandhigay aragti ku saabsan kaalinta ay suuragal tahay in siyaasaddii Dagaalkii Qaboobaa (Cold War) iyo loollankii awoodda gudaha ay ku lahaayeen dilka. Dhinaca kale, warbixinnadii sirdoonka Maraykanka ee xilligaas waxay muujiyeen in aanay jirin xog ku filan oo lagu xaqiijin karo xiriir toos ah oo u dhexeeyay dilka iyo afgenbigii xigay (Kissinger, 1969a, 1969b). Geeridii Cabdirashiid iyo afgenbigii xigay waxay soo afjareen sagaalkii sano ee ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku shaqaynaysay nidaamka xisbiyada badan iyo dawladnimada rayidka ah.
_______________
TIXRAACYADA
- Heritage Institute for Policy Studies. (2022). Somalia’s council of ministers: A call for competent and rule-based cabinet.
- Ingiriis, M. H. (2017). Who assassinated the Somali president in October 1969? The Cold War, the clan connection, or the coup d’état. African Security, 10(2), 131–154.
- Kissinger, H. A. (1969a, October 20). Memorandum from the President’s Assistant for National Security Affairs (Kissinger) to President Nixon [Memorandum, Document 278]. In Foreign relations of the United States, 1969–1976, Volume E–5, Part 1. U.S. Department of State.
- Kissinger, H. A. (1969b, October 21). Memorandum from the President’s Assistant for National Security Affairs (Kissinger) to President Nixon [Memorandum, Document 279]. In Foreign relations of the United States, 1969–1976, Volume E–5, Part 1. U.S. Department of State.
- Mukhtar, M. H. (2003). Historical dictionary of Somalia (New ed.). Scarecrow Press.
- Rogers, W. P. (1969, October 15). Memorandum from Secretary of State Rogers to President Nixon [Memorandum, Document 277]. In Foreign relations of the United States, 1969–1976, Volume E–5, Part 1. U.S. Department of State.
- UK Parliament. (1963, March 25). Somali Republic (diplomatic relations). Hansard, House of Commons Debates, 674, cols. 946–947.
- U.S. Department of State, Office of the Historian. (n.d.). 1962: Visits by foreign leaders.