Dowladda Pakistan ayaa dalbatay in la xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in xorriyaddooda lagu soo celiyo 10 badmaaxiin Pakistani ah oo muddo bilo ah lagu haysto Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Ishaq Dar, ayaa Khamiistii shir heer sare ah ku qabtay Islamabad, kaas oo looga hadlay xaaladda badmaaxiinta iyo dadaallada socda ee lagu doonayo in si nabad ah lagu sii daayo.
Badmaaxiintan ayaa ka mid ahaa shaqaalihii markabka shidaalka ee MT Honour 25, oo ah markab ka babanayay calanka Palau, kaas oo 21-kii Abriil lagu qafaashay xeebaha Puntland, Soomaaliya.
Markabka waxaa saarnaa 17 shaqaale ah, waxaana 10 ka mid ah ay ahaayeen Pakistani, halka shaqaalaha kale ay u dhasheen Indonesia, India iyo Sri Lanka.
Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in Wasiir Ishaq Dar uu faray hay’adaha ay khuseyso inay sii xoojiyaan xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah iyo mas’uuliyiinta Soomaaliya, si loo helo waddo lagu xaqiijin karo sii deynta iyo soo celinta badmaaxiinta.
Islamabad ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladda si dhow loola socdo, iyadoo rajaynaysa in dadaallada diblomaasiyadeed ee joogtada ah iyo iskaashiga dhinacyada ay horseedi doonaan natiijo wanaagsan iyo in badmaaxiintu si nabad ah ugu laabtaan dalkooda.
Pakistan ayaa horay ula xiriirtay dowladda Soomaaliya, waxaana bishii June Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cali Dhaay, uu sheegay in Soomaaliya ay sii waddo dadaallada lagu raadinayo xal iyo sii deynta badmaaxiinta.