U bood dhigaalka

Ilhan Omar oo ku guuleysatay in ka badan 80% codadka doorashada hordhaca ah ee Congress-ka Mareykanka

Ogoosto 12, 2026

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa si weyn ugu guuleysatay doorashada hordhaca ah ee Xisbiga Dimuqraadiga ee degmada 5-aad ee Congress-ka gobolka Minnesota, iyadoo heshay in ka badan 80% codadka.

Guushan ayaa u oggolaanaysa inay mar kale noqoto musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga ee degmada 5-aad doorashada guud ee bisha November 2026.

Degmadan oo ay ku jirto magaalada Minneapolis ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah degmooyinka ugu taageerada badan Dimuqraadiga ee Minnesota iyo guud ahaan Mareykanka.

Ilhaan, oo Congress-ka Mareykanka ku matalaysay degmadan tan iyo 2018-kii, ayaa markan wajahday tartan adag oo ay la gashay musharraxiinta kala ah: Julie T. Le, Abena McKenzie, Latonya Reeves iyo Nate Schluter.

Guusha ayaa sidoo kale muhiim u ah Ilhaan iyadoo ololaheeda siyaasadeed uu muddo dheer ku salaysnaa arrimo ay ka mid yihiin socdaalka, xuquuqda bulshada iyo siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Xogta doorashada ayaa muujinaysa in ay heshay taageero aad u ballaaran oo ka timid cod-bixiyayaasha degmada, ayadoo warbixinnada la helayo ay sidoo kale xusayaan in ay ololahan wajahday iyada oo aan taageero ka helin AIPAC oo ah urur saameynta weyn ku leh siyaasadda Mareykanka ee la xiriirta Israa’iil.

Arrintan ayaa ka dhigtay ololaheeda mid si gaar ah loo hadal hayo, maadaama Ilhaan ay muddo dheer si adag u dhaleecaynaysay siyaasadda Israa’iil iyo dagaalka marinka Qasa.

Doorashada hordhaca ah ayaa ahayd tallaabada koowaad; balse Ilhaan weli waxay u baahan tahay inay ku guuleysato doorashada guud ee November si ay u sii haysato kursigeeda Congress-ka.