Dowladda Shiinaha ayaa Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya u soo dirtay cutubkeedii 49-aad ee ciidamada badda, taas oo qeyb ka ah howlgalka joogtada ah ee Beijing ay ka waddo sugidda amniga maraakiibta ganacsiga iyo la dagaallanka burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.
Wasaaradda Difaaca Shiinaha ayaa sheegtay in cutubkan cusub uu ka ambabaxay deked militari oo ku taalla magaalada Sanya ee gobolka Hainan subaxnimadii 12-ka Agoosto 2026.
Maraakiibta ka qeyb qaadanaysa howlgalka
Ciidanka cusub waxaa hoggaaminaya markabka dagaalka ee Kunming (Hull 172), oo ah nooca Type 052D ee burburiyeyaasha gantaallada hagaya. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah markabka dagaalka Yueyang, oo ah markab nooca frigate-ka ah, iyo markabka sahayda iyo taageerada fog ee Luomahu.
Saddexda markab ayaa ah kuwo ay Shiinuhu si madax-bannaan u naqshadeeyeen una dhiseen, waxaana inta badan laga soo xulay ciidamada badda ee hoos yimaada Taliska Tiyaatarka Koonfureed ee Ciidanka Xoreynta Dadka Shiinaha (PLA).
Cutubka waxaa kale oo la socda laba diyaaradood oo qumaatiga u kaca oo saaran maraakiibta iyo tobannaan askari oo ka tirsan ciidamada howlgalada gaarka ah.
Cutubka 49-aad ayaa la filayaa inuu kala wareego cutubkii 48-aad ee ciidamada badda Shiinaha, kaas oo howlgalka ka waday gobolka tan iyo bishii Oktoobar 2025.
Hawlaha ugu muhiimsan ee cutubka cusub waxaa ka mid noqon doona ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee mara Gacanka Cadmeed, ka hortagga burcad-badeedda iyo bixinta gargaar haddii maraakiibta ay la kulmaan xaalado degdeg ah.
Gacanka Cadmeed ayaa muhiimad gaar ah u leh ganacsiga caalamiga ah, maadaama uu yahay marin isku xira Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, iyadoo maraakiib badan oo u kala goosha Aasiya, Afrika iyo Yurub ay isticmaalaan waddadan.
Shiinaha ayaa joogitaan ciidan-badeed oo joogto ah ku lahaa Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya tan iyo Diseembar 2008, xilli ay beesha caalamku kordhisay dadaallada lagu ilaalinayo maraakiibta ganacsiga ee mara xeebaha Soomaaliya.
Beijing waxay joogitaankeeda ku salaysaa qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo amniga waddooyinka muhiimka ah ee maraakiibta caalamiga ah.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegtay in howlgalada ciidamada badda Shiinaha ay ilaa hadda ku lug yeesheen ilaalinta in ka badan 7,000 markab oo Shiinaha iyo dalal kale laga leeyahay, iyadoo ciidamada Shiinuhu ay sidoo kale sameeyeen hawlgallo samatabixin, ilaalin iyo gargaar ay siiyeen maraakiib ay xaalado adag ku qabsadeen.
Ka hor inta aysan ka ambabixin Shiinaha, ciidamada cutubka 49-aad waxay sameeyeen tababarro gaar ah oo lagu diyaarinayay xaaladaha ay la kulmi karaan inta ay howlgalka ku jiraan.
Tababarada waxaa diiradda lagu saaray adeegsiga hubka, isku-duwidda howlgalada ilaalinta maraakiibta iyo buuxinta sahayda iyadoo maraakiibtu ay badda ku jiraan.
Shiinuhu wuxuu sheegay in tababaradaasi ay ku salaysnaayeen xaalado halis ah oo suuragal ah, si ciidamada loogu diyaariyo inay si degdeg ah uga jawaabaan khataraha ka dhasha howlgalka.
Dirista cutubka 49-aad waxay muujinaysaa in Shiinuhu uu weli muhiimad weyn siinayo amniga Gacanka Cadmeed iyo biyaha ku dhow Soomaaliya.
Joogitaanka maraakiibta dagaalka ee dal awood weyn leh sida Shiinaha ayaa sidoo kale ka tarjumaya muhiimadda istiraatiijiyadeed ee marin-biyoodka, gaar ahaan xilli amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu saameyn ku yeelan karo ganacsiga caalamiga ah iyo isu socodka maraakiibta.
Howlgalka cusub ayaa sidaas darteed noqonaya qeyb kale oo ka mid ah joogitaanka muddada dheer ee ciidamada badda Shiinaha ee xeebaha Soomaaliya, iyadoo Beijing ay sheegtay in mudnaanta koowaad ay tahay ilaalinta maraakiibta iyo sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah.