U bood dhigaalka

Muxuu daarranyahay Safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Ankara?

Ogoosto 10, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay kulammo la qaataan mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee milatariga Turkiga, iyadoo ajandaha kulamadaasi diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan tayeynta, tababarka iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ka qaadanayay dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayadoo Ankara ay tababartay kumannaan askari Soomaaliyeed, kuwaas oo qayb ka noqday ciidamada loo diyaariyey inay qaadaan masuuliyadda amniga iyo difaaca dalka.

Ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka ku qaata Turkiga ayaa sidoo kale helay tababarro ciidan oo casri ah, iyadoo xoogga la saarayo sare u qaadista aqoonta, anshaxa iyo awoodda hawlgelineed ee ciidanka.

Booqashada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Ankara ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidankeeda iyo sidii ciidamada qaranku ay si buuxda ugu diyaargaroobi lahaayeen gudashada waajibaadka difaaca dalka.

Kulamada uu Janaraalku la yeelanayo madaxda milatariga Turkiga ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal, iyo in la sii ambaqaado qorshayaasha lagu horumarinayo tababarka, qalabaynta iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wada-shaqeynta milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa loo arkaa mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee xiriirka labada dal, iyadoo Ankara ay sannadihii u dambeeyay si gaar ah uga shaqaynaysay taageerada dhismaha hay’adaha amniga iyo ciidamada Soomaaliya.