MUQDISHO, Soomaaliya — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) kaddib markii loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Doorashada oo maanta ka dhacday Muqdisho ayaa Cabdulqaadir Maxamed Nuur ku guuleystay 142 cod, halka Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada) oo la tartamayey uu helay 30 cod.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo doortay, isagoo u rajeeyay inuu si hufan uga soo baxo masuuliyadda culus ee loo igmaday.
Doorashadan ayaa Guddoomiyaha cusub siinaysa mas’uuliyadda hoggaaminta Golaha Shacabka, oo ah mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee dowladda federaalka Soomaaliya.